Somaliland: Dadweynaha Oo Naawilaya In La Soo Dhiso Xukuumad Tiro Yar, Oo Tayo Badan Iyo Madaxweynaha La Doortay Oo Ka Qayliyey Culeyska Saaran!!

Hargaysa 27. November 2017 (SDN/QJ):-Ka dib, markii Guddiga Doorashooyinka Qaranku 21-kii bishan ku dhawaaqeen in doorashadii Dalka ka dhacday 13-kii bishan November, 2017-ka Madaxweynaha Shanta Sannadood ee soo socda loogu doortay Muuse Biixi Cabdi oo Musharrax Madaxweyne-nimo ugu tartamayey Xisbiga KULMIYE. Ku dhawaaqidda Natiijada Doorashada ee ay ku guuleysteen Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Musharrax…

Read More

Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Mudane Samaale oo Buriyey In Khilaaf soo Kala Dhex Galay Isaga Iyo Madaxweynaha La Doortay DAAWO

Hargaysa 27. November 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ka hadlay Doorashadii Dalka ka dhacday badhtamihii bishan November, waxaanu Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan-Saylici. Cabdicasiis Samaale oo ahaa Guddoomiyihii Guddigii soo xushay Muraaqibiintii Xisbiga KULMIYE ee doorashada, ayaa Wareysi uu siiyey Telefiishanka Eryal…

Read More

“Muuse Biixi waa Nin ad-adag oo dhaqan Soomaali ah leh, waa nin ku adag noloshiisa iyo ta ummadda, mana aha nin la jiid-jiidayo oo loo talinayo..” Eng. Maxamed Xaashi

Hargaysa 27. November 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi ayaa shaqsiyadda Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi ku tilmaamay Nin ad-adag, balse talada wanaagsan qaadan kara, isla markaana kula taliyey inuu daryeelo shaqaalaha dawladda iyo ciidammada, isagoo kula dardaarmay sidii uu dalkan magac ugu samayn ee uu ummaddiisana baahida uga saari lahaa. Maxamed Xaashi Cilmi…

Read More

Dumarkii U Codeeyay Madaxweynaha La Doortay Oo Codsanaya In Loogu Abaal-gudo Wasaarad U Gaar Ah

Gabiley 27. November 2017 (SDN/QJ):-Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley, ayaa  lagu qabtay Munaasibad Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ugu dabbaal-degeen guushii uu Xisbigaasi ka soo hooyey Doorashadii Madaxtooyada ee Dalka ka dhacday Badhtamihii bishan November isla-markaana Madaxweynaha loogu doortay Muuse Biixi Cabdi. Munaasibaddan Dabbaal-degga ah oo ay ka qayb-galeen Maamulka Gobolka, ka degmada Gabiley iyo Taageerayaal…

Read More

“Waxa aad ii doorateen ra’yigaaga ku soco oo meel hagaagsan na gee, laakiin qaadan karimaayo waan ku doortaye taladayda yeel” Madaxweyne Muuse Biixi DAAWO/SAWIRO

Hargaysa 26. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay madaxda laamaha KULMIYE ee dibadda iyo taageerayaal qurba-joog ah oo dalka u yimi sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen hawlihii doorashada Madaxtooyada ee qabsoontay 13-kii November 2017. Kulankan oo ka dhacay xaruntii ololaha xisbiga…

Read More

Maayarka Hargaysa oo Shaaciyey Inay Joojiyeen Bixinta Dhulka Mudo Lix Bilood ah Iyo Nuxurka Fariin uu Bulshadda u Diray DAAWO 

Hargaysa 26. November 2017 (SDN/QJ):-Maayarka Caasimadda Dalka ee Hargaysa Mudane C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco oo Xafiiskiisa kula hadlayay Warbaahinta ayaa Sheegay inay Guud ahaanba Joojiyeen Bixinta Dhulka Muddada Lixda Bilood ee soo Socda. Duqa Caasimadda Hargaysa Waxaa kale oo uu Xusay inay dawlada hoose ee Hargaysa ay bilaabayso hawlgalo isugu Jira Cashuur uruurin iyo dekhli…

Read More

Halista Musuqmaasuqa Iyo Sicir-bararku Ku Hayaan Nolosha & Rejada Shacabku Ka Qabaan In Madaxweynaha La Doortay Ka Dhabeeyo Ballan-qaadyada Uu Wax Kaga Qabanayo!!

Hargaysa 26. November 2017 (SDN/QJ):-Musuqmaasuqa iyo Sicir bararka ayaa ah aafo halis ku ah nolosha iyo horumarka dadka iyo dalka Somaliland, sidaasi awgeedna haatan ah kuwo xadhkaha goostay oo mugdi sii galinaya mustaqbalkii dadka iyo dalka, haddii aan si mug leh wax looga qaban oo aan laga badbaadin ummadda. Sidaasi awgeed Wargeyska Himilo, oo si…

Read More

Maxkamadda Sare Oo Toddobaad Gudihii Ku Soo Saaraysa Natiijada Rasmiga Ah Ee Doorashadii Madaxtooyada

Hargaysa 26. November 2017 (SDN/QJ):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland u gudbiyey Natiijada hor-dhaca ah ee Doorashadii Madaxtooyada ee ay ku guuleysteen Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici). Guddiga Doorashooyinka ayaa 21-kii bishan ku dhawaaqay in Doorashadii Dalka ka dhacday 13-kii bishan November, 2017-ka ay…

Read More

“Reer Awdal Waxaan Leeyahay Ninka Maanta Soo Baxay Maaha Nin Lagu Cabsi-Gelin Karo Farta Oo Loo Lulo, Oo Waa Muuse” Guddoomiye Ku-xigeenka UCID

Hargaysa 26. November 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), ayaa farriin u diray Shacabka Somaliland, gaar ahaan Dadweynaha reer AWDAL, waxaanu u soo jeediyey inay u midoobaan ka qayb-qaadashada Horumar uu sheegay in Madaxweynaha la doortay uu Dalka ka samaynayo Shanta Sanadood ee soo socda. Mr. Buuni…

Read More

Ujeeddada Kulan Guddiga Doorashooyinka Qaranku La Yeesheen Dublomaasiyiin Caalami Ah

Hargaysa 26. November 2017 (SDN/QJ):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa xaruntooda caasimada dalka kula kulmay dublomaasiyiin caalami ah oo ka socda dalka Britain. Dublomaasiyiintan oo kala ahaa Safiirka UK ee dalka Ethiopia u fadhiya David Concar oo ay wehelinaysay madaxa Xafiiska UK ee Hargeysa Miss Rosie Tapper. Ujeedada kulankan ayaa si kooban loogaga warramay war qoraal…

Read More

‘’Codkii Badnaa ee Kulmiye ku Soo Baxay Iyo Fariintii ay Bulshadu na faraysay ee Codkooda ay nagu siiyeen Waxay ahayd inaan soo Dhisno dawlad kooban oo Tayo Leh’’ Madaxweyne Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 25. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muus Biixi Cabdi ayaa Bishii July ee Sannadkii 2010 Wuxuu Madaxweynaha Xilka ka degaya Mudane Axmed Siilaanyo u Magacaabay Gudi kala soo talisa dhismaha Xukuumadiisa Waxay Guddidaasi go’aamiyeen in 15 Wasaaradood ay noqoto dhismaha Xukuumadu. Waxaa Maanta Mar kale hor yaala Madaxweynaha la doortay ee…

Read More

Maxay Yihiin Qodobada ugu Horeeya ee Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Markuu Xilka la wareego inuu wax ka qabto la eegayo? DAAWO

Hargaysa 25. November 2017 (SDN/QJ):-Kadib Natiijadii Doorashaddii Madaxtooyo ee uu ku guulaystay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo noqonaya Madaxweynihii 5aad ee Somaliland yeelato ayaa waxaa hor yaala qodobo badan oo lagu tijaabinayo awoodiisa hogaamineed inta ay le’eg tahay. Waxyaabaha la eegayo inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wax ka qabto waxaa ka mid ah Sicir bararka…

Read More

Generaal Doolaal oo soo Bandhigay Sheeko Xiiso Badan oo ku Saabsan Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi!!

Hargaysa 25. November 2017 (SDN/QJ):- General Ibraahim Aadam Xal-xal (Doolaal) oo ka mid ahaa saraakiishii sare ee ciidammaddii dawladda Soomaaliya waqtigii Siyaad Barre, haatan ka mid ah masuuliyiinta iyo odayaasha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Kilalka Shanaad, ayaa soo bandhigay sheeko xiisbo badan oo ku saabsan taariikh hore oo ay wadaageen Madaxweynaha cusub ee ku guulaystay…

Read More

“Waar Fartaada Eed, Waayo, iimaad dooran inaan taad doonayso kuu yeelo..” Madaxweyne Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 25. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay badhtamihii bishan November 2017, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay guddiyadii ololaha xisbiga KULMIYE ee gobollada dalka Somaliland. Kulankan oo ka  qabsoomay xaruntii ololaha xisbiga KULMIYE maanta, kana qaybgaleen xubnaha hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo wakiillo…

Read More

Madaxweynaha Shacabka reer Somliland Doortay oo Kulan la Qaatay Safiirka Ingiriiska u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 25. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee shacabka reer Somaliland doorteen dhawaan Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ka socda safaaradda dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Soomaaliya xalay. Weftigan waxa hoggaaminayo safiirka safaaradda dawladda Ingiriiska ee dalalka Somaliland iyo Soomaliya Ambassador Daved Concar, isla markaana ay wehelinayso haweenayda madaxda ka ah…

Read More

Wasiir Ingiriis ah oo Somaliland ku Tilmaamay astaan Dhif ah oo u Taagan Degenaanshaha Iyo Geedi Socodka Dimuquraadiyada Geeska Africa!!

London 25. November 2017 (SDN/QJ):-Wasiirul dawlaha dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka barwaaqosooranka Mr. Rory Stewart, ayaa Somaliland ku tilmaamay inay astaan dhif ah u tahay dimuqraadiyadda iyo xasiloonida gobalka Geeska Afrika, ka dib doorashadii qabsoontay 13 November. Baarlamaanka Ingiriiska oo tan iyo markii ay doorashada Somaliland u qabsoontay si nabadgleyo waxa lagaga hadlayay doorashada Somaliland, iyadoo…

Read More

Dalalka Beesha Caalamka oo la Dareemayo inay Dib u Soo Celinayaan Xidhiidhkii ay la Lahaayeen Jamhuuriyada Somaliland!!

Hargaysa 25. November 2017 (SDN/QJ):-Dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed iyo horumarka Somaliland, ayaa u muuqda doorashadii ka dib inay bedelelayaan mawqifkii ay ka taagnaayeen la macaamilka dawladda Somaliland. Dalalkan oo saaxiib la ah Somaliland kana kooban dalalka reer Yurub iyo Maraykanka, ayaa hore meel adag uga taagnaa xidhiidh iyo wada shaqayn ay la…

Read More

Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan Mahadnaq ah la Qaatay Wakiillo ka mid ah Guddiyadii Ololaha KULMIYE ee Gobollada Dalka SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 25. November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay badhtamihii bishan November 2017, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay guddiyadii ololaha xisbiga KULMIYE ee gobollada dalka Somaliland. Kulankan oo ka  qabsoomay xaruntii ololaha xisbiga KULMIYE maanta, kana qaybgaleen xubnaha hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo wakiillo…

Read More