Shirka Madasha Wada Tashiga Somalia oo lagu magacaabay Guddiga Abaaraha heer Qaran oo Somaliland Xubin ka Tahay
Muqdisho 21. December 2016 (SDN/QJ):- Hogaamiyaasha ka qeybgalaysa Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ee ka socda Muqdishu, ayaa magacaabay Gudi loogu magac-daray “Gudiga Qaranka ee Gurmadka Gargaarka Abaaraha”, kaasoo ka kooban Sagaal xubnood oo matalaya DFS iyo maamul goboleedyada. Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxa’ed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa Shir jaraa’id oo ka dhacay Muqdishu ka shaaciyay Guddigan…
