Madaxweyne Siilaanyo oo Marwo Edna Aadan Ismaaciil u Magacaabay ergayga Gaarka ah ee Wada Hadalada Somaliland iyo Somalia 

Hargaysa 24. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4921/072017 uu maanta ku magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya. MADAXWEYNUHU:   Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ku Qancay:            Mudnaanta uu Qaranka u leeyahay…

Read More

Xildhibaan Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Hanti Boob Xoogan iyo Musuqmaasuq Ragaadiyey Qaranka Kana Hadlay Dabaysha is bedel doon Jihada ay u Dhacayso DAAWO

Hargaysa 23. July 2017 (SDN/QJ):- Xildhibbaan ka tirsan Xisbiga KULMIYE oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa si weyn u weeraray Xukuumadda Axmed Siilaanyo, waxaana uu sheegay in uu ragaadiyey musuqmaasuq xooggan oo xadhkaha goostay isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in la iibiyo Xafiiskii Gudoomiyaha Gobolka Awdal. Xildhibbaan Abuubakar Cabdiraxmaan Aw-good Waxaa…

Read More

“Maanta Waxaanu Rabnaa Tartan Qoomiyad Ku Dhisan Oo Aan Qabyaalad Ku Dhisneyn Oo Is Dhex-Galkii Umada Soo Celiya Iyo Magoolkii Aan Idhuhu Ka Daaleyn Ayaanu U Soo Bandhigeynaa” DAAWO

Hargaysa 23. July 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile kana mida xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa xisbiyada u soo jeediyay inay la yimaadan tartan aan qabiil ku dhisneyn . Xildhibaan Maxamed Faarax isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Hadii maanta dhakhtarkii dadka daweynayay yidhaaho reer hebel qalimaayo shahaadada in laga qaado ayay noqoneysaa…

Read More

Labada Mas’uul ee Ugu Sareeya Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Socdaal ku Tegay Magaaladda Laascaanood DAAWO

Laascaanood 23. July 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha gudida Doorashooyinka qaranka JSL Mude. Cabdiqaadir iimaan warsame iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa gaadhay gobolka Sool.   Guddoomiyaha iyo waftigiisa oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay safarkooda oo ku saabsan diyaargarowga qaybinta kaadhka codbixinta oo dhawaan ka bilaabmi doonta Gobolkaasi.     Guddoomiye Cabdi qaadir iimaan waxa uu…

Read More

Weheshiga Ilmada: Waa Filim cusub oo ka Warramaya Halista Tahriibta DAAWO

Hargaysa 23. July 2017 (SDN/QJ):- Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Filim kooban oo ka warramaya Dhibaatada Dhallinyarada Tahriibaa la kulmaan, intay ku jiraan Safarka dheer. Filimkan waxa lagu metelay magaalada Hargeysa, wuxuu muujinayaa xaqiiqda dhabta ah ee Waalidiinta iyo da’yartaba ka haysata Tahriibka. Waxa qortay Yaasmiin Maxamed Kaahin oo ah Suugaanyahanad reer Somaliland ah, waxaana…

Read More

“Runtii Waxaan Aaminsanahay Hadii Shacabka Loo Sheegi Lahaa In Dumarku Dahabkooda Iibin Lahaayeen & Ninkii Maal-le Waayo Ictiraafka Ayaa Uga Muhiimsan Shacabka.” Prof Bulxan

Hargaysa 23. July 2017 (SDN/QJ):- Dr. bulxan ayaa si faahfaahsan uga waramay sidii ictiraaf loogu heli lahaa wadankan somaliland ee sodon sanno ku dhawaad ka kaligii isku taagay iyo jaanisyadii dhaafay in ictiraaf lagu heli lahaa. Waxaa uu tilmaamay madaxweyne afrikaan ah oo yidhi waan idin ictiraafayaa ee lacag shan milyan ah I sii oo…

Read More

Mas’uulkii Labaad Ee Xukuumadda Ka Tirsan Oo Kalsooni Darro Awgeed Doorbiday Inuu Ku Biiro Golaha Wakiillada Muddo Xileedka Xukuumadda Ee Gabaabsiga Ah Aweed

Hargaysa 23. July 2017 (SDN/QJ):- Golaha Wakiilada Somaliland waa hoyga ugu weyn dhinaca sharcidejinta Somaliland waxaanu ka koobanyahay 82 xildhibaan oo laga soo doortay guud ahaan deeganada Somaliland, Alle Naxariisti Janno Haka Waraabiye Xildhibaan Xamse gaaddaweyn wuxuu kamid ahaa xildhibaanada golaha wakiilada waxaana uu maalintii isniinti ku geeriyooday magaalada hargeysa iyadaa oo isla maalintii salaasada…

Read More

Jahawareer Xoogan oo Deris la Noqday Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt Land & Nuxurka Kulan Xasaasi ah oo uu La Yeeshay Wasiiradii Codka Kalsoonida Baarlamanku Kala Noqdeen

Garowe 23. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiiradii dowlad goboleedka Puntland ee baarlamaanku kalsoonida kala laabtay labo cisho ka hor ayaa shirkoodii caadiga ahaa waxay ku yeesheen caasimadda Garoowe.   Waxaana looga hadlay adkaynta amniga iyo sidii si wadajir ah loo wada-shaqayn lahaa, loona sii wadi lahaa shaqooyinkii wasaaraddaha inta laga soo magacaabayo wasiradii bedeli lahaa.  …

Read More

Soomaali Ka Badheedhay in Difaaca iyo Jiritaanka Waddanka Qatar ay u Dhimanayaan DAAWO

Doha 23. July 2017 (SDN/QJ):- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar ayaa Kulan ay isugu yimaadeen waxay ku taageereen Go’aanka dhex-dhexaadnimo ee Dawladda Soomaaliya ay ka Qaadatay Xiisada Siyaasadeed ee dalalka Khaliijka.   Dhinaca kale Waxay Taageero iyo mahad celin u muujiyeen Amiirka Dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani, Waxayna sidoo kale Saxeexeen…

Read More

Obosanjo: Xanaanaynta Madaxweynayaashii Hore ee Afrika Waxay u Dhigantaa ta Xayawaanka!!

Nayjeeriya 23. July 2017 (SDN/QJ):- ‘Waxaa lama huraan ah in Madaxda  Afrika ay Madaxweynayaashoodii hore kula dhaqmaan qaab karaamo iyo ixtiraam leh, sababtoo ah xiligan waxaanu la mid nahay Xayawaanka oo kale’ sidaa waxaa yidhi madaxweynahii hore ee Dalka Nigeria Olusegun Obasanjo. Madaxweyne Obosanjo ayaa qaab xikmad leh waxa uu isu weydiiyey sida uu Hogaamiyahii…

Read More

“Meeday Madaxdii Somaliland, Waxaad Mooddaa In Dalka Dagaal Lagula Jiro”.. Prof Axmed Ismaaciil Samatar Oo Ka Digay Ciida Dahabiga Ah Somaliland Ee Dalka Jabuuti Looga Daad Gureeyo Lawyo Cado DAAWO

Hargaysa 23. July 2017 (SDN/QJ):- Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka tirsan Xisbiga talada Haye ee KULMIYE ayaa si adag uga hadlay ciida dahabiga ah ee Dalka jabuuti ka daad guraysto Dooxada Waraaboodka ee Duleedka Magaaladda Lawyo caddo,Waxa uu sheegay in markii uu dhawaan arintaasi la kulmay uu cadho darteed uu halkaasi ka noqon gaadhay,waxa…

Read More

Asaraarka Ku Duugan Qaabkii Shirqool ee Looga Takhalusay Dhaxal Sugihii Hore ee Boqortooyadda Sucuudiga,Saxeex Qasab ah oo Laga Qaaday & Wiilkii Boqor Salmaan oo Noqday Dhaxal Sugaha Aabihihii Dhaxli Doona!!!!

New York 23. July 2017 (SDN/QJ):- Sida lagu daabacay Majaladda afka dheer ee New York Times ee Mareykanka ka soo baxda waxaa xog sir ah laga heley qaabkii xilka dhaxal sugaha boqorka loogu wareejiyey wiilka uu dhalay boqorka iminka taladda haya ee Salmaan. Boqortooyadda Sacuudiga ayaa Mohamed Bin Salmaan ka dhigtey in uu yahay dhaxal…

Read More

Magaalo Xeebeedka Berbera: Kuleylka Xagaaga & Hanfiga Dabaysha oo Heer Adag Maraya iyo Biyo La’aan Soo Wajahday Bulshada

Berbera 23. July 2017 (SDN/QJ):- Magaalo-Xeebeedda Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, ayaa Maalmihii u dambeeyy Cimilada Xilliga Xagaaga ee lagu guda-jiro Xaraaradda Kuleylku gaadhey meel adag, iyadoo Kuleylka sii siyaadisey Dabeysha Hanfiga ah oo maamihan si is-daba-joog ah u socotey. Waxaanu Qiyaasta Kulaylku gaadhay 43. Waxaanay marxaladani kusoo Beegantey Biyo la,aan heerkii ugu ba.anaa ah…

Read More

Dood Cilmiyeedka Horumarinta Kubada Cagta Afrika oo La soo Gebagebeeyey & Nuxurka Natiijada ka soo Baxday

Maroko 23. July 2017 (SDN/QJ):- Xidhiidhka kubada cagta ee Afrika ayaa  Sharaxay Hindisaha cusub ee 24-ka Wadan oo isugu Iman kara tartanka kama dambaysta ah ee kubada cagta .   Gudoomiyaha gudiga qabanqaabada koobka kubadda cagta ee Afrika Amaju Pinnick ayaa maalintii shalay  sababta loo balaadhinayo ka qaybgalayaasha koobka muhiimka ah ee xulalka kubada cagta…

Read More

Dadka Sharciga Ku Jooga Boqortooyadda Sucuudiga ee Ka Ganacsada Kana Shaqaysta oo Markii Kowaad Lagu Soo Rogay  Cashuur ka Duwan tii ay Bixin Jireen,Cabashada Shaqeeyeyaasha oo Sheegay in Lacagtu ku badan tahay

Jidaha 23. July 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay canshuuro yaab leh ku soo rogtay dad ajnabiga ah ee ka shaqeysta dalkaas, kuwaasoo heysta sharciga degenaanshaha ama Iqaamada. Laga bilaabo bishan July qof walba oo sacuudiga degganaasho sharci ah Ku jooga boqortooyada waxay ku soo dallaceyaa RS-100 oo u dhiganta $26 dollar oo…

Read More

Mid Ka Mid ah Amiirada Boqortooyada Sucuudiga oo Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Markii uu Sameeyay Ficilo Guracan SAWIRO

Riyadh 23. July 2017 (SDN/QJ):- Booliska Sucuudiga ayaa soo qabtay amiir ka tirsan qoyska Boqortooyada dalkaas, kadib markii uu tacaddi u gaystay tiro dad shacab ah. Boqorka Sacuudiga Salmaan, ayaa amray in in deg-deg loo soo qabto amiir Saud bin Cabddul-Casiis, ka dib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya falka uu ku kacay.  …

Read More

Boqortooyadda Sucuudiga Oo Ka Xanaaqday Gabadh Dhallinyaro Ah Oo Sawirro Muran Badan Dhaliyey Ku Baahisay Baraha Bulshada!!

Riyadh 23. July 2017 (SDN/QJ):- Iyada oo waddanka Sucuudi Carabiya dhaqanka diinta iyo shareecadu aad uga hawl galo xukuumadduna aanay ogolayn in haweenku sawirro qaawan iska qaadaan sidoo kalena ay suuqyada ku maraan dhar gaagaaban ayaa waxa dawladda Sucuudi Carabiya ka cadhaysiisay haweenay dhallinyaro ah oo inta ay sawirro fool xun iska qaaday ku baahisay…

Read More

Haweenay Haatan Da’deedu Marayso 86 Jir oo Looga Taag Waayay Falal Tuugo-nimo oo ay soo Waday Mudo 63 Sano ah & Astaan Lagu Garto!!!

Washington 23. July 2017 (SDN/QJ):- Haweeney 86 sano jir ah oo ku caanbaxday xatooyada waxyaabaha dumarku xidhaan ee sida dahabka oo kale ayaa markale loo maxkamadeeyay xatooyo. Haweenaydan oo lagu magacaabo Doris Payne ayaa sida la sheegay ku hawlanayd xatooyadu tan iyo sanadihii kontomaadkii, waxaana haatan lagu sii daayay dammaanad. Waxaa lugta uga xidhnaa qalab…

Read More

Baarlamaanka Soomaaliya oo diiday Go’aan kasoo baxay Maxkamada sare ee dalka Somalia

Muqdisho 23. July 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ayaa si weyn uga dooday go’aan dhawaan kasoo baxay Maxkamada sare ee dalka oo lagu amray in dib loogu noqdo doorashada 8-dii kursi ee muranka ka taagnaa . Kulanka Baarlamaanka ayaa looga dooday go’aanka kasoo baxay Maxkamada…

Read More