Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo lagu soo Dhaweeyay Degmada Xuddun (DAAWO SAWIRRADA)
Xuddun,19Aug,2015(QJ/SDN)-Garaad Saleebaan Garaad Max’ed Garaad Maxamuud oo ka mid ah Garaadada Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa galinkii dambe ee shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Xuddun oo Qiyaastii 83-km dhinaca Waqooyi kaga aadan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Dulleedaka Dagmada Xuddun ayaa dadwayne badan kaga Hortageen Garaadka; iyadoo soo dhawaynta kaddib Garaad loo…
