Wasiirka Warfaafint Somalia Maareeye oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha ku Dagaalamay Gobolka Sanaag Iyo Xidhiidh uu La Sameeyay Mas’uuliyiin iyo Madax dhaqameed Somaliland ah DAAWO

Muqdisho 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Dawlada Federaalka Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Baaq Nabadeed u diray Laba Beelood oo Walaalo ah oo Shaqaaqo ku dhex martay Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag. https://www.youtube.com/watch?v=1HW420D6-TE

Read More

Bogcad Ka Mida Dhulka Jaamacadda Hargeysa Oo Dhisme Lagu Bilaabay Iyo Maamulka Jaamacada oo aan Ka  Hadal SAWIRO

Hargeysa 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Tan iyo intii ay bilaabmeen bixinta dhul danta guud ah ee caasimada Hargeysa ayaa waxa hore uga reebanaa goobaha waxbarashada, oo ay ka mid tahay jaamacadda Hargeysa oo iyadu ah warshad soo saarta iftiinka dalkanmustaqbalka ifin doona, balse waxa soo baxay in ay goobtaasina noqotay goobaha u calaamadsanaa xukuumadda, taasi oo…

Read More

Agaasime Dardaaran Culus u Guntay Agaasime ku Sii Socda Wasaaradii laga Bedelay ee Waxbarashada “Damiirku hadduu qalalo,Hadduu dufan raadis yahay,Daliilka hortiisa yaala Waxaa kaga beegan daah”

Hargaysa 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Abiib Axmed Cali oo Shalay la wareegay Xilkii Komishanka Ka hortaga Aidska Qaranka ayaa dardaaran culus u sii xambaarshay Gudoomiyihii hore ee Komishanka Aids-ka Prof Cabdi Cali oo uu Isna Madaxweyne Siilaanyo Isku shaandhayntii u dambaysay ubadelay Booska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Waxa uu…

Read More

Kolanyo Baabuura Oo Shalay Hargeysa Ka Qaaday Odayaal Iyo Waxgarad Kusii Jeeda Kulan Gaara Oo Beelahani Kaga Arrinsan Doonaan Xaaladda Deegaamada Diiwaan Gelinta Laga Bilaabayo

Hargaysa 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Odayaal, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo kala jeeda Beesha Woqooyiga, Galbeedka Iyo Koonfur-galbeed Gobolka Maroodi Jeex (Sacad Muuse) ayaa shalay ka ambabaxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa kuwaasi oo la sheegay in ay kulamo hoose la yeelan doonaan odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Ciise ee Degmada Lughaya. Ilo-wareedyo u dhuun…

Read More

Xili Shalay Dagaal ka Dhacay Deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag Iyo Hees Cusub oo uu soo Saaray Jilaaga Caanka ah ee Sooraan DAAWO

Hargaysa 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Waxaa doraad iyo Shalay ka dhacay Deegaanada Dararweyne,Dogoble iyo Bohol ee Gobolka Sanaag Kaas oo u dhexeeyay Laba Ardaa oo Walaalo ah kaas oo Sababay Khasaare Nafeed. Halkan ka Dhagayso Nuxurka Heestaasi uu qaadayo Jilaaga Sooraan Ismaaciil Sugule https://www.youtube.com/watch?v=x_xjxMIvhS4&feature=youtu.be

Read More

Xildhibaanada Labada Golle ee Guurtida iyo Wakiiladda Kaga Jira Gobolada Awdal Iyo Salal oo Si adag uga Hor Yimid Diiwaangelinta Xukuumadu rabto inay ka Qabato Deegaano Lagu Muransan Yahay DAAWO

Boorama 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Magaalada Boorama Gaadhay Xildhibaanada Golaha Guurtida Iyo Wakiilada kaga Jira Gobolada Awdal Iyo Salal Kadib Markii ay u Yeedheen Hogaanka Dhaqanka ee Goboladaasi Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Boorama Waxay si adag uga Soo Hor jeesteen damaca Xukuumada ee Ku wajahan Diiwaangelin laga sameeyo Lix Goobood oo Muran…

Read More

Is Barbar Dhig Lagu Sameeyey Deeqaha Iyo Taageerada Turkiga Ee Ku Aaddan Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Siyaasadda Gegida Madhan Ah Ee Xukuumaddeenu Hayso

Hargaysa 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Inkasta oo Waddanka Turkigu malaayiin iyo malaayiin dollar sannad walba ku bixiyo taageerada waddanka Soomaaliya haddana waxa shacabka reer Somaliland layaab ku noqotay in badana ay dhallinyaradu baraha xidhiidhka bulshada maalmihii ugu dambeeyey isku waydaarsanayaan war-bixinta la xidhiidha deeqda sadaqada ah ee Hilibka ah ee dalka Turkigu hay’addiisa gargaarka Bisha Cas…

Read More

Dareewalkii Gaarka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre oo Shaaciyey in Dowladda Somalia Gurigiisii Xoog kaga qaadday DAAWO

Muqdisho 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Kornayl ka tirsan Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xaashi Furre, isla markaana ahaa Darawalkii gaarka ahaa ee Madaxweynihii geeriyooday ee dalka Maxamed Siyaad Barre sida uu sheegtay, ayaa cabasho ka muujiyey Guri uu sheegay inay dowladda Federaalku si xoog iyo qasab ah kaga qaadday uu lahaa, isla markaana Waraaqihiisii…

Read More

Mas’uuliyiintii Ka Socday Somaliland ee Wada Xaajoodka la sii Ambo qaadayay Shirkada DP World oo La Kulmay Caqabado kaga Yimi dhinaca Shirkada

Dubai 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Dalka Isutaga imiraatka Carab gaar ahaan Magaalada Dubai ayaa sheegaya in kulankii loo balansanaa in lagu xaqiijiyo wareejinta Dekeda Berbera ee shirkada DP World ee ka dhacaayay xarun ganacsiyeeda magaalada Dubai lagu kala kacay kadib markii shirkada DP World sheegtay in aanay ku kalsoonayn heshiiska ay Xukumada wada galeen ee qabyada…

Read More

Dallada Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee SONSAF oo Warbixin Hordhac ah kasoo saartay Diwaangalinta Gobolka Sool

Hargaysa 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan Sannadka foodda inagu soo haya ee 2017-ka ayaa si nabad galyo ah uga bilaabantay Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle 23 August, 2016-ka. Diiwaangalinta Codbixiyayaashu waxay si guul ah hore uga soo qabsoontay Gobolada Togdheer, Awdal, Saaxil, Maroodi Jeex iyo Sanaag. Gobolka Soolna…

Read More

Kulan Looga Soo Horjeedo Dar Dargilinta Shirka Maamul Usameynta Hiiran iyo Sh/Dhexe Oo Beledweyne Lagu Qabtay DAAWO

Beledweyne 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen ugaas yada gobolka hiiraan wax garadka gobolka iyo qeybaheeda kala duwan ee bulshada beledweyne ayaa waxaa lagu qabtay magalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan ujeedka kulanka ayaa ahaa in bulshada gobolka hiiraan kaga soo horjeedeen war ka soo yeeray urur goboleedka IGAD kaasoo Ahaa in…

Read More

Murashaxa Jamhuuriga ee Neceb Soo Galeetiga oo Kulan adag la Yeeshay Madaxweynaha Dalka Mexico oo uu Weedho Xanaf leh Hore ugu Ganay DAAWO

Mexico 02.Sep 2016 (SDN/QJ):- Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Maraykanka, Donald Trump, ayaa wadahadal la yeeshay madaxweynaha Mexico, Enrique Pena Nieto, kulankaasi oo labaduba ay ku tilmaameen mid wax ku ool ahaa. Mr Trump, oo horay u sheegay in muhaajiriinta Mexico ay yihiin kuwo daroogada ka ganacsada, isla markaana dumarka kufsada, ayaa markan ammaanay dadka…

Read More

Weftiga Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland oo la kulmay culimada madaxda ka ah Jaamacadda Al-azhar  ee Qaahira, Masar

Hargaysa 01. Sep 2016 (SDN/QJ):–Wefdigii u hogaaminaayay Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL Dr. Sacad Ali Shire ayaa la kulmay  Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda  Al-azhar Sh. Dr. Abas Shomaan,  Magaalada Qaahira Xarunta Jamacadda Al-Azhar  ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wasiirka iyo Saraakiishii ku weheliyay weftigiisa safarkan shaqo. Wasiirka Arrimaha Debadda JSL Dr. Sacad Cali Shire wuxuu ugu…

Read More

Baaq Nabadeed oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u dirayo beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaamada Ceel-afweyn

Hargaysa 01. Sep 2016 (SDN/QJ):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Baaq Nabadeed u diray Beelihii Shaqaaqadu ku Dhex Martay Deegaano ka Tirsan Gobolka Sanaag. Madaxweynuhu waxa uu baaqaasi ku yidhi “Nabadgelyada, is xaqdhawrka, wada noolaanshaha iyo degenaanshuhu waa tilmaamaha tolmoon ee lagu tilmaansado ummadda Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana aynu ku caanno maalnay muddo…

Read More