Mowqifka Gurmad:Musuqmaasuqa, Tagri-Falka, iyo Hantida Qaranka Soomaaliya
Hordhac Tan iyo intii ay duntay dowladnimadii Soomaaliya 1991kii, waxaa hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya soo waajahay hagardaamooyin fara badan oo isugu jira kuwo shisheeye soo maleegay iyo qaar gudaha laga abaabulayba. 25kii sano ee la soo dhaafay, shacabka Soomaaliyeed waxaa isugu darsamay dhibaatooyin laga dhaxlay colaado ay dowlado shisheeye soo huriyeen, dagaallo sokeeye oo daba…
