Suurtagalnimada UCID iyo Waddani oo midooba iyo Faysal Cali Waraabe oo xulafo ogol

Hargeysa. 17 September, 2022. (QJ)- Mucaaradka Somaliland ayaa la filayaa in markii ugu horaysay taariikhda ay midoobaan iyaga oo leh hadaf kaliya oo ah in Muuse Biixi la dhaafiyo kursiga madaxweynaha, kadib badi shacabka Somaliland oo qaba in lagu hungoobay hogaaminta madaxweynaha Somaliland oo lacag adagi aanay ka bixin 5-tii sanno ee uu xilka hayay…

Read More

Muuse Biixi oo Oodweyne mar kale ka sheegay in Doorashada Ururada la galayo

Hargeysa. 16 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa mar kale ku celiyay go’aankiisa khilaafka wayn dhaliyay ee ah doorashada ururada siyaasadda oo kasoo horaysa doorashada Madaxtooyada, isagoo ku adkaystay go’aankaas. Muuse Biixi oo shacabka Oodweyne maanta la hadlay ayaa xusay in imika loo diyaar garoobayo doorashada ururada intaas wixii ka danbeeyana uu diyaar u yahay doorashada…

Read More

Soomaaliya oo curyaaminaysa xidhiidhkii la naawilayay ee Maraykanka iyo Somaliland

Hargeysa. 16 September, 2022. (QJ)- Dawladda Soomaaliya ayaa saddexdii bilood ee u dambeeyey ka shaqaynaysay sidii ay isu hortaagi lahayd qorshihii heshiiska Iskaashi ee Somaliland iyo Maraykanka, kaas oo hindisihiisa ay wadaan Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Maraykanka. Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sharci-yaqaano iyo dad magac leh oo Maraykanka ah oo dhinaca galaan-galka siyaasadda Mareykanka…

Read More

Xasan Sheekh oo Maraykanka u safraya iyo kulamada madaxda difaaca dalkaas

Muqdisho. 15 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa u safraya dalka Maraykanka oo uu kaga qayb galayo Kulanka Guud Ee Qaramada Midoobay, kaas oo kulminaya madaxda dunida. Ugu horayn, Xasan Sheekh wuxuu la kulmi doonaa Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin oo la filayo in uu Maraykanka kusoo dhaweeyo. War kasoo baxay Pentagon-ka Maraykanka ayaa lagu…

Read More

Burco oo u eg jiida Tukaraq saaka kadib milatari meel walba la dhigay

Hargeysa. 15 September, 2022. (QJ)- Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa saaka u eg jiida Tukaraq ee milatariga Somaliland ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland, kadib milatarigii ugu badnaa oo la dhoobay wadooyinka magaalada Burco si ay u ilaaliyaan madaxweynaha Somaliland oo saaka gaadhay halka hore loo filayay in uu Sabtida tago. Muuqaalo iyo…

Read More

Ciidamadii ugu badnaa oo Muuse Biixi Burco u galbinaya iyo dad aan deegaanka ahayn oo la gaynayo

Hargeysa. 14 September, 2022. (QJ)- Ciidamo tiro badan oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la socda madaxweynaha Somaliland oo magaalada Burco gaadhaya maalinta Khamiista, sida qorshuhu yahay iyadoo ciidamadani ay u badan yihiin ciidamada gaarka ah ee koofiyad-casta loo yaqaano waxaana safarka ku wehelinaya taliyaha Ciidamada Qaranka Nuux Taani. Magaalada Berbera ayaa lagu…

Read More

Qorshaha Muuse Biixi ee inta uu Berbera joogo iyo Khamiista oo uu Burco ku wajahan yahay

Hargeysa. 14 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa safar ugu baxay gobolada Saaxil iyo Togdheer isagoo qorshayaal kala duwan leh, kana bilaabmaya magaalada Berbera ee gobolka Saaxil. Muuse Biixi ayaa xadhiga ka jaraya qaybo cusub oo dekedda Berbera ay ka hir galisay shirkadda DPWorld, iyadoo uu booqan doono maalinta berri ah sida qorshuhu yahay. Madaxweynaha…

Read More

Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo William Ruto oo Nairobi ku shiray

Nairobi. 14 September, 2022. (QJ)- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, kadib Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo saarka William Ruto. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay madaxweyne William Ruto inay dawaladdiisa ka go’an tahay in ay heshiis buuxa la yeelato dhammaan dalalka Gobolka oo Kenya ka…

Read More

Madaxweynaha cusub ee Kenya oo maanta la caleemo saaray iyo waxa laga filayo

Nairobi. 13 September, 2022. (QJ)- Dalka Kenya ayaa yeeshay maanta madaxweynaha shanaad ee Jamhuuriaydda Kenya, iyadoo si rasmi ah loo dhaariyay William Ruto oo hore usoo noqday madaxweyne ku xigeenka dalkaas. Ruto ayaa ku guulaystay doorashooyinka la qabtay bishii hore isagoo codad aan badnayn kaga adkaaday murashaxa la tartamayay Raila Odinga, oo isna deedafeeyay guusha…

Read More

Xogta mudaharaad laga la hor tagayo Muuse Biixi maalinta Khamiista iyo Burco

Hargeysa. 13 September, 2022. (QJ)- Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa ka socda abaabul xoogan oo lagu qabanayo dibad bax laga la hor tago madaxweynaha Somaliland oo ku wajahan magaalada Burco maalinta Khamiista ee todobaadka danbe.  Muuse Biixi ayaa qaatay go’aanka ah Burco oo uu kaga qayb galo qalin jabinta jaamacadda Burco, walaw uu wajahayo…

Read More

Madaxweynaha Somaliland oo sameeyay isku-shaandhayn kooban

Hargeysa. 13 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta sameeyay isku shaandhayn kooban oo xukuumadiisa ah, iyo magacaabis. Agaasime cusub oo Wasaaradda Arimaha Dibadda yeelanayso iyo isku bedelka agaasimayaal kale. 1. Agaasimaha cusub ee Wasaarada arimaha gudaha MD.Maxamed Yuusuf Agaasimihii hore ee wasaarada warfaafinta 2. Agaasimaha cusub ee Wasaarada Warfaafinta Cabdikariim Aadan Cade agaasimihii hore…

Read More

Somali forces take back territories from Al Shabaab

Monday, September, 12, 2022 (QJ) – Somalia Federal government issued a statement yesterday detailing Somalia National Army and The Local Community joint forces, liberated more than 20 Districts in Galmudug, Hirshabelle and South-West. The press statement stated that more than 100 Al-Shabaab fighters were killed in the operations that were undertaken in three Federal States. The…

Read More

Xogta baadhitaano xoogan oo ka socda gudaha Somaliland iyo cabsida jirta

Hargeysa. 12 September, 2022. (QJ)- Gudaha Somaliland waxa sii kordhaya baadhitaanada ciidamada kala duwan ee amnigu ay samaynayaan iyo hubinta gaadiidka iskaga kala gooshaya gudaha gobolada Somaliland iyo kuwa kasoo gala deegaanada xadka ee Somaliland ay la wadaagto wadamada jaarka la ah, gaar ahaan Soomaaliya iyo xadka dheer ee Itoobiya. Qurbejoog ayaa heshay xogta baadhitaanadan…

Read More

Soomaaliya oo sheegatay dilka 100 Shabaab ah iyo faahfaahinta

Muqdisho. 12 September, 2022. (QJ)- Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegatay in ay dishay illaa 100 dagaalame oo ka tirsan kooxda alShabaab ee ka dagaalanta badhtamaha ee koonfurta dalka Soomaaliya, iyadoo tiradan badan lagu dilay deegaano kala duwan sida ay dawladdu sheegatay. Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dawlada Soomaaliya, mudada ay socdeen dagaalo lagaga…

Read More

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay deegaanka Milxo ee Sanaag

Hargeysa. 11 September, 2022 (QJ)- Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday deegaanka, halkaas oo tiro 5 qof gaadhaysaa ku dhinteen halka dhaawacuna ka badan yahay. Xogaha hordhaca ah ee Qurbejoog ka helay deegaanka ayaa sheegaya in qaraxu ahaa mid qorshaysan balse wararka ayaa iskaso daba dhacaya iyadoo…

Read More