Maxaad Kala Socotaa Shimbirka Cimriga Dheer Ee Is Da’ Yareeya?

Hargaysa 15. June 2017 (SDN/QJ):-Shimbirka Gorgorka ayaa la cadeeyay inay da’diisu gaadho 70 sano, laakiin marka uu gaadho 40 sano ayay cidiyihiisu waayaan debecsanaantii waxaana uu awoodi waaya inuu wax ku ugaadhsado, iyagoo ahaa isha keliya ee uu raashinka ku heli jiray.  Afkiisa dhuuban ayaa isna noqda mid af daran oo qaloocsama. Da’dan uu gaadhay…

Read More

Trump oo Mar kale ku Guul-darraystay meel-marinta Go’aanka Dadka Lix Dal oo Muslimiin ah kaga Mamnuucay Maraykanka

Washington 15. June 2017 (SDN/QJ):-Xukuumadda Madaxweyne Donald Trump, ayaa mar kale ku guul-darreysatay dedaallo ay ku dooneysay xayiraad ay kusoo rogto Muwaaddiniinta lix Dal oo Muslimiin ah inay galaan waddanka Mareykanka muddo sagaashan cisho ah oo hore Maxkamadaha waddankaasi uga diideen Madaxweyne Trump oo markii uu xilka la wareegay bishii 1-aad ee sannadkan-ba soo saaray…

Read More

Ma Og Tahay in Xawaaraha Bixista Timuhu ku Xidhan Tahay Qaarada aad ka soo Jeedo iyo Inay Jiraan Habab Dabiici ah oo Kaa Caawinaya Bixistooda

Hargaysa 15. June 2017 (SDN/QJ):-Akhriste, ma’ ogtahay in timaha dadka isir ahaan ka soo jeeda qaaradda Eeshiya ay celcelis ahaan bishii baxaan inta u dhexeysa 1.5 illaa 2 Sentimitir, halka timaha dadka Afrikaanka ahi ay celcelis ahaan bishii baxaan Sentimitir badhkii (0.5), timaha dadka ka soo jeeda gobalka Qawqaas ee dhaca xuduudka qaaradaha Eeshiya iyo…

Read More

‘’Donald Trump ayaa Mas’uul ka ah Cimilada Xumaatay ee Moscow’’ Madaxweynaha Ruushka

Moscow 15. June 2017 (SDN/QJ):-Waxaa muddooyinkii u dambeeyey si joogto ah u soo baxa hadallada ay hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanku ku naqdiyayaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka baxay heshiiskii uu Maraykanku saxeexay xilligii Obama ee xakamaynta wasakhda warshdaha ee kor ugu baxaysa hawada sare. Donlad Trump oo shaaciyey in uu…

Read More

“Waxa Qalbiyada & Ducadeennu la jiraan Xubnaha Congresska..” Trump oo ka hadlay Xildhibaanno la Toogtay

Alexandria 15. June 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Stephen Scalise, ayaa lagu lagu toogtay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, oo dhinaca Koonfureed waxyar ka xigta magaalada Washington DC, sida ay Sheegeen Saraakiisha Booliska gurmadka deg-degga ah oo ay VOA soo xigatay. Xildhibaan Scalise, ayaa laga toogtay Sinta,…

Read More

Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo Xulufada Sucuudiga u soo Jeediyay inay Waajib tahay Sidii Go’doonka looga qaadi Lahaa dalka Qatar

Washington 15. June 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha difaaca ee dalka maraykanaka Mr: Jeemis Maatis, ayaa ku dhawaaqay in ay haboon tahay gadoonka ay galiyeen dawladaha Sacuudigu hormoodka ka yahay dalka Qatar in ay ka qaadaan, isagoo ku baaqay in khilaafaadka ka dhexeeya dawladahaasi ku dhamaystaan wado hadal diblomaasiyadeed. Hase ahaatee, wasiirka arrimaha dibada ee dalka Qatar…

Read More

Dawlada Panama oo Xidhiidhkii Dublamaasiyadeed u Jartay Dalka Taywan

Hargaysa 15. June 2017 (SDN/QJ):-Dawlada Panama ayaa xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay dalka Taywaan, iyadoo xoojisay xidhiidh iskaashi iyo ganacsi oo ay la leedahay xukuumada Shiinaha ee ka dhisan caasimada Bikiin, oo ay ku tilmaantay xukuumada asalka ah ee dadweynaha Shiinaha. Afhayeen u hadlay xukuumada Panama ayaa ku dhawaaqay in Taywaan ka mid tahay gobolada Shiinaha,…

Read More

Soomaali & Ajaaniib la soo Badbaadiyey & Qaraxyo iyo Rasaas Laga Maqlayo Nawaaxiga Pizza House Iyo Xaalad Jahawareer ah oo Taagan

Muqdisho 15. June 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa dad fara badan oo isugu jiray Soomaali iyo ajaaniib ka soo badbaadiyey Maqaayada Pizza House iyo hotelka Posh ee magaalada Muqdisho oo caawa lagu qaaday weerar isugu jiray qarax ismiidaamin ah iyo mid toos ah. Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey…

Read More

Nuxurka Qodobo Muhiim ah oo Saaka Ka Soo Baxay Shirkii Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland SAWIRO

Hargaysa 14. June 2017 (SDN/QJ):- Kulan xasaasi ah oo dhex-maray saddexda Xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyinka, ayaa la isku la jeex jeexay arrimo badan oo muhiim ah kuwaasi oo ay ugu horreeyaan habka iyo hanaanka ay u socoto diyaar garowga doorashada Madaxtooyada Somaliland, halka uu maraayo qaadhaankii doorashada iyo weli ba sida oo kale qaabka…

Read More

Hoggaamiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Cayimaadda Doorashada Ee Madaxweynaha Iyo Xilka Guddoomiyahoodu Ka Hayo Wakiillada

Hargaysa 14. June 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali X Xasan, ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey cayimida maalinta Doorashada, isla markaana sheegay inay Xisbi ahaan diyaar u yihiin, waxaanu sheegay in doorashadu xilligeeda ku qabsoontaa ay ku danta Somaliland ku jirto.   Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan oo Wareysi gaar…

Read More

Kulmiyihii Hore Geesiyaal Gacan Furan Oo Ku Heshiiyey Inay Guuleystaan, Kulmiyaha Maanta Gabno Gacan Gudhan Oo Ku Heshiiyey Inay Guuldaraystaan

Hargaysa 14. June 2017 (SDN/QJ):- Maalmahan Dambe Waxa Bulshada reerSomaliland iyo Dad badan oo Xisbiga Kulmiye taageeraa ay ka hadlayeen Wadada uu Qaaday Xisbiga Kulmiye iyo Xilligan Hogaanka Hagaya iyo Siyaasada ay ku Wajahayaan Sidii Mar Labaad ay Talada dalka iyo Kursiga Madaxweynaha ugu Guulaysan Lahayeen iyadoo Bulshadaa Qaybaheeda kala duwani inta Bdan isu aragti…

Read More

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa oo ku Guuleystay Daminta Guryo Badan oo isku Rarana iyo Faarad ku kala kala gubtay Degmooyinka Koodbuur iyo Gacan libaax ee Hargaysa SAWIRO

Hargaysa 14. June 2017 (SDN/QJ):-Ciidanka Dab-demiska Qaranka Gaar ahaan Ciidanka Dab-demiska Magaalada Hargeysa ayaa subaxnimadii hore ee saaka u baxay Dab weyn oo kacay degmada Ibraahim Koodbuur gaar ahaan isgoyska xero awr, dabkaas oo noociisu ahaa Meherad Faarada ah ayaa isla markii ciidanka dabdemiska lagu soo wargeliyay dabkaas si deg dega ugu baxay waxaanay daqiiqado…

Read More

Doodo Ka Taagan Qaabkay Iskula Jaan Qadi Karaan Xubnaha Guddida Culimadu, Jameecooyinka Ay Ku Kala Abtirsadaan Iyo Qodobo Dastuurka Ka Hor Imanaya Oo Ka Muuqda Digreetada M/Siilaanyo Ee Magacaabista Guddidani

Hargaysa 14. June 2017 (SDN/QJ):- Kadib Markii Madaxweyne Siilaanyo Jimcihii aan soo dhaafnay ee Toddobaadkan ku dhawaaqay kuna dhiirraday in uu sameeyo Guddida heer Qaran ee Culimada Somaliland oo ah Guddi Distoori ah oo muddo badan Madaxweynayaashii kala dambeeyey ku dhici waayeen in ay sameeyaan ayaa markii ay soo baxday magacaabista uu Madaxweyne Siilaanyo guddidaasi…

Read More

Faah faahin : 10 ruux oo ku Dhimatay Weerar Lagu qaaday Caawa Maqaayad Ku taala Magaalada Muqdisho

Muqdisho 14. June 2017 (SDN/QJ):- Dabley ayaa weerartay caawa  Pizza House oo ah maqaayad siweyn ugu dhaw Hotelka lagu magacaabo Posh oo ku yaala agagaarka is-goyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. 10 ruux ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen weerarka oo sidoo kale saameyn ku yeeshay hotelka Posh Treats oo siweyn ugu dhaw Pizza…

Read More

Garaadka Guud Ee Beelaha Dhulbahante Oo Taageray Daawadii Lagu Dabiibay Dirirtii Koonfurta Sool Lingaxana U Adkeeyey Wadahadalka Somaliland Iyo Khaatumo

Buuhoodle 14. June 2017 (SDN/QJ):- Garaadka guud ee beelaha dhulbahante garaad jaamac garaad cali ayaa taageeray go,aankii nabadeynta ahaa ee lagu soo gaba-gabeeyey deegaanka dharkayn-geenyo kuwaas oo la xidhiidhay labadii beelood ee dirirtu ku dhex martay koonfurta gobolka sool. Sidoo kale waxuu garaad jaamac garaad cali ka hadlay madaxda khaatumo ee hargeysa ku sugan garaadka…

Read More

Wasaaradii Gabtay Dhalinyarada Somaliland Oo Ka Hadashay Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Magafe Ku Haysto Saxaraha Wadanka Liibiya

Hargaysa 14. June 2017 (SDN/QJ):- Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Ayaa Ka Hadasha Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Mudooyinkii U Danbeyey U Tahriibayey Ee Lagu Haysto Saxaraha Wadanka Libiiya Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland. “Fariinta Aan Maanta Diiraynaa Waa Fariin Cad Oo Dadka Caqliga Leh Garanayaan Dalkaaga Isga Oo Aan Dhibaato Ku Qabin…

Read More