Dooddii Madaxweyne Cabdi Cumar, Dabuubtii Wasiir Warancadde, Duurxulkii Isgarabsiga Dhacdada, Dalabkii Weftiga Iyo Sii Dayntii Weriyaha DAAWO

JigJiga 17.July 2016 (SDN/QJ):- Wefti wasiiro iyo xubno kaleba lahaa oo xukuumadda ka socday oo wadahadal u tegay xarunta ismaamulka soomaalida Itoobiya ee Jigjigga ayaa shalay ku soo laabtay dalka kadib markay soo dhamaysteen qasdigii ay halkaa u tageen, isla markaana waxa weftigaa soo laabashadoodii wehelinayay weriye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka shaqeeya HCTV oo…

Read More

“Suuro-gal Noqon Mayso In qofka Been Abuur Saxaafadda Mariyey Uu Shaqo U Sii Qabto Qaranka’’ Wasiir Xigeenka Wasaarada Waxbarashad Somaliland DAAWO

Hargaysa 17.July 2016 (SDN/QJ):- Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa ka hadlay warar sheegaya in wasaaraddoodu ay gunnadii ka jartay qaar kamid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dawliga ah ee dalka, kuwaas oo eedo u soo jeediyey wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare. Wasiir ku xigeenka…

Read More

Gudiga Anshaxa Doorashooyinka Oo Digniin U Diray Xisbiyadda Siyaasada

Ceerigaabo 17.July 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee guddi anshaxa doorashooyinka Somaliland Maxamuud Cabdilaahi Cabdi (Gaagaab), ayaa digniin u diray saddexda xisbi ee Waddani, Kulmiye iyo Ucid, islamarkaanna wuxuu sheegay in xisbiggii lagu arko calaamadaha iyo wax muujinaya astaanta xisbiga laga qaadi doonno talaabo cad xilliga diiwaangelinta. Xoghayuhu wuxuu sidaa ka sheegay shirjaraaid oo ku qabtay…

Read More

“Waxaynu U Baahanahay Xukuumad Dadku Ku Noollaado Ee Aanay Madaxduun Ku Noollaan” Suldaan Daakir iyo suldaan Nadiif

Ceerigaabo 17.July 2016 (SDN/QJ):- Suldaan Daakir iyo suldaan Nadiif S. Jibriil, ayaa siyaabo iska soo horjeedda uga hadlay xaallada, isla markaana wuxuu mid ka mid ahi ku baaqay in la taageero xisbiga Waddani, halka kalena ka jawaabay ee ka taageeray Kulmiye. Suldaan Daakir khudbad uu ka jeediyey goob ay isugu yimaadeen taageerayaal ka tirsan xisbiga…

Read More

Maamulka Gobolka Selal  Oo Ka Hadlay Dad Loo Xidhay Qudbiga Sheekh Ibraahim Saylici Oo La Qotay

Saylac 17.July 2016 (SDN/QJ):- Qudbiga   iyo xabaasha Alle ha u naxariistee Sheekh Ibraahim Saylici oo ku yaalla magaalada Saylac oo  ka mid ahaa aasaasayaashii  iyo culimadii waawaynayd ee magaalada Saylac,ayay booliska degmada Saylac ee gobolka Selal gacanta ku dhigeen nin qotay xabaalaha  qadiimiga ah ee qudbiga oo ay ku jirto xabaasha Sheekh Ibraahim Saylici. Guddoomiyaha…

Read More

Shil Baabuur Oo Sababay Dhimasho Oo Ka Dhacay Galbeedka Hargeysa

Hargaysa 17.July 2016 (SDN/QJ):- Alle   u naxariistee hal qof ayaa ku geeriyooday, saddex kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo kala duwan ka dib markii ay isku dhaceen laba  gaadhi oo kala ahaa Noha iyo Tax (Tukhaan) galbeedka caasimadda Hargeysa agagaarka Muqaaxida Inanta meesha loo yaqaan Oromada.   Shilkan  labada gaadhi oo dhacay shalay galab ayaa…

Read More

“Diyaaradan Flydubai Hadaanay U Hogaansamaynin Amaraddeena, Waa Inaynu Joojinaa” Afhayeenka Kulmiye ee Uk

Hargaysa 17.July 2016 (SDN/QJ):- Xeer dhawaan ay soo saartay xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha dhanka socdaalka ayaa la sheegay inuu caqabad ku noqday dad badan oo ka mid ah dadka isir ahaan ka soo jeedda Somaliland ee ku dhaqan dalalka galbeedka haystana dhalashooyinka dalalkaa iyo caruurtooda, ee xilliga xaggaaga yimaada Somaliland, Isla markaana siday faafisay…

Read More

Wiil 17 Jir ah oo Guursaday Islaan da’deedu tahay 71 Jir & Xiisaha ku duugan Kulankoodii 1aad SAWIRO

Washington 17.July 2016 (SDN/QJ):-Dalka Maraykanka waxaa ka dhacday dhacdo la yaab leh kadib markii haweenay jirta 71 sano ay guursatay wiil da’diisu tahay 17 sano. Kaaga sii darane  duqdan iyo wiilka ayaa ku kulmay mar la aasayay wiil ay dhashay haweenaydan oo cudurka sonkorta u geeriyooday. Haweenaydan 71, jirka  waxa lagu magacaabaa Almeda Errel oo…

Read More

Gabadh aad u Yar oo Shalay ka Yaabisay Madaxweynaha Turkiga ee Ciidamadu rabeen inay inqilaabaan

Istanbul 17.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne Erdogan oo Shalay dhex maraya Istanbuul ayaa arkay gabadh yar oo ka mid ah dadkii mudaharaadayey, si deg deg ah ayuu u amray in gaadhiga la joojiyo. Gabadhii ayuu weydiiyey sababta ay Iskuulkii u aadi weyday oo u soo banaanbaxday. “Qaranimadayadii ayaa la soo weeraray” Ayey ugu jawaabtay. Wuxuu ka…

Read More

Degmada Sheekh: Laba Ruux ayaa Dhintay Laba Kalena Waxaa soo Gaadhay Dhaawac kadib Markii Nin Maskaxda ka Xannuunsanayaa uu Waran Soofaysan la dhacay

Sheekh 16.July 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Caawa Degmada Sheekh ee Xarunta Gobolka Saaxil ka dhacay Shil Sababay Dhimashada Laba ruux iyo Dhaawaca Laba Qof oo Kale. Shilkan ayaa Wuxuu ka dhacay Goob Maqaaxi ah oo Ku taala Badhtamaha Magaalada Sheekh Sida uu Shabakada Qurbejoog u Xaqiijiyey Mid ka Mid ah Goob Joogayaashii ku Sugnaa Goobtaasi Waxaa…

Read More

Xaalada Waddanka Turkiga,Askar iyo Saraakiishoodii oo la Xidhay,Askar Giriiga iska Dhiibay,Garyaqaano Xabsiga loo Taxaabay Iyo Warbaahintii Dawlada oo hawada ku soo Noqotay

Ankara 16.July 2016 (SDN/QJ):- Ilaa 2,839 askari oo Turki ah oo ay ka mid yihiin saraakiil sare oo ayaa loo xidhay isku daygii afgambiga oo hadda dhamaaday sida uu sheegay Rai’sal wasaaraha dalkaas Bin Cali Yildirim. Wuxuu sheegay in ay dhinteen 161 ruux 1,440 ay ku dhaawacantay habeen uu ku tilmaamay bar madaw oo fuushay…

Read More

Gobolka Sanaag oo Maanta si rasmi ah ay uga Bilaabantay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Iyo Kormeerkii Madaxda Qaranka DAAWO

Ceerigaabo 16.July 2016 (SDN/QJ):- Waxa guud ahaan maanta Gobolka Sanaag iyo Degmooyinkiisa ka bilaabmay Hawlgalka qaran ee qaadashada kaadhka diiwaangalinta codbixiyaasha Waxaana Soo Kormeeray Weftiyo ay kala Hogaaminayaan Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland,Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Hogaanka Sare ee Gudida Doorashooyinka Qaranka. https://www.youtube.com/watch?v=hrxk-ralzUI

Read More

Xukuumada Dalka Somalia oo Eriday Hay’ada Turki ah oo lala Xidhiidhiyay inay Qayb ka tahay Inqilaabkii dalkaas ka dhacay

Muqdisho 16.July 2016 (SDN/QJ):- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta iskugu yimid shir aan caadi ahayn ayaa si xoogleh loogu canbaareyey Afganbigii dhicisoobay ee dalka Turkiga. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dawladdu amartay in la joojiyo adeegyo ay bixin jireen hay’ado lala xiriirinayo, nin ay dawladda Turkigu ku eedaysay inuu ka dambeeyey…

Read More