Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Itoobiya oo dhaleecayn Xoogan u soo Jeediyey Qoomiyadaha Amxaarada Iyo Oromada ee Qalalaasaha wada DAAAWO

Jig Jiga 11.Aug 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Kililka shanaad Cabdi Maxamed ayaa si ba’an u weeraray Kooxaha Amxaarada iyo Oromada ee itoobiya shidaya ..waa siduu hadalka u dhigaye.. Itoobiya ayaa hirdan adagi ka socdaa kaas oo u dhexeeya  dawlada iyo mucaaridka u badan Amxaarada iyo Oromada oo ah labada dalka Itoobiya u badan.

Read More

Sawir Indhaha Soo Jiitay Oo Xildhibaan Kijaandhe Ku Muujiyey Aqlabiyadii Uu Golihiisu Ku Ansixiyey Heshiiska Dp World

Hargaysa 11.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ku jiray mudaneyaashii ka tanaasulay in ay dorraad ka qayb qaataan dooddii ansixinta isu bedeshay ee goluhu ku meel mariyey   Maalgelinta Dekedda Berbera ee Xukuumaddu la gashay Shirkadda Carbeed ee DP World ayaa intii lagu gudo…

Read More

Madaxweyne Xasan Sheekh Ma baneen Doonaa Xafiiska marka la gaaro 10 September ?

Muqdisha 11.Aug 2016 (SDN/QJ):- Waxaa meesha ka baxay qodob kamid ah Dastuurka oo dhigayay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kursiga Baneenayo marka la gaaro 10- bisha September oo ku eg xiliga rasmiga ah ee loogu tala galay in aqalka Madaxtooyada sii joogo. Qodobka 91aad ee Dastuurka KMG ee dalka ayaa dhigaya in marka…

Read More

Itoobiya oo Dhabahii Bur Burka Cagta Saartey,Xudunta Khilaafka iyo Xoogaysiga Kacdoonada Lagaga Soo Horjeedo Dawlada Itoobiya  Faalo

Addis ababa 11.Aug 2016 (SDN/QJ):- Marka hore hadii aynu dib u jaleecno taariikhdu markay aheyd sanadkii 1991-kii, ayay aheyd markii Jabhaddii xoreynta dadka Tigray-ga oo 16 sano halgan hubeysan kula jirtay Taliskii Dhargida ee Madaxweyne Mingistu Xayle Maryam ay kala wareegtay xukunka dalka. Jabhaddii Tigray-ga (Tigray People Liberation Front-TPLF) oo 7-dii nin ee aas-aastay ay…

Read More

Madax-dhaqameedka Gobolka Saaxil Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Shir Siyaasiyiin Mucaarid Ahi Abaabulayaan

Hargaysa 11.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xubno isugu jiray  salaadiinta,  cuqaasha,  waxgaradka iyo odayaasha  beesha gobolka Saaxil   ayaa  si cad u qaadacay isla markaana  iftiimiyay  sida ay  uga  soo hor jeestay  shirka beryahanba aadka  loo hadal hayay ee  la sheegay in beeshaasi ay ku  qabsanayso degaanka Baxarasaafka  oo ka tirsan degmadda Laalays.   Waxaanay sheegeen cuqaasha iyo…

Read More

Gabadh Soomaaliyeed oo ku Guulaysatay Kursiga Baarlamanka Degmo ka Mid ah Minnesota

Minnesota 10.Aug 2016 (SDN/QJ):- lhaan Cumar oo ah gabar Somaliyeed ayaa si hordhac ah loogu sii caleema saaray in ay noqoto xildhibaanka Barlamaanka Minissota u matali doona degmada 60-B ka dib tartan adag oo ay la-gashay mushariixiin kala duwan. Gabadhan ayaa ka guulayasatay haweeynayda mudada dheer kursigan ku soo fadhiday ee Phyllis Kahn iyo waliba…

Read More

Ciidamada Danab ee Kamaandowsta Somalia oo Gacanta ku Dhigay Shan Nin oo Ka Tirsan Ururka Alshabaab DHAGAYSO

Mudug10.Aug 2016 (SDN/QJ):-Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Kumandosta ee dowladda Somalia ay soo qabteen shan ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabab oo uu ku jiro nin ajnabi ah. Warkan ayaa wakaaladda wararka Somalia ee SONNA ay ka soo xigatay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Somalia, Cali Baashi Maxamed Cumar. Ninka ajnabiga ah ee…

Read More

Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland oo qaadacay Qodobadii Shirkii & Tawaawacooda Muqdisho DAAWO

Muqdisho 10.Aug 2016 (SDN/QJ):-Wasiirada,Xildhibaanada iyo Odayaasha ka soo jeeda Somaliland oo Galabta ku shiray Magaalada Muqdisho ayaa qaadacay Qodobadii ka soo baxay Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran. Kulanka ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Ee Dalka Soomaaliya oo hadda Somaliland ay Maamusho. Xildhibaanada Kulanka ka hadlay ayaa…

Read More

Magacyada Xildhibaanadii Shalay Ka Maqnaa Madashii Golaha Wakiiladda ee Ansixinta Heshiiskii DPW

Hargaysa 10.Aug 2016 (SDN/QJ):-Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay Cod Gacan-taag ah ku meel-mariyey in Xukuumadda Somaliland sii waddo Dhamaystirka Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ee u dhexeeya Shirkadda Carbeed ee DP World. Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa Hal Maalin ka dooday Heshiiska is-faham ee Xukuumaddu la gashay Shirkadda DP World, kaasi Xukuumaddu u gudbisay Saddex Maalmood…

Read More

“Ma Jiro Warkaasi, Kulankaana Ajandihiisu Wuxuu Ahaa  Diiwaangelinta Gob. Sool, Madaxweynuhuna Ma Joogin” Gudoomiye C.raxmaan Cirro

Hargaysa 10.Aug 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) ayaa beeniyay war ku soo baxay wargeyska Himilo cadadkiisii Isniintii doraad, kaasoo uu ku sheegay wargeysku in shir ay yeesheen sadexda Gudoomiye ee xisbiyadda iyo Madaxweynuhu lagaga hadlay saamiga qaybsiga oo go’aan ka gaadhistiisa ay xisbiyaddu dib ugu celiyeen Madaxweynaha, isla…

Read More

Wasiirka Warfaafinta iyo Qorshaynta Qaranka Somaliland oo Amaan Xoogan Ku Majeertay Markii Wakiiladu ansixiyeen Heshiiska DPW DAAWO

Hargaysa 10.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiiradda Warfaafinta Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid “Caddaani” oo uu Weheliyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Salaan Jirde “Cali Shoonbe” ayaa ku Hambalyeeyay Golaha Wakiiladda Ansixinta Heshiiskii ay Xukuumaddu la Gashay Shirkada Dubai World Port.

Read More

“Dekedda Berbera Ama Ta Boosaaso Ama Ta Kismaanyo Cid Kasta Oo Tidhaahda… Aad Baanu U Soo Dhawaynaynaa In La Maalgashado” Wasiirka Dekedaha Federaalka Soomaaliya DAAWO

Muqdisho 10.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Faaarax Xirsi, ayaa ka warramay qorshaha Wasaarad ahaan uga meel-yaalla horumarinta Dekedaha, Maalgelinta iyo Maamulidda Soomaaliya iyo Maamullada hoos-taga Federaalka iyo weliba Wareejinta Dekedda Berbera oo ay Xukuumadda Somaliland heshiis kula gashay Shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta. Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Nuur…

Read More

Wasiirka Warfaafinta Somaliland iyo Afhayeenka Madaxtooyada oo Isku Faro Saaray Cida ku Hadli karta Afka Madaxweynaha

Hargaysa 10.Aug 2016 (SDN/QJ):- Dagaal Gacan Ka hadal Ah ayaa Shalay Galab Qasriga Madaxtooyada ku dhex maray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane Cismaan Saxardiid Caddaani iyo Afhayeenka Madaxtooyada C.raxmaan Sheekh Cilmi Faahiye Shamax . Dagaalkan ayaa yimi kadib markii wasiirka warfaafinta oo warbaahinta la hadlayay ku daray khudbadiisa in isagoo ku hadlaya afka  madaxweynaha…

Read More