Weedha ugu dambeysa diidmada Kenya ee Hague ee Ku Wajahan Kiiska Soohdinta Badweynta Hindiya ee Somalia ay la wadaagto
Hague, 23 September, 2016-(SDN/QJ):– Shalay ayay Maxkamadda Hague ee Caddaaladdu billowday wareegga labaad ee dhegeysiga diidmada hordhaca ah ee Kenya ee kiiska ay Soomaaliya soo oogtay ee ka dhanka ah Kenya. Kiisku wuxuu ku saabsan soohdinta Badweynta India ee labada dal. Xusuusin in wareegga koowaad ee dhegeysiga diidmadu uu ahaa Kenya Isniintii, Soomaaliyana Talaadadii….
