Booliska Kenya oo toogasho ku dilay 2 dhallinyaro Soomaali ah oo Ku noolaa Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi

Nairobi 14.July 2016 (SDN/QJ):- Xaafadda Islii ee magalada Nairobi waxaa xalay toogasho lagu dilay laba dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay kamid ahaayeen kooxo burcad ah oo lagu magacaabo Super Power oo ka hawl gala xaafaddaasi.   Ciidanka Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in labadaasi dhallinyarada ah ay in badan ku raad joogeen ayna ahaayeen …

Read More

Arday Muslim ah oo diiday inuu Gacanta ku salaamo Macallimaddiisa oo mudaaharaad iyo cadho ka dhalatay

Hamburg 14.July 2016 (SDN/QJ):- Macallimiin wax ka dhiga iskuul ku yaalla Jarmalka ayaa muddaaharaad dhigay kadib markii arday Muslim ah uu diiday inuu gacanta ku salaamo haweenay macallimad ah.   Carada macallimiinta ayaa timid xilli ay dhacaysay xaflad qalin jabin ah oo wiilkaasi ardayga ah ka qayb galay. Macallimiinta ayaa arintaasi sharaf dil u arkay,…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Dhanbaal Hambalyo ah u diray Raysal Wasaaraha Cusub ee Ingiriiska Theresa May

Hargaysa 13.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane.  Axmed Maxamed  Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, wuxu dhambaal hambalyo iyo boogaadin ah u dirayaa Ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Britain Theresa May oo maantoo Arbaco ah 13.07.2016 la wareegtay xilka hogaamiye-nimo ee dalkaas. Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisa ku yidhi”Anigoo ku hadlaya…

Read More

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Goob Fagaare Ah Kala Hadlay Boqolaal Ka Mid Ah Shacabka Magaalada Ceerigaabo+SAWIRO

Ceerigaabo 13.July 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal ku joogay gobalka Sanaag, ayaa khudbad  dhincyo badan taabanaysa u jeediyey boqolaal ka mid ah xoogaga taageerayaasha isbedel doonka ah ee xisbigaasi ee magaalada Ceerigaabo . Khudbaddan…

Read More

Dhageysiga Dacwadda Sheekh Aadan-Sunne Oo Maanta Ka Bilaabmatay Maxkmadda Hargeysa

Hargeysa,13,7,2016 (QJ/SDN) – Maxakamada gobolka Maroodi-Jeex ee Hargeysa ayaa saaka si toosa u bilowday dhageysiga dacwada Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame [Aadan-Sune], oo ka mida culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa. Dacwada Sheekh Aadan Sunne ayaa imaanaysa xilli uu bilihii ugu danbeeyay ku xidhnaa xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa. Waxaana sheekha soo xidhay oo u soo dhaadhiciyay…

Read More

“Mustaqbalka waxaan ka werwersanahay in Isbadal Run ah oo Umadan Badbaadin karaa Soo Socdo,Anigu Mujaahid ma ihi” Cali Guray DAAWO

Hargaysa 13.July 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Maxamed Yuusuf ayaa Walaac ka Muujiyay Sidii Shacabka Somaliland u heli lahaayeen Isbedel Cusub oo dalka badbaadin kara,Waxaa kale oo uu qaybaha Warbaahinta ka dalbaday inay ka daayaan inay ugu yeedhaan Mujaahid.

Read More

Madaxtooyada Oo Ka Jawaabtay In Muddo Kordhin Loo Samaynayo Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa,13,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxtooyada Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey wararka sheegaya in Madaxtooyadu waddo muddo kordhin dambe oo loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici. Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax) oo Wargeyska Geeska Afrika arintan ka wareystay ayaa sheegay inaanu jirin qorshe ay madaxtooyadu ku doonayso in muddo kordhin labaad…

Read More

Kenya Oo Xidhay 368 Wershadaha Biyaha Sifeeya Ah Iyo Su’aalaha La Iska Weydiinayo Kuwa Somaliland

Nairobi,13,7,2016 (QJ/SDN) – Dawladda Kenya ayaa xidhay in ka badan 368 wershadood oo ah wershadaha safeeya biyaha caagadaha ku jira ee dalkaas laga isticmaalo, ka dib markii ay buuxin waayeen shuruudaha laga rabo tayada biyaha dhammaystiran. Hay’adda dawladda Kenya u qaabilsan tayada ayaa xidhay wershadahan ka dib markii baadhitaan lagu sameeyay tayada biyaha ay soo…

Read More

Maxaad Ka Taqaanaa Ra’isalwasaaraha Cusub Ee Ingiriiska?

Lodon,13,7,2016 (QJ/SDN) – Dalka Ingiriiska  ayaa guda galay maalmo kale oo si lama filaan ah ay siyaasaddu isu badashay kadib markii isniintii ay loolanka xisbiga conservative-ka ee talada haya ay ka hadhay  Andrea Leadsom, wasiirka tamarta Britain. Arrintan ayaa horseeday in Theresa May oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ay ku guulaysato qabashada xilka Ra’iisul Wasaaranimo…

Read More

JOHN DRYSDALE: Askari Ku Muslimay Dalkii Loo Keenay Gumeysiga

John Drysdale waxa uu ka mid ahaa ciidamadii Ingiriiska ee Somaliland  la  keenay sannadkii 1943-kii laba sano ka  hor  dhammaadkii dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaana ujeeddadii Ciidankaasi ahayd in  Maxmiyaddii  Somaliland ay ka difaacaan Ciidammadii Talyaaniga ee Koonfurta Soomaaliya ku sugnaa isla-markaana duulaanka ku qabsaday  dhul badan  oo Geeska Afrika  ku yaalla, kuwaas oo ay…

Read More

“Doorashadii waa in la galaa, Madaxwaynahana markii iigu Dambaysay wuxuu Yidhi Mudo Kordhin….” Gudoomiye Saleebaan DAAWO

Hargaysa 13.July 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay Mudo kordhin kale oo la sheegay in loo wado Xukuummada madaxwayne Siilaanyo. Guddoomiyaha Guurtidu, waxaa uu sheegay in aannu jirin codsi uga yimid Madaxwaynaha oo ku saabsan in xilka loo kordhiyo “Madaxwaynaha kama hayo hala ii kordhiyo, warbaahinta ayaa waxaasi walaaqaysa,…

Read More

Qasriga Madaxtooyada Oo La Sheegay In Ay Dabada Ka Riixayso Qorshe Muddo Kordhin Ah Iyo Hoggaanka Xisbigeeda Kulmiye Oo Daymo Cadho Leh Ku Eegaya

Hargaysa 13.July 2016 (SDN/QJ):- Iyada oo Muddoba la hadal hayay Muddo Kordhin Xukuumaddu doonayso in ay ku sii joogto qasriga Madaxtooyada Somaliland kadib dib u dhac la sheegay in laga filan karo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada ayay soo baxayaan xogo hoose oo tibaaxaya in Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo Madaxtooyadu aanay isku aragti ka ahayn…

Read More

Dhegaysiga Dacwada ka dhanka ah Wargayska Ogaal oo Waji kale Yeelatay Iyo Nuxurka Eeddo Cusub Oo Lagu kordhiyay Dacwad Madaxtooyadu Ku Oogtay Ogaal

Hargaysa 13.July 2016 (SDN/QJ):-Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa bedelay eeddaynta dacwad Madaxtooyadu ku oogtay wargeyska Ogaal, isla markaana waxay soo saartay eeddayn cusub oo xambaarsan eedihii hore iyo qaar cusub oo ay ku soo kordhiyeen, taasoo dhegaysigeedda mar kale la muddeeyay 12 july oo shalay ku beegnayd. Eedda cusub ee Xeer Ilaalintu soo gudbisayna waxay u…

Read More

Sidee ayuu u dhacay Aaskii Garaad Abshir Saalax Maxamed Iyo Khudbadihii lagu sagootiyay ?DAAWO

Buuhoodle 13.July 2016 (SDN/QJ):- Allah ha u naxariistee waxa waxaa doraad Galab Tuulada ballicad ee Degmada Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle lagu aasay Marxuum Garaad Abshir saalax Maxamed oo ka mid ahaa Madax dhaqameedka Somaliland, dhowaana ku geeriyooday dalka dibadiisa. Aaska Marxuunka Waxaa ka qayb galay Hogaan dhaqameed kala duwan oo ka yimid deegaanada Somalidu degto,Siyaasiyinta…

Read More

“Hiigsigayagu Waxa Weeye In Dekedda Berbera Noqoto Xarun   Caalami Ah Oo U Adeegta Geeska Africa.”

Dubai 13.July 2016 (SDN/QJ):- Wargeyska Warsugan ayaa xogo dheeraad ka halay shirkadda DP World  ee dhawaan nasiibka u heshay inay dib u balaadhin ku samayso Dekeda Berbera iyo jidka dheer ee isku xidha Itoobiya iyo Somaliland. Xogaha ayaa daaha ka rogay dhaqaalaha guud ee ku bixi doona dib u habaynta iyo casriyeynta marsadda Berbera.  …

Read More

Hees Loo Sameeyey Gabadh Uu M/Siilaanyo Dhalay Oo Ka Mid Noqotay Heesihii Ugu Daawasho Badnaa Maalmaha Ciidda DAAWO

Hargaysa 13.July 2016 (SDN/QJ):-Hees Cusub oo uu daawaha ka soo qaaday Fannaanka Caanka ah ee Maxamed Siciid Cabdi oo loo yaqaano BK ayaa waxa ay noqotay mid ka mid ah heesaha cusub ee Telefishanada Ka Baxay Maalmihii Ciidda iyada oo Heestani Nooqtay Mid ka mid ah Heesaha loogu daawasho badan yahay, heestaasi oo si weyn…

Read More

Jaaliyadda Canada Ee Ka Soo Jeeda Killilka Shanaad Ee Itoobiya Oo  Mudaharaad Lagu Diidan Yahay Cabdi Iley Ka Hor Dhigay Saafaradda Itoobiya Ee Ottawa

Ottawa/Canada 13.July 2016 (SDN/QJ):- Dadweyne reer Somaliland oo ku nool wadanka Canada gaar ahaana magaaladda Ottawa ayaa mudahaarad ka hor dhigay safaaradda Itoobiya ay ku leedahay wadanka Canada iyga oo sida fiinta ugu qayliyey maamulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.   Dadweynaha mudaharaadka ka dhigay safaaradda Itoobiya ee Ottawa ayaa isugu jiray rag iyo haween ka dhiidhiyey…

Read More

Weftigii Gudoomiye C.raxmaan Cirro Muxuu kala Kulmay Deegaanada Gobolka Sanaag? DAAWO

Ceerigaabo 13.July 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo ku guda Jira Safarkiisii Samawade ayaa diiran loogu soo dhaweeyay Gobolka Sanaa goo 16 Bishan ay ka bilaabmayso Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu. https://www.youtube.com/watch?v=X0VCl8ChX_A

Read More

Taariikh Kooban: Marxuum Cabaas Idiris(John Drysdale) oo Shalay Aas Qaran loogu Sameeyay Magaalada Hargeysa DHAGAYSO

Hargaysa 13.July 2016 (SDN/QJ):- Allaha u naxariistee waxaa Shalay Xabaalaha masallaha ee magaalada Hargeysa lagu Aasay  Cabaas Idiris oo markii hore la odhan jiray John Drysdale.   Marxuumka waxaa aaskiisa ka qaybgalay madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, wasiiro ka tirsan xukuumadiisa, xildhibaano ka socda baarlamaanka Somaliland, danjirrayaal iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool…

Read More