Madaxweyne Siilaanyo oo Amar Ku Bixiyey in La Joojiyo Hawlgelinta Shaqaalaha Cusub iyo Ciidamada Ku Jira Sannad Miisaaniyadeedka 2017
Hargaysa 31. January 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa amray in la hakiyo in si rasmi ah loo hawlgeliyo shaqaalaha dawladda iyo ciidamada dalka ee ku jira miisaaniyadda sannadka 2017. Qoraalka ayaa ku taariikhaysnaa January 24, 2017. Qoraalkan Madaxweyne Siilaanyo oo lagu socodsiiyay wasaaradaha maaliyadda, arrimaha gudaha, madaxtooyada, ganacsiga, xeer ilaaliyaha guud,…
