Itoobiya oo Dhabahii Bur Burka Cagta Saartey,Xudunta Khilaafka iyo Xoogaysiga Kacdoonada Lagaga Soo Horjeedo Dawlada Itoobiya Faalo
Addis ababa 11.Aug 2016 (SDN/QJ):- Marka hore hadii aynu dib u jaleecno taariikhdu markay aheyd sanadkii 1991-kii, ayay aheyd markii Jabhaddii xoreynta dadka Tigray-ga oo 16 sano halgan hubeysan kula jirtay Taliskii Dhargida ee Madaxweyne Mingistu Xayle Maryam ay kala wareegtay xukunka dalka. Jabhaddii Tigray-ga (Tigray People Liberation Front-TPLF) oo 7-dii nin ee aas-aastay ay…
