Ingiriiska Oo Ballanqaaday Inay Saami Caddaalad Ah Somaliland Ka Heli Doonto Gargaarka Ay Ku Bixiyeen Gurmadka Abaaraha
London 23. April 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Ingiriiska, ayaa ballanqaaday inay xaqiijin doonto sidii jamhuuriyadda Somaliland uga heli lahayd saamigeeda taakulaynta abaaraha ay bixiyeen. Ms. Cordela Nelson, oo ah Sarkaal xidhiidhka bulshada u qaabilsan Waaxda Horumarinta Caalamiga, ayaa weriye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan Dawan, weydiiyay inay caddeeyaan saamiga Somaliland ka helayso gagaarkaas, waxaanay sheegtay inay…
