SONSAF Iyo SSE” Waxay Xukuumadda Somaliland iyo Guddida Doorashooyinka Ugu Baaqaysaa inay Kordhiyaan La Wadaagida Macluumaadka Doorashooyinka”
Hargaysa 25.October 2016 (SDN/QJ):-Dallada Jilayaasha aan dawliga aheyn ee (SONSAF) iyo Dallada Ururuda bulshada Somaliland ee Qaaradda Yurub (SSE), waxa ay yeesheen kulamo socdey September ilaa badhtamihii bishan Octoober ee Sannadkan. Kulannadaasi oo si weyn lagu gorfeynaayey arrimaha doorashooyinka sida wakhtiga inoo hadhay looga faa’iideyn lahaa, doorasho xor iyo xalaal ahina ay u dhici lahayd…
