Xildhibaan Nac Nac Oo Kinjaadhe ku Eedeeyay Inaanu Fulin Deeq Biyaha ah Oo uu u balan qaaday Dadwaynaha Dagmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargaysa DAAWO

Hargaysa 07 November  2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka Tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda kana mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ku dhaliilay Xisbiga Kulmiye inay ku balanfureen dadweynaha degan Xaafada axmed dhagax oo Shalay sheegeen inay Biyo Qaybin u samayn doonaan Taas oo uu xusay inay beenowday. Xildhibaan Nacnac ayaa sheegay in…

Read More

Baarlamaanka Maamul Goboleedka Punt land oo Meel mariyey Qorshe ay Ku Carqaladaynayaan Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland Iyo Madaxweyne C.weli Gaas oo ay Ka Dalbadeen inuu Mas’uuliyadiisa ka soo baxo DAAWO

Garowe 07 November  2017 (SDN/QJ):-Fadhi ay Maanta Magaaladda Garowe ku Yeesheen baarlamaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Punt land ayay ka soo saareen Go’aamo gole oo ay ku doodayaan in aanay Doorashadda Madaxtooyadda ee Somaliland ka Dhici Karin Gobolada Sool,Sanaag,Cayn iyo Hay-land. Mudane Axmed Cali Xaashi Gudoomiyaha Baarlamaanka Punt-land ayaa ku dhawaaqay Go’aankii ka soo baxay…

Read More

Khudbadihii ugu Miisaanka Cuslaa ee Xisbiga Waddani Madaxdiisu Maanta ka Jeediyeen Wareega 6aad ee Kaltanka Ololaha Doorashadda ee Caasimadda Hargaysa DAAWO

Hargaysa 07 November  2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha ku meel gaadhka ee xisbiga waddani xildhibaan C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, xoghayaha xisbiga Maxamed C/laahi Uurcade iyo masuuliyiin kale ayaa taageerayaasha xisbiga waddani kala qayb galay isu soo baxa ololaha doorashada oo lagu qabtay beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.

Read More

Xisbiga Waddani oo Wacdaro La Xidhiidha Maalintii Lixaad ee Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda Ka Dhigay Magaaladda Ceerigaabo & Khudbad Quluubta Shacabka Ruxday oo Gudoomiye Cirro Jeediyey DAAWO

Ceerigaabo 07 November  2017 (SDN/QJ):-Xisbiga mucaaridka ah ee waddani oo ay maanta ahayd maalintiisii lixaad ee isu soo baxa ololaha doorashadda ayaa goboladda iyo degmooyinka dalka ka dhigay isu soo bax ay ku muujinayaan cududdooda ku waajahan ololaha doorashadda madaxtooyadda. Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro  iyo Madax Sare oo…

Read More

Wacdaraha Taageerayaasha Waddani ee Berbera iyo Isu-soobaxa Maalintooda Lixaad ee Ololaha DAAWO

Berbera 07 November  2017 (SDN/QJ):Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee ku dhaqan magaalada Berbera, ayaa Maalintooda lixaad ee ololaha doorashada maanta waxay isugu soo baxeen Fagaarayaasha magaaladaas oo ay Cududdooda ku muujiyeen, isla markaana ay Khudbado uga jeediyeen Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Xisbigaas ee Heer Qaran iyo heer Gobol illaa degmo.

Read More

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Iscasilaadii Ka Aqbalay Wasiirkii Hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Isla Markaana Magacaabay Wasiir Cusub

Hargaysa 07 November  2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne uu kaga Aqbalaad Is-casilaadii uu soo Gudbiyay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane, Maxamed Cabdillaahi Oobsiiye   isla markaana Waxa uu Madaxweynuhu Magacaabay Wasiir Cusub. Wareegtada Madaxweynaha oo uu ku Saxeexan Yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Xuseen Aadan Cige Dayr…

Read More

Isu-soobaxa Maalintooda lixaad ee Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee Gobolka Gebilay Muujiyeen DAAWO

Wajaale 07 November  2017 (SDN/QJ):-Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee degmada Wajaale, ayaa isu soo bax ballaadhan ku muujiyey maalintooda lixaad ee ololaha doorashada Madaxtooyada ee qabsoomaysa 13-ka bishan aynu ku jirno oo maalmo koobani ka hadhsan yihiin, waxaana Fagaaraha Khayriyada Wajaale Taageerayaasha kala hadlay Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin Xisbiga Waddani ka tirsan oo ku…

Read More

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo Qaraar Adag Ka Soo Saaray Kaadhka Codbixinta ee la iibsanayo DAAWO

Hargeysa 06 November  2017 (SDN/QJ):-Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta Qaraar adag ka soo saaray Kaadhadhka Codbixinta oo Boolisku soo bandhigeen Dhawr iyo Lixdan kaadh oo ay qabteen iyagoo la kala iibsanayo, waxaanay sheegeen in Qofkii lagu qabto Kaadh Codbixineed oo aanu lahayn in lagu Xukumayo Lix Bilood illaa Laba Sannadood oo Xadhig ah iyo…

Read More

Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland oo Fasax ka Dhigtay Dugsiyadda Waxbarasho Beri laga Bilaabo Ilaa 15-ka Bishan & Sababta Keentay!!! DAAWO

Hargeysa 06 November  2017 (SDN/QJ):-Wasaaradda waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay fasax noqon doonaan  dhamaan goobaha waxbarasho ee dalka , laga bilaabo  7 bisha ilaa 15 bisha, iyada oo ay isticmaali doonaan goobahaasi Guddida Doorashooyinka Qaranku. Agaasimaha wasaaradda waxbarashada Axmed Abokor Maxamed ayaa sheegay sababta loo fasaxay goobaha waxbarashadu in ay tahay doorashada Somaliland ka…

Read More

‘’Waxaan Caaqilka iyo Xildhibaanka ku Wareejinayaa 200 oo Kaadhadhka Codbixinta Doorashadda+ Waxaan Xisbiga Waddani u Sheegayaa in Kaadhadhkii Deegaankan aan Gacanta anigu ku hayo ee Ha ku Soo Lu’go’ina’’ Fadeexada Urursiga Kaadhadhka Codbixinta & Mas’uul Xisbi oo Arrintan ka Badheedhay DAAWO

Berbera 06 November  2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Maxamed Cali Dheere oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Berbera kuna Jira Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye oo uu Weheliyo Chief Caaqil Xasan Shaqale ayaa Xili ay Kormeer ku Marayeen Maalintii Shalay Deegaano ka Tirsan Gobolka Saaxil Waxa lagu Wareejiyey Xildhibaan Maxamed Cali Dheere 200 oo Kaadhadhka…

Read More

“Anigu Murrashax uma ihi Inaan Kursi helo, Waxaan u Socdaa Qaddiyadda Somaliland ee aan u Soo Joogay inay Gaadho Higsigeeda” Murashax Muuse Biixi SAWIRO/DAAWO

Ceerigaabo 06 November  2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad aad u qiimo badan oo shacabku u riyaaqeen u jeediyey kumaan kun qof oo taageerayaal isugu soo baxay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag maanta oo ay ku beegnayd maalinta lixaad ee ololaha doorashada xisbiga ee ka socota…

Read More

Ciidanka Booliska Oo Qabtay Dad Iibsanayay Kaadhadhka Codbixinta DAAWO

Hargaysa 06 November  2017 (SDN/QJ):-Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa soo bandhigay saddex Haween ah oo iibsanaya kaadhadhka codbixinta doorashooyinka, kuwaas oo laga soo qabtay Xaafada Axmed Macalin Haruun ee magaalada Hargeysa oo dadka ku dhaqan xafadaasi kaadhadhka codbixinta kaga urursanayay inay dhaqaale siinayaan iyo Nin dadka diiwaangelinayay oo laga soo qabtay xaafada Daami. Afhayeenka ciidanka Booliska…

Read More

Xisbiga KULMIYE oo Wacdaro aan hore loo Arag ku soo Bandhigay Magaalada Ceerigaabo Maalinta Lixaad ee Ololihiisa SAWIRO

Ceerigaabo 06 November  2017 (SDN/QJ):-Xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa wacdaro aan hore loo arag oo ka turjumaya baaxadda taageerayaashaashiisa Gobolka Sanaag ku soo bandhigay magaalada Ceerigaabo maalinta lixaad ee ololihiisa oo uu xisbigu isu-soo-baxyo waawayn ka sameeyey guud ahaan dalka maanta. Kumanaan ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee…

Read More

Muuse Biixi oo Khudbad uu Taageero Ku Kasbaday ka Jeediyay Ceerigaabo DAAWO

Ceerigaabo 06 November  2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in tartanka doorashada ee xisbigu aanay ujeedadiisu ahayn in uu ku guulaysto kursiga madaxtinimada dalka, balse ay tahay midaynta ummada reer Somaliland, iyo sidii looga midho dhalin lahaa qaddiyadda madax-bannaanida qaranka. Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu…

Read More

“Rag Wasiirro noqday, Laakiin Ku Fashilmay Ammaanada loo Dhiibay mooyee intii kale Kulmiyey ku qallajisteen..” Wasiir Cadami DAAWO

Ceerigaabo 06 November  2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka hadlay Fagaaraha Khayriyada magaalada Ceerigaabo oo ay Taageerayaasha Kulmiye Masuuliyiin uu ka mid yahay kala qaybgaleen isu-soobaxa ololaha maalinta lixaad ee Xisbigaas oo Maanta qabsoomay, ayaa sheegay in Wasiirrada ka baxay Kulmiye yihiin kuwo ku fashilmay masuuliyaddii iyo ammaanadii Qaran ee loo…

Read More

Madaxweyneyaasha Maamullada Soomaaliya oo Markii u Horreysay Hortegay Aqalka Sare ee Federaalka

Muqdisho 06 November  2017 (SDN/QJ):-Madaxweynayaasha dawlad-gobolleedka qeybta ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay hortegay Mudanayaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Muqdisho, iyaga oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Caasimadda dalka oo Shir ugu soo gebo-gaboobay Shalay. Waxaa Fadhiga Aqalka Sare ee Madaxweyneyaasha Maamul-goboleedyadu hortegeen Warbixin ku aaddan waxyaabaha u qabsoomay…

Read More