Qaramada Midoobay oo mashaariic ka fulinaysa deegaanada Galmudug
Cadaado,6Aug,2015(QJ/SDN)- Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuled oo mudooyinkan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan SoomaaliyaNicholas Kay, waxaana la sheegay in wadahadalkoodu ku saabsanaa sidii Q/Midoobay maamulka cusub ee Galmuduga uga taageeri lahayd dhinacyada kala duwan ee maamulka iyo horumarinta. Nicholad Kay ayaa la sheegay inuu maamulka Galmudug u balan…
