Xoghayaha Warfaafinta WADDANI Oo Hambalyeeyay Dawladda Cusub Ee Soomaaliya, Eedaymana U Jeediyey Xukuumadda Somaliland
Hargaysa 23. March 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaradka ha ee WADDANI ee Somaliland Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa Hambalyo u diray Xukuumadda cusub ee uu doraad Golaheeda Wasiirrada Magacaabay Raysal-wasaaraha Dalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Raysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa Munaasibaddii uu kaga dhawaaqay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya wuxuu ka sheegay in Masuul kasta oo Xil…
