‘’Muuse Biixoow Suurto Gal ma aha inaad Beesha Habar Jeclo Cod ka doonto, Waayo Ninkii Halgamaaga ahaa ee Sheekh Bashiir ayaa Lagu Bedelay Nin aan Islaam ahayn” DAAWO
Hargaysa 13.Sep 2016 (SDN/QJ):-Qoyskii uu ka tegay alle ha u naxariistee halgamaagii weynaa ee caanka ka ahaa dhulka Somaalida Sheekh Bashiir, ayaa nasiib daro iyo wax lagu xumaado ku tilmaamey in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi uu ku hawlan yahey iibinta Iskuulkii dawladdii Militariga aheyd ee Maxamed Siyaad Bare ugu bagac-dartay Xuukamadda Axmed Siilaanyo…
