Qaramada Midoobay oo Ciidamo Dheeraada u diraysa South Sudan wakhti ay Dawladu kasoo Horjeedo Go’aankaas

Hargaysa 13.Aug 2016 (SDN/QJ):-Golaha Ammaanka  Qaramada Midoobay, ayaa meel mariyay in ciidamo dheeraada oo nabada ilaaliya  la geeyo dalka South Sudan. Bishii la soo dhaafay ayaa maalmo lagu dagaalamay gudaha magaalada caasimadda u ah South Sudan ee Juba,  waxaana  ka dhashay dilal kala duwan , tacaddiyo galmo iyo dhibaatada xaaladda bini’aadamnimo oo sii xoogeysatay. Waxaa…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Qaybo ka Mid ah Jidka Kala Baydh Ilaa Dilla SAWIRO

Hargaysa 13.Aug 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xadhiga ka jaray waddo dhererkeedu dhan yahay 21Km taas oo isku xidha Kala-baydh iyo Dila ee gobolada Awdal iyo Gabiley.   Madaxweynuhu intii uu ku sii jiray jidka waxa si balaadhan loogu soo dhaweeyey, Arabsiyo, Abaarso, Gabiley iyo Kala-baydh, oo ay isugu soo baxeen…

Read More

Djibouti Air oo Keensatay Diyaaraddii u Horaysay ee Nooceedu Yahay Boeing 737 DHAGAYSO

Djibouti 13.Aug 2016 (SDN/QJ):- Shirkadda diyaaraddaha ee AIR DJIBOUTI aya maalintii shalay la so degtey diyaaraddi u horeysey ee Boeing 737 oo ka mid noqon doonta diyaaradaha ay shirkaddu ku howgali doonto. Shirkadda Air Djibouti oo sidoo kale filaysa diyaaraddo kale ayaa dhawaan bilaabi doonto duulimaadyo ay gobolka ka bilaabi doonto.

Read More

Xukuumadda Somaliland oo Jawaab Ka Bixisay Hadal ka Soo Yeedhay Hanti Dhawraha Dawladda Muqdisho

Hargaysa 13.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Hantidhawraha dawladda itaalka daran ee Muqdisho, Mr.  Nuur Jimcaale Faarax  oo sharci darro ku   sheegay heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo shirkadda  DP World ee la xidhiidha horumarinta iyo Casriyaynta Dekedda Berbera. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee…

Read More

“Waxaanu Diyaar U Nahay In Cali Khaliif Uu Maanta Somaliland Madaxweyne Ka Noqdo” Boqor Buurmadow DHAGAYSO

Hargaysa 13.Aug 2016 (SDN/QJ):- Boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland  ayaa isaga oo ku sugan dalka Imaaradka carabka waxaa uu sheegay in ay bulshada Somaliland ay maanta diyaar u yihiin isla markaana ay soo dhaweynayan in uu madaxweyne dalka ka noqdo Cali Khaliif Galeydh madaxweynaha maamulka Khaatumo. Sidoo kale Boqor Buurmadow…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Cafis Buuxa u Fidiyey Siyaasiyiinta Somaliland ee Quusta ka Jooga Siyaasada Somalia & Gaadiidkii Soo Daad Gurayn lahaa oo la Diyaariyey!!! DHAGAYSO

Hargaysa 13.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani ayaa Sheegay  Maanta in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu Cafis u fidiyey Shakhsiyaadka ka soo Qancay Siyaasada Somalia ee u dhashay Jamhuuriyada Somaliland.

Read More

Madaxweynaha Oo Aan Weli Tallaabo Ka Qaadin Masuuliyiin Wasaaraddii Qaranka Ugu Muhiimsanayd Oo Weedho Afxumo ah Warbaahinta Isu Marinaya

Hargaysa 13.Aug 2016 (SDN/QJ):-Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan, ayaa ka jawaabay eedaymo uu Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas oo shaqada laga joojiyey u jeediyay. War-saxaafadeed uu Afhayeenku soo saaray , ayuu ku sheegay inaanu jeclayn inuu dhex galo khilaafka u dhexeeya Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud ee uu…

Read More

Gudi Turxaan Bixineed oo Loo Magacaabay Laba Ardaa oo Shaqaaqo ku Dhex martay Deegaanka Bacaha ee Gobolka Sanaag

Ceel Afweyn 13.Aug 2016 (SDN/QJ):-Waftidii  uu hogaaminayey  wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancadde,  ee todobaadkanba  ku  sugnaa   deegaanka  Degmada Ceel afweyn   ayaa  habeenkii xalay kulankii labaad la  qaatay    gudida  labada ardaa ee ku  dagaalamay deegaanka  Bacaha  hore loogu xulay turxaan bixinteeda. Kulankan waftigu   la qaadatay xubnaha xukuumadda ka socda  ayaa  lagu  go’aamiyey   in xallinta  khilaafaadka   lagu   galo    afar geesood  ka  gooban gudiyada  labada ardaa ee dirirtu  dhex martay , Gudida Xukuumada  iyo   gudi  dhex-dhexaada   iyadoo isla goobtaasi  lagu dhaariyey  gudida  dhex dhexaadka ah  ee  khilaafka  labada ardaa ka  garnaqaysa. Gudidan  la dhaariyey  waa guddi  dhex ah oo ka madax  banana  labada…

Read More

“Dalka ha laga badbaadiyo Kacdoonnada Siyaasiga ah Ee Inta Danta Lihi Waddo” Sheekh Aadan-Siiro DAAWO

Hargaysa 13.Aug 2016 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Shalay ee Jimcaha  kaga hadlay Arrimo badan oo ay ka mid yihiin kacdoono Siyaasi ah oo uu sheegay inay Dalka ka wadaan Koox uu tilmaamay inay Dan gaar ah leeyihiin. Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay inuu Dalku waajahayo Duufaanno Isbeddel, kuwaasi oo uu…

Read More

Markii Labaad oo lagu Xidhay Jilaaga Caanka ah ee Shah Rukh Khan Madaar ku Yaala Maraykanka

Los Angeles 13.Aug 2016 (SDN/QJ):- Jilaaga caanka ka ah shirkadda filimada metesha ee Bollywood  Mr. Shah Rukh Khaan, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in saraakiisah garoonka caalamiga ah ee Los Angeles ee dalka Maraykanku xidhaan. Ilaa hadda ma cadda sababta loo xidhay jilaagan caanka ah ee filimadiisa dunida laga jecel yahay iyo waliba…

Read More

Dawlada Federaalka Somalia oo Si Qaawan uga Hor Timid Meel Marinta Heshiiskii Somaliland Iyo DPW Iyo Sheegashada Somalia ee Ku Saabsan Xidhiidh ay la Sameeyeen DPW DAAWO

Muqdisho 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Dhawaan ayay ahayd markii Golaha wakiilada Somaliland ay ansixiyeen heshiiska horumarinta iyo casriyaynta dekada Barbara. Hadaba xukuumada Soomaaliya ayaa ka hadashay heshiiskaasi, waxaanay sheegtay in heshiiskani yahay mid sharciga baal marsan, oo aan Soomaalida dani ugu jirin. Hanti dhawraha guud ee qaranka Soomaaliya, Mudane Nuur Faarax Jimcaale isaga oo arrimahaas ka…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Hadhiimo Sharafeed u Sameeyay Haldoorkii Ka qayb qaatay Gogoshii Nabada ee Awr Boogays Iyo Adhi Cadeeye & Kaftankii la Is dhaafsaday DAAWO

Hargaysa 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Casuumad Sharafeed u sameeyay Siyaasiyiintii,Iyo Madax dhaqameedkii Kaalinta Weyn ka qaatay Shirarkii Nabadeed ee Degmooyinka Awrboogays Iyo Adhi Cadeeye ee Bariga Somaliland.

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha Iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar-Ilkood Kala Soco Qurbejoog  DHAGAYSO

Hargaysa 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku soo…

Read More

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt land oo ka Hadlay Wada Hadalka Kooxda Khaatumo Iyo Xukuumadda Somaliland,Muxuuse ka Yidhi Shakhsiyada Cali Khaliif? DAAWO

Garowe 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt Land Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa ka Hadlay Mawqifka Maamulkiisa ee Wada Hadalka u Socda Khooxda Khaatumo iyo Xukuumadda Somaliland Isagoo dhinaca kalena ka hadlay Shakhsiyada Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh. https://www.youtube.com/watch?v=PJN4kK0WqVs https://www.youtube.com/watch?v=0dMP8XyAtP4

Read More

Gudoomiyaha Baarlamanka Kooxda Khaatumo oo Sheegay In Somaliland Iyo Kooxdoodu ku Heshiiyeen Midnimada Somalia Iyo In Dal ka Mid ah Waddamada Derisku inuu Martigeliyo Wada Xaajoodka DHAGAYSO

Buuhoodle 12.Aug 2016 (SDN/QJ):- Maxamud Sheekh Cumar oo ku Magacaaban Gudoomiyaha Baarlamanka Kooxda Khaatumo ayaa sheegay in wada hadalkii Kooxdiisu kula jirtay Somaliland ay isku afgarteen labada dhinac Sidii looga shaqayn lahaa Midnimada Ummada Somaliyeed. https://www.youtube.com/watch?v=oH-mo1srlEQ

Read More