“Dawladdii Rayaale way ka dulqaad badnayd tan Siilaanyo oo qof wal oo hadlaba afka kagamay soo boodayn. Qabyaaladduna xadkan ay imika taladii ay salka u tahay in qabiil lagu qaado way ka yara asturnayd.”Cali-sanyare
Hargeysa:June,08,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, Cali Maxamed Ibraahim(cali-sanyare) ayaa si weyn uga Hadlay Xaaladda Guud ee Dalka, waxana uu tilmaamay in hoos u dhac badani ka jiro Gebi ahaanba somaliland. Cali-Sar oo la Hadlay Barnaamijka Milicsiga siyaasiga ee Telefishanka Universal, ayaa si weyn isu barbar dhigay Xukuumaddii uu isagu katirsanaan jirey…
