“ Waxaanu aragtida isku qabanay Waddani, annagu waxaanu lahayn qarankanu wuxuu u baahan yahay horumar iyo maalgashi, aragtidaa mid ka duwan ayuu xisbiga Waddani qabay, oo ah looma baahna horumar, iyo maal-gashi.” Wasiir M. Xaashi
Berbera 19. October 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti balaadhan oo Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo oo Berbera ku sugan, ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka Madaxweynaha. Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay in Himiladii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee heshiiska maalgalinta Dekeda Berbera ay midho dhashay, ifa faale wanaagsan ay…
