Somaliland oo qaadacday diidmada Soomaaliya ee magacaabista safiirka Israa’iil
HARGEYSA (QJ) – Somaliland ayaa si adag u diiday dhaleecaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Israa’iil, iyadoo difaacday go’aankeeda ah inay safiir u magacowdo Tel Aviv. War-saxaafadeed ay soo saartay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa ku beenisay sheegashada Muqdisho mid aan sal iyo raad lahayn oo taariikh ahaan aan…
