Madaxweyne Erdogan oo cambaareeyay “munaafaqnimada” reer Galbeedka una Dabaal Degay Sannad Guuradii Inqilaabkii Dhicisoobay!!
Istanbul 16. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa ku eedeeyay waddamada Galbeedka munaafaqnimo, xilli shalay uu dalkiisa xusayo sanad guuradii koobaad ee kasoo wareegtay isku-daygii afgembi ee dhicisoobay. Madaxweyne Erdogan oo maqaal ku qoray wargeys ka soo baxa turkiga ayaa sheegay in aanay wax marmarsiyo ah haysan dalalka saaxiibka la ah Turkiga…
