‘’Xisbiga Waddani Kow Dheh Sheekada Masas baad Kiish ku Sidataaye’’ Faallo Suxufi C.laahi Aadan Cumar Wayab
Hargaysa 26.October 2016 (SDN/QJ):-Waxa indhawaallaba dal iyo dibadba si ballaadhan loogu falanqeynayey fagaarayaasha siyaasadda xubno kooban oo ku soo biiray Xisbiga Waddani oo uu hoggaaminayey Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo horena gadh-wadeen uga ahaa kooxdii Wasiirrada ahaa ee isku saacadda iskood uga wada dareeray Xukuumaddii ay haaneedka u hayeen. Tallaabada labaad ee xubnahani ay u…
