“Maareynta Tawstii Ka Dhalatay Abaaruhu Waxay Saameeyeen Siyaasaddii Somaliland, Waxaanay Dhalisay In Doorashadii Madaxtooyada…’’ Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland
Hargaysa 02. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa si qotodheer uga war-bixiyay dhibaatooyinka Somaliland ka haysta aqoonsi la’aanta, taasi oo hortaagan in maalgashadeyaasha shisheeye ku soo dhiiradaan dalka. Wasiirku waxa kaloo uu caddeeyay in dib-u-dhigistii doorashada madaxtooyada ee abaartii dalka ka dhacday keentay sannadkan, ay xumaysay mustawihii siyaasadeed…
