Dawlada Soomaaliya oo sheegtay in aan lala socodsiin Hub Imaardku ugu deeqay Jubbaland

    Muqdisho May 29,2015(SDN/QJ)-Waziirka arimaha dibadda Soomaaliya C/salaam Hadliye cumar ayaa sheegay in dowladda federaalka ah aysan la socon hubkii dhawaan dowladda imaaraatka carabta ay ku wareejisay Maamulka KMG ah ee Jubbaland kadib markii dowladdaasi ay sheegtay in ay ugu deeqday. Waziir hadliye ayaa shaaciyey in ay baaritaano ku wadaan hubkaasi isaga oo sheegay in gobolada…

    Read More

      RW. ku xigeenka dalka ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibadiisa

      Muqdisho, 28, May, 2015(SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ah ugu kicitimay dalka dibadiisa, wuxuna magaalada Nairobi kulamo kula qaadan doonaa deeq bixiyayaasha caalamka, halka magaalada Geneva uga qayb galayo shirkii 104-aad ee Shaqaalaha Aduunka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalinka barito ah kulan balaaran kula qaadanayaa…

      Read More

        Buug loo bixiyey HOOBAL oo lagu uruuriyey qaar ka mid ah Heesihii hore oo xalay lagu soo bandhigay Hargeysa

        Hargeysa May 29, 2015(SDN/QJ) Xaflad daah-fur ah ayaa xalaycaawa magaalada Hargeysa loogu sameeyey buug loo bixiyey HOOBAL oo lagu uruuiyey heesihii hore ee ay qaadeen qaar ka mid ah fannaaniintii waa weynayd ee Soomaaliyeed. Buuggan HOOBAL oo uu qoray Mawliid Aadan Biixi oo ah nin dhalinyaro, ayaa sheegay in buuggan uu go’aansaday inuu qora 2009kii,…

        Read More

          sawaxan (gabay) w/curiyey maxamed yaasiin maxamed ilkacase

          Waxaa had iyo jeeraale dadku ay ku fooganyihiin qisooyinka dadka kale ee ku xeeraan oo aanay mar keliya aanay afka ka qaadin ka sheekayntooda,taasoo ayba soomalidu ula baxday maahmaah ay ku xalaalaysanayaan iyagoo yidhaahda xoolo waa geedo daaq dadna waa xandaaq,waxaanay inta badan ugu badan yihiin xiliyada ababinta nolosha guurka ugu horaysa oo ay sifayaal…

          Read More

            “Madaxweyne Wax-qabadkaagii Aragnaye Wax Soo Saarkaagii Baa Hadhay, waayo Waa La Kala Nasan lahaa Oo Nin Baloodh Raadiyaaba Ma Jireen…”Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir.

            Hargeysa:May,29,2015(SDN/QJ)-Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland SuldaanMaxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Madaxweyne Siilaanyo usoo jeediyey inuu Khayraadka waddanka ku  duugan ku dhiirrado sidii dibadda loogu soo saari lahaa, isla-markaana dadku ugu kala nasan lahaayeen. Suldaan Maxamed waxa uu sheegay inuu Madaxweynuhu waxqabad badan muujiyey, balse ay wali qabyo dhinaciisa ka tahay Soo saaridda Khayraadkii waddanku lahaa, “Madaxweyne…

            Read More

              “Haddaynu Axadda sugaynay oo ay Arbacada u dhacdo sidii raggii shirka ka kacay yeynaan noqonine aynu sugno.”Wasiir Cukuse

              Hargeysa:May,29,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maamed Daahir (Cukuse), ayaa Shacabka Deegaanka Masallaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa  ugu bushaareeyey inay si degdeg ah u heli doonaan dhul kaga maqnaa Fidinta xayndaabka garoonka oo dhawaan ballaadhin lagu sameeyey. Wasiir Cukuse oo shalay ka Hadlay Munaasibad Madaxweynuhu xadhigga kaga jarayey Mashaariic laga hirgeliyey Garoonka Cigaal…

              Read More

                “Waxanu Markhaatiga weydiinaynaa Bulshada Caddaalada Taqaanna Laakiin Dhega-gaale iyo Dad ku cadanyooda Horumarka Waddanka waxba ka weydiin mayno.”Wasiirka Duulista Hawada.

                Hargeysa:May,29,2015(SDN/QJ)-Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Axmed, ayaa si weyn ugu faanay Waxqabad uu sheegay inuu ka muujiyey Wasaaradda uu masuulka ka yahay, gaar ahaanna Dhismayaal iyo casriyey uu sheegay inuu Garoonka Cigaal International ka muujiyey. Wasiirka oo ka Hadlay madal uu madaxweynuhu xadhigga kaga jarayey mashaariic cusub oo uu madaxweynuhu…

                Read More

                  “Walaahi bilaahi hadii Wadankayga la iga dajin waayo Aniga iyo Caruurtayduba Bada ayaan isku ridaynaa” Dhacdo Fool Xun Iyo Marsada Berbera DAAWO

                  Berbera 29.May 2015 (SDN/QJ)- Waa dhaqan aan ku wanaagsanayn wada dhalashada iyo diinta islaamkaba in tacadi loo gaysto dad maati ah oo ka soo cararay Qalalaasaha ka aloosan dalka Yemen. Waxay dadkani saarnaayeen Markabkii ay Yemen ka soo raaceen saarnaayeen Sadex Cisho,Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ayaa dadkan u kala saaray Somalia, Somaliland iyo Yemen, Waxaana Markabka laga…

                  Read More

                    “Hadii uu Go’aankaas nabadgelin waayo Madaxweyne ku Xigeenku Waxa uu ku Jiraa Xaalad Adag” Xildhibaan Indho Indho DAAWO

                    Hargaysa 29.May 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan C.qaadir Indho Indho oo ka Mid ah Mudanayaasha Aqalka Guurtida ee garabsaarka la leh Madaxtooyada ayaa Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ugu Hanjabay inay Talaabo Sharci oo adag ka qaadi doonaan hadii aanu faraha kala bixin sida uu Yidhi Go’aankii Mudo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen Madaxweynaha…

                    Read More

                      Baarlamaanka EU-du oo dood ka yeeshay Qalalaasaha Dunida oo lagu Faaqiday Kaalinta Somaliland ka geysatay Qaabilaadda Qaxoontiga Yemen

                      Brussels, 29 May, 2015 (SDN/QJ)- Baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa dood uu shalay ka yeeshay kaalinta hay’adda Caalamiga ah ee ICRC ka geysato xaaladaha bani’aadmino ee waddamada dagaaladu ka dhacaan, ayaa lagu soo qaaday taageerada ay Somaliland ka geysatay qaabilaadda dadka qaxoontiga ah ee ka soo cararaya qul-qulooyinka ka socda waddanka Yemen. Guddoomiyaha hay’adda Laanqeyraha Cas…

                      Read More

                        Lafo Dad oo laga Helay Qubuuraha Naasa-hablood,Dareemo Shaki leh oo laga Muujiyay iyo Naxdinta Bulshada

                        Hargaysa: 29.May 2015 (SDN/QJ)- Guntimooyin Lafo ah Dad ah oo sida la sheegay Baco iyo Maryo lagu mooriyey, ayaa laga helay Xabaalaha Naasa-hablood ee Bariga Magaalada Hargeysa,sidaas waxa xaqiijiyey Saraakiisha Nabad-gelyada iyo Dawladda hoose ee Degmada Gacan-libaax. Lafahan ayaa waxa lagu daadiyey meel banaan oo Xabaalaha dhexdooda ah, halkaasoo laga soo qaaday, kaddib markii laga war-helay,…

                        Read More

                          Nuxurka Go’aamo ka Soo baxay Shir ay Ganacsatada iyo Xukuumadu kaga arrinsanayeen sidii daaqada looga tuuri lahaa Isticimaalka Dollarka

                          Hargaysa: 29.May 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, shirkadaha Isgaadhsiinta iyo kuwa xawillaadaha lacagta, ayaa ku heshiiyey in adeegyadooda ay ku bixiyaan shillinka Somaliland si kor loogu qaado qiimihiisa, meeshana looga saaro isticmaalka dollarka oo saamayn ku yeeshay sicir-bararka dalka. Kulan lagu qabtay huteelka Maansoor ee Hargeysa oo ay ka qaybgaleen wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta iyo Ganacsiga, Guddomiyaha…

                          Read More

                            “ 800 Oo Kun Oo Mitir Oo Dhul Ah Oo Madaarka Loo Xadeeyay Madaxweyne Dadkii Deganaa Wax Bedel Ah Maanu Siin, Laakiin..” Wasiirka Hawlaha Guud DAAWO

                            Hargaysa: 29.May 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka mid ahaa guddi uu madaxweynaha Somaliland u magacaabay xadeynta dhulka madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal Airport ayaa ka warramay heerarkii uu soo maray xadeynta madaarku iyo duruufihii ka hor yimi muddadii ay hawshaas ku jireen. Wasiirka oo khudbad ka jeediyay…

                            Read More

                              Hargaysa oo Lagu Qabtay Xuska Maalinta Itoobiya ee 20 Ginbood,Madaxweyne Xigeenka oo ka hadlay arimo ay Somaliland iyo Itoobiya Mataano ku yihiin DAAWO

                              Hargaysa: 29.May 2015 (SDN/QJ)-  Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa ka qayb galay Munaasibada 24 Guurada ka soo wareegtay Markii Gadood dagaal lagu riday Xukunkii Dhergiga ahaa ee Mingiste Xayle Maryam ee dalka Itoobiya taas oo lagu qabtay Magaalada Hargaysa. Kulan Xuseedkan Itoobiya Waxaa ka qayb galay Madax ka tirsan…

                              Read More

                                “Gudoomiye Saleebaan waxaa u eekayd inuu is daad raaciyo waayo waxani waa doonistii shacabka” Gudoomiye Faysal DAAWO

                                Hargaysa 29.May 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay sida ay xisbi ahaan u arkaan go’aanka Guddoomiyaha Golaha Guurtidu ku qaaday heshiiskii ay saddexda xisbi iyo Xukuumadda Somaliland ka gaadheen khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii ay hore Golaha Guurtidu ugu sameeyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. https://www.youtube.com/watch?v=Wu3epe1Q-s4

                                Read More

                                  Xukuumada Somaliland oo ku Fashilantay inay la Tacaasho Sicir bararka Maceeshada iyo Hoos u dhig lagu sameeyo dollarka oo quus laga Joogo

                                  Hargaysa: 29.May 2015 (SDN/QJ)-Qiimaha sarifka Dollarka ee lacagta qalaad, ayaa gaadhay muddooyinkii u danbeeyay halkii ugu xumayd gaar ahaan Suuqyada sarifka ee magaalada Hargeysa, iyadoo qiimuhu malinba maalinta ka danbaysa kor u sii kacayo . Xukuumada Somaliland ayaa Shirar Xidhiidh ah la leh Shirkadaha Waaweyn Sida Xawaaladaha,Telesom, Somtel,Ganacsatada iyo Sariflayaasha oo ay ka dalbatay inay…

                                  Read More