“Madaxweynuhu waa nin oday ah oo nin lagu ciyaaro ma aha, Dee ragga ku shaqaysanaya ee leh madaxweynuhu hasii joogo waxan leeyahay dhallinyaraad tihiine……” Eng. Faysal Cali-waraabe
Hargeysa:June,29,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si weyn u dhaliilay Golaha Guurtida, waxana uu ku tilmaamay qaar aan u qalmin inay kuraastaas kusi fadhiyaan. Faysal Cali-waraabe oo warbaahinta la Hadlay, ayaa tilmaamay inuu wax ixtiraam ah u haynin Golahaas, waxana uu ku tilmaamay Gole dhaxaltooyo isku rigay,“Guurtidu agtayda waxba kama aha, waayo sharci kuma…
