“Reer Hargeysoow, Midaynta Somaliland Kuma Xidhna Xuduudka Reer Sheekh Isaxaaq..”Galaydh

Hargaysa 25. December 2017 (SDN/QJ):-Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa mar kale ku celiyey in Heshiiskii ay Somaliland kala saxeexdeen u baahan yahay in la fuliyo. Prof. Cali Khaliif Galaydh oo hadal ka jeediyey Hadhimo-sharafeed magaalada Hargeysa loogu sameeyay Siyaasiga Bile Rafle Guuleed oo safar ku jooga Somaliland, ayaa sheegay in aanay Khaatumo wax…

Read More

Suxufiyiinta Gobolka Sool oo Canbaareeyay Weriye Mudooyinkii u danbeeyay u Xidhnaa Maayarka Berbera DAAWO

Laascaanood 23. December 2017(SDN/Q):-Qaar ka Mid ah Suxufiyiinta Gobolka Sool ayaa ka Hadlay Mid ka mid ah Weriyeyaasha ka hawlgala Gobolka Saaxil Gaar ahaan Magaaladda Berbera oo Mudooyinkii u danbeeyay Xidhnaa iyadoo Xadhigiisa la sheegay inuu ka danbeeyay Maayarka Magaaladda Berbera. https://www.youtube.com/watch?v=5idVk4I2wFU

Read More

”Culimada dowlada Taageersan Waxba kama duwana Al-Shabaab” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi-shakuur

Muqdisho 23. December 2017(SDN/Q):-Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ahna guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa markii ugu horeysay shir jaraaid ku faahfaahiyay weerarkii xiidamo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya ku qaadeen xaruntiisa magaalada Muqdisho. C/shakuur oo ay hareerahiisa fadhiyeen qaar ka mid ah Madaxda Xisbigiisa ayaa sheegay in lagu soo qaaday weerar socday mudo nus saac ah isla…

Read More

”Hanti Dhawraha Guud ee Qaranku waxa uu Doonayaa inuu Caqliga 82-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiiladda inuu Ku Ciyaaro”Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo sidii ugu adkayd uga hadlay Xisaab xidhkii 2016 ee Golaha Hantidhawruhu u soo gudbiyey DAAWO

Hargaysa 23. December 2017(SDN/Q):-Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Mudanayaashu waxay si adag uga hadleen Xisaab Xidhka Miisaaniyadeed ee 2016 oo uu Golaha u soo gudbiyey Hanti dhawrka guud ee Qaranku.

Read More

Wasiir Cusub oo Ka Mid ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Maanta Laga Qaaday Xasaanadii Golaha Wakiiladda ee uu Hore uga Tirsanaa DAAWO

Hargaysa 23. December 2017(SDN/Q):-Wasiirka cusub ee wasaaradda biyaha Somaliland Saleebaan  Yuusuf Cali Koore oo hore u ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta golahaasi ka aqbaleen codsi ah in uu iska casilay Xildhibaanimada golahaasi ka dib markii Madaxwyane Muuse Biixi Cabdi uu ku soo daray liiska Golahiisa Wasiiradda.

Read More

Soomaaliya oo Sannadka Cusub lasoo Wareegeyso Maamulka Hawada & Aamusnida Somaliland

Muqdisho 23. December 2017(SDN/Q):-Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo in muddo ah ku howlaneyd sidii Soomaaliya ay ula soo wareegi laheyd maamulka hawada ayaa sheegtay inay dib u dhis ku sameysa qalabkii lagu hagi lahaa hawadda Soomaaliya oo in muddo ah ka maqnaa gacanta dowladda. Sida ay kusoo warrantay wakaaladda wararka ee SONNA, wasiirka gaadiidka iyo duulista…

Read More

Dagaal ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Sool & Khasaaraha Dhimasho ee Ka Dhashay!!

Laascaanood 23. December 2017(SDN/Q):- Ugu yaraan 5 qof oo dhinacyadii dagaallamayey ka tirsan ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal saaka barqadii ka qarxay deegaan ka tirsan gobolka Sool. Dagaalka oo ilaa goor dhow oo duhurkii ah ka socday halka lagu magacaabo Xoorre oo u dhow degmada Burtinle ee…

Read More

“Go,aan Baanu Qaadanay Somaliland Kama Tirsanin Garoowe Ayaanu Kuugu Imaynaa Cabdiwali Gaasoow” Maleeshiyo Ba-Hararsame Ah DAAWO

Laascaanood 23. December 2017(SDN/Q):- Wali waxaa sii xoogaysanaya baaqa iyo qaylo dhaanta colaadeed ee ay iskugu habar wacanayaan labada beeleed ee Walaalaha ah ee Colaadu ku dhex martay Deegaanka Burtinle ee Gobolka Sool waxaa wali socoda weedho dagaalka sii xoojin kara, Walina ma jiraan wax waan waan ah oo laga galay arrintay oo soo socotay muddo …

Read More

Jabuuti Oo Dalkeeda U Diidday DAB-CASSAR Iyo Halka Uu Hadda Ku Xidhan Yahay

Jabuuti  23. December 2017(SDN/Q):-Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Maanta Dalkeeda ka soo Mastaafurisay Cabdiraxmaan Dabcassar oo ah Muwaadin Reer Soomaaliya ah oo Shalay Dawladda Somaliland ka Mastaafurisay Dalka, ka dib markii Maalmihii u dambeeyay uu ugu xidhnaa Hargeysa Aflagaado ka dhan ah Qaranka Somaliland oo uu mariyey Internet-ka. Dab-cassar oo Dadka Internet-ka isticmaalaa aad u yaqaanno…

Read More

‘’Xidhigii Wasiirkan Cusub Ee Muuse Biixi Magacaabay Siyaasad Buu Ahaa , Maxaa Maxamed Xaashi Iyo Gaboose Loo Diidi Wayay” Garyaqaanka Guud Somaliland DAAWO

Hargaysa 23. December 2017(SDN/Q):-Ku xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland Mudane Xuseen Maxamed Jaamac Balal ayaa Difaacay eeda ah in aanu ka mid noqon karayn shirci ahaan Golaha wasiiradda cusub Mudane Maxamuud Abokor oo uu ku dhacay Xukun Maxkamadeed waxaanu sheegay.

Read More

“Intiina I horfadhidaa Waxaad Ilaahay Ku Mahadisaan Ninna Reer Qudhi Masoo Dooran, Anigana Reer Ima Soo Dooran Oo Qaranka Oo Dhan Baa I Doortay Labadii Mucaaridna Way Igu Raaceen, Markaa Reer I sheegan kara oo dabada i jiidi karaa ma jiro” Madaxweyne Biixi DAAWO

Hargaysa 23. December 2017(SDN/Q):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha golaha wasiirrada u daah-furay kulan ballaadhan oo lagaga tashanayo qorsheyaasha ay xukuumaddu ku hawlgeli doonto mustaqbalka soo socda oo ay gundhig u yihiin buug-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (Somaliland National Plan II). Kulankan oo maanta lagu qabtay Hotel Royal…

Read More

Madaxweyne Muuse Biixi oo Daah-furay Kulan Lagaga Tashanayo Qorsheyaasha Xukuumaddu Mustaqbalka ku Hawlgeli Doonto SAWIRO

Hargaysa 23. December 2017(SDN/Q):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha golaha wasiirrada u daah-furay kulan ballaadhan oo lagaga tashanayo qorsheyaasha ay xukuumaddu ku hawlgeli doonto mustaqbalka soo socda oo ay gundhig u yihiin buug-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (Somaliland National Plan II). Kulankan oo maanta lagu qabtay Hotel Royal…

Read More

Wasiirka Maaliyadda oo Kulankii Koobaad la Qaatay Shaqaalaha Waaxda Cashuuraha Berriga

Hargaysa 23. December 2017(SDN/Q):-Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa kulankii ugu horreeyay la qaatay shaqaale waynaha waaxda cashuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadda Somaliland. Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd maamuus ay shaqaale weynuhu ugu talo galeen in ay shahaado sharafyo ku guddoonsiiyaan agaasimihii hore ee waaxda cashuuraha berriga, haatana ah wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga,…

Read More

Abwaan HADRAAWI Oo Ka Hadlay Warar Laga faafiyey Xaaladdiisa Caafimaadkiisa + DAAWO

Hargaysa 23. December 2017 (SDN/QJ):-Abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo Maalmihii u dambeeyay laga dayrinayey Xaaladdiisa Caafimaad, ayaa Maanta sheegay in Xaaladdiisa Caafimaad wanaagsan tahay isla-markaana aanay waxba ka jirin wararka laga faafiyey Caafimaad-qabkiisa. Abwaanka oo Saxaafadda ay isaga iyo Qaar ka mid ah ehelkiisu ay si wada jir ah ula hadleen,…

Read More