Mucaaridka Soomaaliya oo Shuruudo ku soo rogay Wadahadallada Dowladda ka dib kulankoodii Beesha Caalamka
Nairobi (QJ) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ka kooban maamullada Puntland, Jubbaland, Madasha Wadahadallada Qaranka, Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, iyo siyaasiyiin madax-bannaan, ayaa kulan kula yeeshay Nairobi wakiillo ka socda beesha caalamka. Wakiillada caalamiga ah ee ka soo qayb galay kulanka waxaa ka mid ahaa diblomaasiyiin ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo…
