“Baashe Boqol dollar muu Bixin  Markii uu Golahan imanayay anigana Baroon baan ku Imid” Xildhibaan C.qaadir Jaamac DAAWO

    Hargaysa 03 June, ,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo katirsan Golaha Wakiillada Somaliland, lagana soo doorto Bariga Gobolka Sanaag, ayaa si adag uga Hadlay faquuuq iyo takoorid ay kula kaceen Shirguddoonka Golaha Wakiilladu, kaas oo salka ku haya Safarro uu sheegay inuu xaq u lahaa oo Xildhibaanno kale  la geliyey.

    Read More

      Soo laabashada Wasiirka Beeraha Somaliland iyo ka Warbixinta Safar uu dalka dibadiisa ugu Maqnaa

      Hargeysa 03 June, ,2015(SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland  Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa dalka ku soo laabtay, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda beeraha oo uu horkacayey agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdilaahi Ismaaciil Faarax. Wasiirka, ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee…

      Read More

        Kulan lagaga hadlay sidii mudnaanta loo siin lahaa shaqaalaysiinta dadka muwaaddiniinta ah oo Hargaysa uga Furmay Xukuumada iyo Ururada Bulshada

        Hargaysa 03 June, ,2015(SDN/QJ)- Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan la xidhiidha qorshaha shaqaalaysiinta muwaaddiniinta iyo ka tashiga kuwa ajnebiga la yeeshay madaxda shirkadaha ganacsiga, hay’adaha caalamiga ah iyo ururrada wadaniga ah. Kulan ka dhacay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ay ka qaybgaleen ugu yaraan 100 xubnood ka kala socday…

        Read More

          Xulka Somaliland yuu la Ciyaarayaa Rubuc Dhamaadka African Nations Cup UK Iyo Jadwalka Oo Dhamaystiran

          London 03 June, ,2015(SDN/QJ)- Kooxdii haysatay koobkii u dambeeyey ee Sierra Leone iyo qaranka Saddexda jeer ku guuleystay tartankan ee Nigeria both ayaa labadoodaba lagu reebay heerka Group-yada sanadkan, tartanka African Nations Cup UK. Xulka markii ugu horreysay ka soo qayb gallay tartankan ee Somaliland ayaa wacdaro ka dhigay oo afar ciyaarood oo ay yeesheen…

          Read More

            “Waxaanu Dacwad ka gudbinay Booliska Kenya oo si fool-xun ugu tacaddiyey Dhalinyaro Soomaali ah” Xildhibaano Kenyaan ah

            Gaarisa 03 June, ,2015(SDN/QJ)- Ciidammo ka tirsan kuwa Ammaanka dalka Kenya, ayaa si xun ugu garaacay gobolka Waqooyi-Bari ee waddanka Kenya dhallinyaro Soomaali-Kenyan ah, ka dib weerar ay Kooxda Al-Shabaab dhawaan ku qaadday deegaanka Yubis, halkaasoo ay ku dileen Askar ka tirsan Booliiska Kenya. Muuqaal lasoo Bandhigay, ayaa lagu Arkayey Dhallinyaradan Soomaali-Kenyanka ah oo gacmaha…

            Read More

              Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo Punt land ku Sugan iyo Khudbad uu ka Jeediyay Jaamacada PSU

              Garowe 03.June 2015 (SDN/QJ)-Kulan su’aalo lagu waydiinayay Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa maalinkii shalay waxaa lagu qabtay hoolka shirarka Jaamacadda Puntland State University ee Garowe, waxana kasoo qayb galay Ardayda Jaamacadda iyo aqoon yahanka Pl. Ugu horayntii Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa…

              Read More

                Dib u dhigis lagu sameeyay Fulinta Xukunkii Dilka ahaa ee lagu riday Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi

                Qaahira 03.June 2015 (SDN/QJ)- Maxkamad ku taal magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, ayaa maanta dib u dhigtay go’aanka kama dambeyska ah ee xukunka dilka ah ee bishii hore lagu xukumay Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi. Garooraha Maxkamada ayaa kiiskan dib u dhigay ilaa 16-ka June ee bishan, iyadoo horay Maxkamadda ay u riday…

                Read More

                  “Ma Ogolaanayno In Somaliland Dabaqado Yeelato,Waana Dhiig bax Somaliland ku socda Ganacsataddana Baryi Mayno” Wasiirul dawlaha Maaliyadda

                  Hargeysa 03 June, ,2015(SDN/QJ)- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan  Saxaradiid Caddaani  ayaa walaac xoogan ka muujiyay lacagaha qaalaad siiba dollarka, taas oo meesha ka saartay isticmaalka shilinka Somaliland, isla markaana dhibaato xoogan ku haysa guud ahaan bulshada. Wasiir dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid Caddani oo ka hadlayay kulan ay la yeesheen maamulayaasha iyo mulkiilayaasha dugsiyadda…

                  Read More

                    DARAASADA CUSUB: SHAQSIYADA QOFKA IYO BAAHINTA FACEBOOKGA

                    Daraasada cusub oo  Jaamacad Brunel London (Brunel University London) qaybteeda Cilmi Nafsiga samaysay,  ayaa waxaa lagu ogaaday in waxyaabo badan oo ay hore u ogeyn, iyo dadka istimaala barta bulshada ee facebook sida ay dabeecadooda iyo nafsiyan tahay hadaba waxaa daraasada laga qaadaya dad gaadhaya 555 oo qof kuwaas oo istimaal faysabuuga(Facebook),kuwaas oo maalintii kusoo…

                    Read More

                      Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dib ugu soo Laabtay Caasimada Hargaysa

                      Hargeysa 02.June 2015 (SDN/QJ)  Madaxweynaha Somalilad Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maalmihii u dambeeyay safar shaqo ku joogay magaalada Berbera, ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimada Hargeysa, waxaana Madaxweynaha iyo weftigii uu hogaaminayay Berbera  ka soo raaceen gaar ah oo keentay madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa. Madaxweynaha waxa madaarka ku soo dhaweeyay xubno…

                      Read More

                        Madaxweynaha Somalia oo Khartum kaga qayb galaya Dhaarinta Mudo Xileedka Cusub ee Madaxweyne Al Bashiir

                        Khartum 02.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu Hoggaaminayo, ayaa caasimada dalka Sudaan ee Khartoum kaga qayb-galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir oo dib loo doortay. Xasan Sheekh ayaa xafladda kaddib kulan la qaatay Al-Bashiir oo ay wadahadleen xiriirka labada dal, isagoo ugu hambalyeeyay madaxweynaha dalka Sudan dib u…

                        Read More

                          “Saddex Xisbi Ayaa Tartan Ka Dhexeeyaa, Yaanu Gudoomiyaha Guurtidu U Eekanin Inuu Isaguna Tartanka Ku Jiro, Waayo Wuxuu Noqonayaa Nin Dabaysha La Tartamaya” Danjire Cawil

                          Hargaysa 02.June 2015 (SDN/QJ)- Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa saddexda xisbi iyo xukuumadda ku bogaadiyay heshiiska laga gaadhay khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta, isagoo guddoomiyaha golaha guurtida ugu baaqay inuu aqbalo heshiiska khilaafka lagu soo afjaray. Md. Cawil, oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee…

                          Read More

                            “Saleebaan Oo Kale Meel Ka Dhac Ayuu Ku Yahay In, Lagu Tilmaamo Guurti” Cali Guray

                            Hargaysa 02.June Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa ka hadlay khilaafka Golaha Guurtida ay kaga soo horjeesteen heshiiskii ay wada gaadheen saddexda xisbi iyo Xukuumadda Somaliland. “Guurtidu ka mid maaha dadka doorashada wax ku leh,doorashadu waxa ay ka dhacaysaa oo ku tartamaya Saddexda xisbi,Komiishanka Doorashooyinka ayaa…

                            Read More

                              Sida Somaliland uga Badisay Nigeria ,Kenya iyo Ruwanda DAAWO

                              London 02.June 2015 (SDN/QJ)- tartanka koobka african nation Cup oo sanad walba l;agu qabto Dalka Britain ayaa markii ugu horaysay waxaa ka qayb gashay Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo afartii  ciyaarood ee ay ciyaareen sadex ka mid ah  ka mid ah ka badiyey Dalalka Ruwanda, Nigeria iyo Kenya, sidoo kalena khasaaray ciyaarta afraad oo ay la yeesheen…

                              Read More

                                Ra’iisul Wasaare Cumar oo Muqdisho dib ugu soo noqday, kadib safar shaqo oo uu ku tagay degmada Cadaado

                                Muqdisho, 02, June, 2015 (SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalak Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarek iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha iyo Waftigiisa ayaa ku sugnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay degmada Cadaado oo uu ka socdo shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu kulamo…

                                Read More

                                  “Guddoomiye Cirro Ayaa Inaadeerkii Bukhaari Booskaygii Geliyey, Markii Aan Sababta Weydiiyeyna Waxa La Iigu Jawaabay Adigu Daarood Baad Tahay.”Xildhibaan Cabdiwaadir Xaamud.

                                  Hargaysa:June,02,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo katirsan Golaha Wakiillada Somaliland, lagana soo doorto Bariga Gobolka Sanaag, ayaa si adag uga Hadlay faquuuq iyo takoorid ay kula kaceen Shirguddoonka Golaha Wakiilladu, kaas oo salka ku haya Safarro uu sheegay inuu xaq u lahaa oo Xildhibaanno kale  la geliyey. Mudanahan oo Maanta saxaafadda Kula Hadlay Xarunta Golaha Wakiillada,…

                                  Read More

                                    Magaca Wiilkii Ugu Horreeyey Ee Soomaaliyeed Oo Isku Qarxiya Dalka Ciraaq Oo La Shaaciyey

                                    Baghdad:June,02,2015(SDN/QJ)-Muwaadin soomaaiyeed oo kamid ahaa Mintidiinta Daacish oo ka dagaalama Waddanka Ciraaq, ayaa ay warbaahinta dalkaasi shaaciyeen inuu isku qarxiyey Saldhig Boolis oo ku Yaalla Waddanka Ciraaq. Wargeysyada dalkaasi Ciraaq oo xiganaysa Saraakiisha Amaanka ayaa qoray in Muwaadinkaasi Soomaaliyeed mudooyinkaani dambe uu kamid ahaa dhalinyarada loo diyaarinaayay Ismiidaaminta oo tababaro loogu soo xidhay Duleedka Magaalada…

                                    Read More