AUN Abwaan Hadraawi oo Maanta ku geeriyooday Hargeysa
Hargeysa August 18,2021 (SD) Alaha naxaariistiisii jano ka waraabiyee, waxa goordhaweyd magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi oo mudo halkaa ku xanuunsanayay. Abwaanka oo 79 jir ahaa ayaa ku geeriyooday aqalkiisa oo ku yaala magaalada Hargaysa, oo ay dhakhaatiirtu kula tacaalayeen xaaladiisa caafimaad, sida ay eheladiisu sheegeen. Abwaanka ayaa qalinka ku duugay heyso tarikhi ah…
