Madaxwayne Muuse Biixi Oo Sheegay In Dhalinyarada Timaha La Baxday Laga Xiirayo Kuwa Surwaalka isku Dhajinayana Mid Kaakiya Oo Adag Loo Xidhayo DAAWO

Hargaysa 01. January 2018 (SDN/QJ):- Madaxwayanaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uu talaabo qaadi doono dhalinyarada timaha la baxda,kuwa dharka ku dhagan xidhan iyo dhaqamada shisheeye ee wadamada dibaada laga soo waarido oo dalka ku soo badanaya  mudooyinkan danbe Somaliland. Hadalkan ayaa madaxwaynaha Somaliland ka soo yeedhay xiligii lagu jiray ololaha doorashada…

Read More

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Dhanbaalkiisa Curashadda Sannadka Cusub ee 2018

Hargaysa 31. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Hambalyo iyo Salaan ku saabsan munaasabadda Sannadka Cusub ee miilaadiga 2018-ka awgeed u dirayaa dhammaanba Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan gudaha iyo dibedda dalka.   Madaxweynuhu mar labaad waxa uu Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran…

Read More

Wasaaradda Shaqo gelinta Somaliland oo Habeenkii Xalay Hawl gal ka Samaysay Dooxa Weyn ee Hargaysa Iyo Darbi Jiif la Xareeyay DAAWO

Hargaysa 31. December 2017 (SDN/QJ):-Hawlgal ay habeenkii xalay ka samaysay Wasaaradda Shaqo-qelinta qaranku dooxa magaaladda Hargaysa ayay ku xaraysay 14 ka mid ah Caruurta darbijiifka ah kuwaas oo lagu daryeelayo xarunta dhaqancelinta ee xaafada Maxamed Mooge. https://www.youtube.com/watch?v=Kt4Xr92ypJA&feature=youtu.be

Read More

‘’Maayarka Hargaysi Waxaa Uu Ka Dhigay Dowladdii Hoose Shirkad Uu Gaar U Leeyahay” Xoghayaha Fulinta Dowladda Hoose DAAWO

Hargaysa 28. December 2017 (SDN/QJ):-Xoghayaha fulinta Dowladda Hoose ee Hargaysa Cali Xasan Cawaale ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Khilaaf xoogan oo ka dhex abuuran isaga iyo Maayarka Hargaysa Cabdiraxaan Maxamuud Caydiid “Soltelco” waxaanu sheegay in maayarku qarashka dowlada hoose si aan sharci ahayn u istcmaalo oo shaqaalahii bilaa mushar yahiin.

Read More

Madaxweynaha Somalia Farmaajo oo u Dabaal degay in Somalia la soo Wareegtay Maamulka Hawadeedda Iyo Khudbad Guubaabo ah oo uu Jeediyey DAAWO

Muqdisho 28. December 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad lagu qabtay Magaaladda Muqdisho oo dawlada Somalia ku cadaynaysay inay la soo wareegtay maamulka Hawada Somalia. Munaasabad lagu qabtay Muqdisho ayuu madaxweyne Farmaajo ka sheegay in sharaf wayn u tahay Soomaaliya in ay dib ula wareegto maamulka…

Read More

Gudoomiye Hay’adda Shaqaalaha Dawlada oo shaaciyay Barnaamij Shaqaale Cusub DAAWO

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay maanta shaacisay in ay qaadanayso 21 qof oo ka shaqayn doona madax-tirinta shaqaalaha dawladda. Iyada oo Hay’addu ku hawlanayd muddooyinkii ugu dambeeyay qorshaynta habka ugu wanaagsan ee loo tirin karo isla markaana oo tayayn karo shaqaalaha dawladda, ayay arrintani noqonaysaa bar-bilowga hawlgal balaadhan oo ay hay’addu…

Read More

Heshiisyo Ay Galeen Xukuumadihii Cigaal, Rayaale Iyo Siilaanyo Oo Dib Loo Eegay DAAWO

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Hanti-dhowraha Guud ee Somaliland Siciid Saleebaan Mire, ayaa ku dhawaaqay in dib u eegis iyo baadhitaan lagu samaynayo 16 shirkadood oo Waddani ah, kuwaasi oo xilliyo kala duwan heshiisyo la galay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda, kuwaasi oo qaarkood qabtaan Dakhliga Dawladda. Shirkadahaa heshiisyadooda baadhitaanka iyo Dib u eegista lagu samaynayo waxa…

Read More

BBC-da La Hadasha Afrika Oo Barnaamij Maad Ah Ku Soo Bandhigtay Sababta Afrika U Diiddan Tahay Aqoonsiga Somaliland !!

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Waraysi sheeko ah oo ay Barnaamijka BBC-da ee caanka ah ee loo yaqaan Focus on Afrika ayaa ka allifay Doorashooyinkii u dambeeyay ee Somaliland. Barnaamijkan oo maad ah oo la yidhaahdo Kibarkingmad ayaa ah mid maqal ah, Waxaanu ku saabsanyahay sheeko dhexmaraysa laba Nin oo iswaraysanaya. Kuwaasi oo ku jilaya sheekadaasi…

Read More

Wasiir Ku-xigeen Sii Xoojinaya Dhaqdhaqaaqyada Puntland Ka Waddo SOOL Oo Shalay Tagay Tukaraq

Laascaanood 25. December 2017 (SDN/QJ):-Maamul Gobolleedka Puntland oo Maalmihii u dambeeyay dhaqdhaqaaq Ciidan ka waday meelo ka mid ah Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa masuuliyiin ka socdaa waxay Shalay socdaal ku tageen deegaanka Tukaraq. Wefti uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, ayaa isagoo wata Ciidamo badan oo ilaalo u ahaa waxa…

Read More

Somaliland: Doorashada Goleyaasha Wakiillada Iyo Deegaannada Oo Ka Mid Ah Caqabadaha Hor-yaalla Xukuumadda Cusub

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Doorashooyinka Goleyaasha Guurtida, Wakiillada iyo Dawladaha Hoose oo loo muddeeyay in la qabto Sannadka 2019-ka, haddii Allaah yidhaahdo. Madaxweyne Biixi oo khudbad ka jeediyey kulan Is-barasho iyo Wada-tashi ah oo Golihiisa Wasiirrada uga furmay Magaalada Hargeysa, ayaa ka warramay in…

Read More

“Dad badan ayaa ii yimi, waxay igu yidhaahdeen gurigaaga iskaga guur, Gurigaagu wuu yar yahay, Wasiirkii Maaliyadda ayaad noqotay ee fooq weyn halkaa ka kirayso,Aniguna Waxaan Ku Idhi… ” Wasiirka Maaliyadda Somaliland

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa ka warramay soo jeedimo layaab leh oo qaar ka mid ah Bulshadu u soo jeediyeen markii xilkaasi loo Magacaabay. Soo jeedimahan oo dhammaantood ku qotoma sida musuqmaasuqu u sameeyay fikirka Dadka reer Somaliland, ayaa waxa ka mid ah in Dadka…

Read More

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Dardargalin Ah La Yeeshay Wakiilada Iyo Guurtida DAAWO

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley shirgudoonka labada golle ee guurtida iyo wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan oo ahaa kii u horeeyey ee shirgudoonka labada gole ay madaxweynaha ugu yimaadaan ayaa daranaa is xogwaraysi, waxaana aad loogu lafo guray kulankaasi, qodobadan. Waxa laga wada hadlay oo…

Read More

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Xafiiskiisa Kulan Islaab Xaadhasho Ah Kula Qaatay Hoggaanka Sare Ee Xisbiga Waddani Oo Uu Hor kacayo Gudoomiye Cirro SAWIRO

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabiley hoggaanka sare ee xisbiga waddani oo ay horkacayaan gudoomiye cirro iyo, gudoomiye ku xigeenkiisu. Kulankaasi oo madaxweynuhu u fidiyey masuuliyiinta xisbiga waddani ayey ujeedadiisu ahayd sidii laysugu laab xaadhan lahaa xanaftii iyo ololihii dhexmaray xisbiyada wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada…

Read More