admin

Xasan Sheekh oo shan bilood u qabtay Al Shabaab

Muqdisho August 18,2023(QJ)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladdu ay qorsheynayso in 5 bilood gudahood lagu cirib tiro Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb oo uu kaga hadlay arrimo kala duwan. Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay dejisay istaraatiijiyad dhameystiran…

Read More

Bushaaro Baandey oo xarig sharci daro ah lagu riday, caawana loo iibiyay xarigeeda

Hargeysa August 15, 2023 (QJ) – Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa wariye Bushaara Maxamed Cali ku riday xukun hal sano oo xarig ah. Bushaara Cali Maxamed, oo haysta dhalashada Ingiriiska, ayaa 15-kii May, 2024-kii waxa ay ciidamada Boolisku ku xidheen magaalada Wajaale, oo ku taalla xuduudka Itoobiya. Waxaa lagu eedeeysay in ay faafisay warar been abuur…

Read More

Mareykanka oo duqeyn ku dilay shan Al Shabaab ah

Muqdisho August 15,2023 (QJ)-Howlgal militari oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa lagu beegsaday shir ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo ka dhacayay gobolka Galgaduud, gaar ahaan duleedka magaalada Galcad. War ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo laga sii daayay Telefishinka Qaranka, ayaa lagu muujiyay in weerarka uu ka…

Read More

Maxaa laga filan karaa Guddiyada Beelaha HEEGO ee Muuse Biixi abaabulayo

Hargeysa August 15, 2023 (QJ) Muuse Biixi oo HEEGO dawlad aanu ka warheyn ka hoos sameysatay ayaa maalmihii u danbeeyay waday qorshe huwan dhiilo colaadeed oo lagu baneysanayo dhiiga shacabka isbedel doonka Somaliland. Qorshan oo isugu jira laaluush la siiyo madaxdhaqameedka iyo afkudhiigleyaasha siyaasadeed si ay Muuse ugu muujiyaan taageero uu moodo mid dhab ah…

Read More

Dawlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada oo dhaqaalaha ka shiray

Muqdisho August 14, 2023 (QJ) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shir ay guddoomineysay Wasaaradda Maaliyadda oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho. Shirkan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiilo ka socday dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay…

Read More

SSC-Khaatumo oo ka soo jawaabtay dalabkii Oofwareen, isla markaana weeraray ciidamada Biixi

Laascaanood August 13, 2023 (QJ) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ka soo jawaabay dalab shalay uga imi hogaanka Jabhada Muuse diidka ah ee ku-sugan Gacan-Libaax. Madaxa Jabhada Gacan-Libaax Gen. Maxamed Aadan Diiriye Oofwareen ayaa mar uu shalay la hadlayay saxaafada fariin u diray dagaalyahanada SSC-Khaatumo, isaga oo ka dalbaday in ay sii wadaan dagaalka ay degaanadooda…

Read More

Kulan looga hadlayay xaaalada aminiga oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho August 06, 2023 (QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir-gudoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka, kaas oo looga hadlay hirgelinta qorshaha amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay doorka Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida ee sugidda amniga dalka iyo sidii loo sii…

Read More

SSC-Khaatumo oo madaxweyne dooratay

Laascaanood August 06, 2023 (QJ)- Golaha dhexe ee maamulka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo sidoo kale loo yaqaan Khaatumo ee Soomaaliya, ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashada guddoomiyaha maamulkaasi. Munaasabaddan ayaa ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Doorashada ayaa waxaa ka qeyb galay labo musharax oo kala ah Cabdulqaadir…

Read More

Maxamed Kaahin oo Afka Furtay iyo H/Jeclo oo qarka u saaran in ay Jabhad ku dhawaaqaan

Hargeysa Augost 05, 2023 (QJ) – Kulan ka dhacay Xaafadtooyada Hargeysa ayaa lagu falanqeeyay saameynta jabhada Gacan-libaax ku yeelatay xukunka Muuse Biixi iyo sidii beesha H/Jeclo dagaalka laabta ugu sii deyn laheyd. Muuse Biixi, Saleebaan Gaal iyo Maxamed Kaahin oo isu keliyeystay ayaa ka hadlay cagojiidka H/Jeclo iyo waxa laga yeeli karo. Huwanta Hargeysa ayaa…

Read More

Shaqaala ajaanibka ee ka hawlgala Dekeda Berbera oo ka walaacsan Jabhada ku sii siqeysa aagaas

Berbera August 03, 2023 (QJ) – Sida ay noogu soo warameen qaar ka mid ah masuuliyiinta ka hawlgala dekeda Berbera, waxa labadii maalmood ee u danbeeyay walaac soo wejahay shaqaalada ajaanibka ah ee dekedda Berbera ka hawlgala. Shaqaalaha Ajaanibka oo dawladoohooda la xiriiray ayaa dalbaday daadgureyn degdeg ah ka dib kolkii ay soo baxday in…

Read More

Sulaadiintii HEEGO oo mar kale u munaafaqeynaya Mucaaridka Hubeysan ee Somaliland

Hargeysa July 31, 2023 (QJ) – Maaxdhaqameedka beelha ku bahoobay HEEGO ayaa mar kale maanta hor yimi Bulshada iyaga oo isu muujinaya in ay xaldoon yihiin. Madaxdhaqameedkan HEEGO ayaa hore mucaaridka wakhtiga uga riday una seexiyay taageereyaasha Mucaaridka oo ay ku qanciyeen mid waliba goonidiisa in ay dalka taladiisa qaanayaan dhawaan. Waddani ayay hore ugu…

Read More

Shabaab tiro badan oo lagu laayay degaanada Koonfur Galbeed

Baydhabo July 2023 (QJ) – In ka badan 60 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-dhuun Agoow ee gobolka Baay. Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkaasi ciidanku ay iska kaashadeen sidii loo cirib tiri lahaa…

Read More

Jamaahiirta oo saanadii u badneyd la wadaagay Jabhada Beesha Garxajis iyo Madaxtooyada oo aan hrdo laga ledin habeeno

Hargeysa July 26, 2023 (QJ) – Dadka degaanada SSC ee dagaalka kula jiray Muuse Biixi ciidamo ka amar qaata ayaa markii u horeysay ay soo baxeysaa in ay saanad ciidan la wadaageen Jabhad lagaga dhawaaqay Gudaha Somaliland oo ka hortimi hogaanka HEEGO. Dagaalyahanada SSC oo ka gaabsaday in ay wada shaqeyn toos ah la yeeshaan…

Read More

Wasiiro ku ooyay Faysal Cali waraabe iyo Jamaahiirtii UCID oo ka gadooday hadal jilicsan oo uu jeediyay

Hargeysa July 24, 2023 (QJ) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID oo maanta dalka ku soo noqday ayaa si weyn looga sugayay in uu ka hadlo Khillafka Siyaasadeed ee xisbigiisa iyo dalkaba saameeyay. Guddoomiyaha ayaa sida uu hore u sheegay daadifeeyay goaankii Guudida doorashooyinka Muuse Biixi ay ku iclaamiyeen doorashooyinka Ururada aan sharciga aheyn iyo…

Read More

Mareykanka oo duqeyn ku dilay tiro Al Shabaab kamtirsan

Muqdisho July 20,2023(QJ)-Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in duqeyn diyaaradeed ay dhawaan ka fulisay deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Weerarkan oo ahaa mid cirka ah ayaa waxaa fuliyay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, waxaana la sheegay in Al-Shabaab looga dilay tiro ka mid ah ciidamadooda. Sida lagu sheegay qoraalka AFRICOM, duqeynta…

Read More