Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo Raali gelin Ka Bixiyey Hadal uu Todobaadkii Hore Yidhi+ Shirkii Beelaha Garxajis oo uu Dib u Dhigay & Siduu u arko Xukuumadda DAAWO

Hargaysa 30. January 2018 (SDN/QJ):-Salaadiinta Somaliland ugu Baaqay inay ka qayb qaataan Sidii Loo soo Afjari lahaa Shaqaaqadii Laba Beelood oo Walaalo ah ku dhex martay Deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag. Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo Maanta la hadlay Telefishanka HCTV ayaa Dhanka Kale Waxa uu Bulshada u soo Jeediyey inay Taageeraan Xukuumadda Somaliland.

Read More

Hogaamiyaha Mucaaridka Waddanka Kenya Raila Odinga oo Isu Dhaariyey inuu Yahay Madaxweynihii Shacabka Kenya,Ku Xigeenkiisii oo Madashaas aan ka soo Xaadirin & Dawlada oo Talaabadaas ku Tilmaantay Khiyaamo Qaran oo uu Dil ku Mutaysan Doono DAAWO

Nairobi 30. January 2018 (SDN/QJ):-Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa kasoo hor muuqday kumanaan qof oo isugu soo baxay maanta beerta Uhuru ee Nairobi, halkaas oo loogu dhaariyay in uu yahay “madaxweynaha shacabka” Kenya. Raila ayaa ku dhaartay in uu illaalin doono dastuurka dalka, islamarkaasna uu hoggaamin doono Kenya. Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga Waxaa…

Read More

Waa Maxay Sababta Loo Xidhay Hal Abuurada Niciima Axmed Ibraahin Qorane? & Aabaheed oo si adag uga Hadlay aaminsanaanteeda Mab’da Somali Weyn DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Ciidamada amaanka Somaliland ayaa Maalintii Sabtidii Xabsiga u Taxaabay Hal abuurad Naciima Axmed Ibraahin (Qorane) taas oo ka timid dhanka Muqdisho Isla markaana ku laaban lahayd Magaaladda Muqdisho isla Maalinta la xidhay. Aabaha dhalay Gabadhan oo lagu Magacaabo Abwaan Axmed Ibraahin Qorane oo maanta u Waramayay Telefishanka Eryal ayaa ka hadlay…

Read More

“Waxa la Foojariyeeyey Sexeexayga, Maamulka ayey Taasi ka dhacday..” Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa Cali Xasan Cawaale, ayaa sheegay in Saxeexiisa la Foojari-gareeyey, isla markaana loo adeegsaday Hanti Umaddadeed oo la Musuqmaasuqayo ama siyaabo gaar ah loo lunsanayo. Cali Xasan Cawaale oo qaar ka mid ah Warbaahinta Maanta kula hadlay Xafiiskiisa Xarunta dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa soo…

Read More

Qoys ay La Kulantay Dhacdadii Ugu Naxdinta Badnayd ee Abaarihii Somaliland soo Maray ,Caawimo Gaadhay & Fariin Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland Loo Diray DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xarunta Dhimirka ee Sahan Mr Bashiir Maxamed Jaamac ayaa deeq Kaalmo Kala duwan ah gaadhsiiyey qoys danyar ah oo Ku nool Caasimadda Somaliland ee Hargaysa. Qoyskan oo Ka Koobnaa Sagaal Qof 7 Caruur ah iyo Waalidkood ayaa Shan ka mid ah Caruurtaasi ay ku geeriyoodeen Xaaladii adkayd ee abaarta Halka…

Read More

Wershad Halis Nabadgelyo ku haysa Madaarka Hargeysa, Khatarteeda Caafimaad iyo Cabashada Bulshada DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Wershad laga dayriyey halisteeda Caafimaad, isla markaana la sheegay inay khatar dhinaca nabadgelyada ah ku hayso Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa. Wershaddaas waxa la sheegay inuu u digay Maareeyaha Madaarka Hargeysa uu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay. Haddaba, Warbixin ku saabsan Wershaddaas, waxay qabato, cabashada Dadweynaha iyo Digniinta la…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Ka Warbixiyey Xaalada Amni ee Somaliland Isla Markaana Shaaciyey Hub ay Gacanta ku dhigeen oo Loo waday Mid ka mid ah Beelihii Gobolka Sanaag ku Dagaalamay & Waxay Xukuumadu ka Yeelayso!! DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta xildhibaanada Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtidda warbixin ka siiyey xaaladda guud ee nabadgelyadda dalka.

Read More

Madaxweyne Muuse Biixi oo Maanta Magacaabay 11 Xubnood Iyo Magacyadooda

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne uu ku magacaabay 11 masuul. Wareegtadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u dhignayd Sidan:-   Madaxweynuhu Markuu Arkay:           Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;   Markuu Arkay:           Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;   Markuu ku Qancay:   In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa…

Read More

Sanbaloolshe: Kor u Kiciisii Dhawaa iyo Hoos u Dhiciisa Hadda! Warbixin Xiiso leh oo BBC-du Diyaarisay

Muqdisho 29. January 2018 (SDN/QJ):-Cabdillaahi Maxamed Sanbaloolshe waxa uu ahaa shaqsiyaadka ugu awoodda badan ee kasoo dhex muuqday dowladda federaalka kadib doorashadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo saxaafadda iyo falanqeeyeyaashaba kaga yaabsaday hadal uu fagaaro ka sheegay xilli uu ka hadlayay arrinkii Qalbi Dhagax. Wuxuu xilligaasi sheegay: “Anigoo af duubaaya dowladda, waxaan jeclaan lahaa…

Read More

Xisbiga Waddani oo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi uga Digay in Xalka Sicir Bararka ay ka Doonto in Lagu Jiifsado Shirkad Qudha & Khatarta Ka Dhalan karta DAAWO

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):- Siyaasi Cabdilaahi Daamur oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Waddani ayaa sheegay in gudi Xukuumadu u saartay Wax ka qabashadda Sicir bararka dalka ka taagan Saluug badan laga muujiyey. Cabdilaahi Daamur oo Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargaysa ayaa Sheegay in Xogo ay heleen ay Sheegayaan in talaabooyinka ay ilaa hada…

Read More

Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo Shirkadaha Isgaadhsiinta,Xawaaladaha iyo Ganacsatada kale dul dhigtay amaro ay u aragto inay Xal u Yihiin Sicir bararka!!

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saartay go’aamo amar ah oo ay sheegtay inay kula dagaalamayso sicir bararka dalka aafeeyay, waxaana shirkadaha dalka la gaadhsiiyay amaradaas wixii ka khuseeyay. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ay xukuumadu weli soo saartay, haddana warar uu Wargayska Geeska Afrika helay…

Read More

Somaliland oo Xubin ka Noqotay Xidhiidhka Caalamiga ah ee Ciyaaraha Jesta & Hogaanka Xidhiidhkaas oo ka Soo Laabtay Shir Caalami ah kana Warbixiyey DAAWO

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland oo uu Weheliyo agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Maanta kulan la qaatay Hogaanka Xidhiidhka Ciyaaraha Jesta ee Somaliland Kadib markii ay ka soo laabteen Shir Caalami ah oo dalka Dibadiisa ka dhacay.

Read More

“Wax Koox Ah Oo Kubadda Cagta Ah Oo La Kala Dirayaa Ma Jiro, Waxaanay Mudan Yihiin In La Sii Dhiiri-Galiyo” Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhaliyarada Iyo Ciyaaraha DAAWO

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa sheegay in la dhamastiray muran aan badnayn oo ka taagnaa sidii xal loogu heli lahaa Wasiirka Maaliyada iyo Ciyaartoyga magaaca Wasaaraddaasi ku ciyaara oo uu wasiirka maaliyadu kala diray, halka Agaasime Dhabeeye sheegay in ay ku guulaysteen arrinkaasi.

Read More

‘’Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixina waxaan qabaa inay sida ugu dhakhsaha badan xal uga gaadhi doonto Sicir bararka umadda aafada ku noqday,Shacabkana Waxaan Leeyahay…’’ Xildhibaan C.raxmaan Dheere

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), ayaa tilmaamay in xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, sida ugu dhakhsaha badan ay wax kaga qaban doonto sicir-bararka umadda dhibaatada ku haya, oo ilaa hadda aan wax xal ah laga gaadhin. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), oo u waramay Wargeyska…

Read More

Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Hor Tagay Golaha Guurtida Kana Hadlay Mooshin Ay Ku Wadaan Xildhibaanada Golaha Deeganku DAAWO

Hargaysa 27. January 2018 (SDN/QJ):-Mayaarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco ayaa waxaa uu saaka hor tagay golaha guurtida Somaliland isla markaana waxaa uu faahfaahin ka siiyey maashriicda ay dawlada Hoose qabatey sanadkii dhamaadey ee 2017. Sidoo kale Maayar Solteco ayaa waxaa uu ka hadley mooshin ay ku wadaan Xildhibaanada Golaha Deeganka Hargaysa. https://www.youtube.com/watch?v=mKMzW081bcU

Read More