Ingiriiska Oo Wefti Culus Usoo Diraya Somaliland

    Hargeysa,3Nov,2015(QJ/SDN)-Dawladda Ingiriiska ayaa wefti u soo diraysa maanta magaalada Hargeysa. Weftiga ayaa la sheegay inuu horkacayo wasiir ka tirsan dawladda Ingiriiska, waxaanay kulanka koowaad la yeelan doonaan Madaxweyne Siilaanyo. Waxa kale oo la sheegayaa in weftiga Ingiriiska ahi ay kulamo la yeelan doonaan xubno ka mid ah wasiiradii is casilay oo la filayo inay kala…

    Read More

      Taliyaha Hawlgalinta Booliska Somaliland Oo Soo Bandhigay Tirada Dambiyada Dalka Ka Dhacay Sanadkan DAAWO

      Hargeysa,3Nov,2015(QJ/SDN)-Hogaanka hawlgalinta ciidanka booliska Somaliland  Maxamuud Ducaale, ayaa munaasibadda xuska 22-guurada ciidanka Somaliland ka jeediyay tirada dambiyada sanadkan dalka ka dhacay. Waxa uu Maxamuud Ducaale, soo bandhigay tirada guud ee dambiyada sanadkan dalka ka dhacay, inta Kufsi, inta shilal, inta iska hor imaad bulsho ama bulsho iyo booliska iyo falal kale. Waxa uu sheegay in…

      Read More

        Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Sanad Guuradii 22aad Ee Ciidanka Booliska – SAWIRRO

        Hargeysa,3Nov,2015(QJ/SDN)-Munaasibad lagu xusayay sannad guurada 22aad ee aasaaska ciidamada booliska Somaliland ayaa lagu qabtay magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland. Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen madaxwaynaha Somaliland,xubno golihiisa wasiirada ka tirsan ,taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo…

        Read More

          “Waxaanu Xilka uga tagnay inaanu Qiimayno Xisbnimada oo aan Qolanimada iyo Qabyaalada la Qiimayn” Xirsi

          Hargeysa,3Nv,2015(QJ/SDN)-“Dad badan ayaa igu yidhi maxaad Madaxweynaha Madaxa uun ugu ruxi wayday oo aad hawshaada hoos isaga waddan wayday! waxaan leeyahay waar anigu Munaafaq ma ihi oo Khaa’in ma ihi oo beenaale ma ihi ee markii aan Madaxweynaha la joogayna waxaan aaminsanahay waan u sheegi jiray imikoon ka tagayna waxaan aaminsanahay uunbaan kaga tagay” Salaan…

          Read More

            “ Dal Dimuqraadiya Ayaynu Nahay, Siyaasadda Waa La Iskaga Hor Imanayaa Laakiin, Cidna Ka Yeeli Mayno Inay Ku Ciyaarto Xasilloonida Waddanka,”Madaxwayne Siilaanyo.

            Hargeysa,3Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxwyanaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa ka hadlay khilaafka siyaasiga ah ee ka jira xisbiga Kulmiye,isagoo bulshada ugu baaqay inay amaanka ilaaliyaan. “Farxad weyn bayn ii tahay inaan maanta kasoo qeyb galo Munaasibada Sannad guurada 22aad ee aas-aaska  Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland, ciidanka booliska somaliland waa waxay ku fadhido nabadgelyada dalka iyo dadku uu ku…

            Read More

              Ergeyga Midawga Yurub u qaabilsan Somamliland iyo Somaliya oo Madaxweynaha Somaliland la kulmay

              Hargeysa,3Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay maanta Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone d’Urso.Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda, Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Maxamed Warancade, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha…

              Read More

                Kulmiye Sooyaalka Taariikheed ee Khilaafka Xisbiga Kulmiye Iyo Dhaxalka ka Dhasha oo Kala Jebiya Cududii Xisbigaas (BARNAAMIJ GAAR AH DHAGAYSO)

                Hargaysa 03.Nov 2015 (SDN/QJ):- Inta badan dadku ma xasuustaan wixii soo dhaafay haddii aan la qorin oo aan la diiwaangelin. Dabadeedna aan diiwaanka laga baadhin xaalad kasta oo timaadda. Mar haddii aanuu jirin diiwaan dib loo raaco, waxa yaraata fahamka xaaladaha murugsan ee had iyo jeer inna horyimaadda. Bal aan maanta inyar xasuusta dib u celinno….

                Read More

                  “Xaglatoosiye waxaa uu xujo ku yahay qaranka iyo qasriga madaxtooyo oo tan iyo maalintii la yagleelay hoy u ahaa Beesha Dhexe iyo Beesha Galbeedka Fog” Agaasime Hoori

                  Hargaysa 03.Nov 2015 (SDN/QJ)- Agaasimaha Guud ee Komishanka Ladagaalanka Musuqa Aqoonyahan Xasan Cumar Hoori ayaa qormo si farshaxanleh udhigan ku faafaahiyey damaca Saleebaan Xaglo-Toosiye Wasiirka Caafimaadka ee loolanka Xisbiga Kulmiye Murashaxnimada Jagada Madaxweyne-kuxigeen,taas oo Xujo ku noqoneysa Qaranka. Qormadaas oo dhameys tirani waxey u dhigneyd Sidan: “Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye ayaa si…

                  Read More

                    Sacabkii Ugu Weynaa Oo U Dhacay Xirsi X Xasan Xafladdii Xilwareejinta W.Hawlaga Guud

                    Hargaysa 03.Nov 2015 (SDN/QJ)- Xafladdii Shalay lagu qabtay Maansoor Hotel Hargeysa ee ay xilalka kula kala wareegayeen wasiirka cusub ee Hawlaha Guud Cali Mareexaan iyo wasiirkii  todabaadkii  hore iska casilay wasaaraddaasi Cabdulrizaaq Khaiif ayaa mar allaale markii makrafoonka laga yeedhiyey inuu soo galay hoolka wasiirkii horee madaxtooyada Xirsi Xaaji Xasan ayaa waxa u dhacay sacab…

                    Read More

                      Hindise ka dhex Socda Xisbiga Kulmiye oo La rabo in Doorashada Madaxweyne Ku Xigeenka Dib loo Dhigo Iyo Saylici oo Furka Tuuray

                      Hargaysa 03.Nov 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici  ayaa cadho furka tuuray ka dib markii uu ogaaday inuu jiro hindiise xisbiga Kulmiye dhexdiisa laga hadal hayo oo ah in dib loo dhigo doorashada cidda noqonaysa murashaxa xisbiga ee jagada madaxweyne-ku-xigeenka oo ajendhaha kalfadhiga Golaha dhexee Kulmiye ee qorshaysan inuu qabsoomo 10-ka bishan November uu ku…

                      Read More

                        “Haddii Odaygu Hogaamiye Qabiil Isu Dhigay, Khalad Kuma Aha Inuu Yidhaa Halkaa Mara Laakiin…” Siyaasi Siciid Sulub DAAWO

                        Hargaysa 03.Nov 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud iyo Guuryaynta ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, Siciid Sulub Maxamed, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee uu dalku ku jiro maalmihii u dambeeyay, intii khilaafku kala irdheeyay siyaasiyiintii isku fikirka ahaa ee Xisbiga kulmiye iyo xukuumadda ku midaysnaa, isla markaana ay meesha ka baxaan wasiiro miisan culus…

                        Read More

                          “Wasaaradda Ciyaaruhu Maa Waxay Tartanka U Baajisay, Maroodi-jeex Baa Tartankii Ka Hadhay…” Kabtanka Xulka G.Maroodijeex Mr, Dhay Lo’aad

                          Hargaysa 03.Nov 2015 (SDN/QJ)-  Kabtanka xulka gobolka Gabiley Cabdiraxmaan Dhay Lo’aad, ayaa cambaareeyay qaabka wasaaradda ciyaaruhu u tahli wayday inay dib u bilowdo tartankii koobka Goboladda. Isla markaana wuxuu sheegay in wasaaradda ciyaaruhu tartanka u bilaabi wayday markii ay soo hadhay xulka gobolka Maroodi-jeex, waxaanu sheegay in xulka Maroodi-jeex hadhitaankoodii lagu abaal marayay inay ciyaar…

                          Read More

                            “Xagla-toosiye Waa Nin Shacbiyad Badan, Wuxuu Ku Mutaystayna Waa Nin Dhiiran Oo Go’aamo Adag Qaata” Wasiirka Hawlaha Guud

                            Hargaysa 03.Nov 2015 (SDN/QJ)- Bulshada gobolka Togdheer ayaa baaq culus u dirtay shirka golaha dhexe ee Kulmiye, isla markaana ugu baaqay in murashaxa madaxweyne xigeenka loo doorto Wasiirka Caafimaadka Xaglatoosiye. Dad isugu jiray Odayaal, madax dhaqameed, waxgarad iyo qaybaha kale ee bulshada gobolkaa ayaa shalay ku qabtay magaaladda Burco madal ay ku muujiyeen taageeradda ay u…

                            Read More

                              Maxkamadda Sare oo dhaarisay Xildhibaan cusub oo ku soo biiray Golaha Wakiiladda Somaliland oo Buuxiyey Jagadii uu Baneeyey Wasiir Cali Mareexaan

                              Hargaysa 03.Nov 2015 (SDN/QJ)- Mudane Maxamud Ismaacil Xasan ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey  xubin ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ka dib markii uu todobaadkan gudihiisa  uu iska casilay Xildhibaan Cali Mareexan oo loo magacaabay Wasiirka . Dhaarinta Mudanahan ayaa ka dhacday Maxkamadda Sare ee Somaliland ka dib markii uu Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Garqaan…

                              Read More

                                Hanka Xaglatoosiye Xujo ayuu ku yahay Qaranka !!!

                                   Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye ayaa si madax-bannaan ugu ordaya murrashaxa Madaxweyne Ku xigeen ee xisbiga Kulmiye isaga oo ka digtoon in uu  tartanka u daba-fadhiisto murrashax madaxweyne. Waxaa iyana xusid mudan, Dr. Xaglotoosiye in uu yahay murrashaxa keliya ee u taagan dhammaan Gobolada Bari. Haddaba, marka laga eego dhinacyada waayo-aragnimo, aqoon,…

                                Read More

                                  Madaxweyne Xasan oo ka Qayb-galay Janaasada Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xooga Sooomaaliya Jen. Dhego-badan

                                  Muqdisho,2Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano iyo saraakiil ayaa ka qayb-galay maanta janaasada abaan-duulihii hore ee ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan [Dhego-badan] oo ka mid ahaa 15-kii ruux ee shalay lagu dilay weerarkii Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho. Waxaa janaasada maydka Dhego-badan lagula tukaday Masjidka shuhaddaa ee ku yaalla gudaha…

                                  Read More