Madaxweynaha Jubbaland oo Magacaabay Guddi doorasho oo Heer Maamul Goboleed ah

Kismaayo,11,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe) ayaa magacaabay Guddiga doorashada Jubbaland, kuwaasoo Maamuli doona Doorashada Xubnaha labada Aqal Baarlamaan ee Soomaaliya oo ka dhici doonta magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose. Axmed Madoobe, wareegtada magacaabidda ku sheegay in xubnahaan uu magacaabay, kaddib markii uu wada-tashiyo la yeeshay ku-xigeennadiisa iyo odayaasha dhaqanka…

Read More

Weerar Xalay Lagu Qaaday Laanta Buuro

Muqdisho,11,7,2016 (QJ/SDN) – Weerar ayaa xalay ay xarakada Al-Shabaab ku mirtay xarunta ciidamada ee Laanta Buuro. Wararka ina soo gaaraya ayaa xaqiijinaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah intaba jiraan. Saldhigaas Laanta Buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose oo fariisin u ahaa ciidamada dawlada ayaa waxaa wararku sheegayaan in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay qabsadeen inkastoo xaqiijin aan…

Read More

“Mucaarid Iyo Muxaafid-ba Halaga Wada Shaqeeyo Wixii Qaranka Dan U Ah”Xaaji Cabdi-waraabe

Hargeysa,11,7,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe),ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, waxaanu ku taliyey in wax walba laga horeeysiiyo qaranimada oo danta qaranka loo midoobo, wixii khilaaf ah ee qaranka dhib ku ahna la iska daayo. Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Dhanbaal Tacsi ah u Diray Mas’uul ka Tirsanaa Boqortooyadii Ingiriiska ee Mustacmarada u ahayd Marxuun John Drysdal oo Hargaysa ku Geeriyooday & Waraysi Taariikhi ah oo uu Bixiyey Markii uu Islaamay

Hargaysa 11.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya Magaciisa ka Dawladda iyo kan Shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa,  waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanada, bahda qorayaasha, Dawladda Ingiriiska iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle haw Naxariistee Marxuum Cabbaas Idiris  (John Drysdale) oo ku geeriyooday 10.07.2016, Magaalada Hargeysa, iyadoo 12.07.2016, Maalinimada…

Read More

Wasiir Warancade oo Sharaxay Sax iyo Khalad ka uu Yahay Soo Gelitaankii Ciidanka Itoobiya ee Gudaha Somaliland DAAWO

Hargaysa 11.July 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa sharaxaad ka bixiyay khalad iyo sax ka tahay ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaan gudaha u galay xadka ay Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya. Wasiirku waxa uu arrintani kaga hadlay su’aalo dhawr ah oo ay weriyayaal ka tirsan warbaahinta maxaliga ahi manta ku weydiiyay xarunta…

Read More

Ujeeddada Wefti uu hoggaaminayo Talliyaha Ciidanka Booliiska ay ku Tageen Gobolka Sanaag

Hargaysa 11.July 2016 (SDN/QJ):- Talliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye Guuto  Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa kormeer shaqo ku tagay Caasimada gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Talliyaha,  Waxaa dulleedka magaalada Ceerrigaabo kusoo dhaweeyay qaar ka mida masuuliyiinta Gobolkaas iyo talliyaha Qaybta ee Gobolka Sanaag. Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fallaay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay kormeerka uu ku…

Read More

Dawlada Hoose oo Ollole Dhir beerisa ka bilowday Magaalada Hargeysa iyo Go’aamo lagu soo Rogey dadka daryeeli waaya Dhirtaasi

Hargaysa 11.July 2016 (SDN/QJ):- Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa si rasmiya gudaha magaalada Hargeysa uga bilowday Ollole Dhir beeris ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade, Maayirka Caasimada, Xoghayaha Fulinta dawlada hoose iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimada ayaa geedo ku beeray Xarunta Wasaarada boosaha Isgaadhsiinta horteeda , halka ay geedo kalena u qaybiyeen qaar…

Read More

DUQA MUQDISHO: Amni-darada Xamar ka jirta Waxay ku timid Hubka oo aan Xakameysneyn

Muqdisho,10,7,2016 (GM) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in weerarada iyo amni-xumada ka jirta Muqdisho ay sabab u tahay hubka oo aan ahay mid ku jira gacanta dowladda iyo ciidammo hubeysan oo Xamar iska dhex-socda. Duqa Muqdisho, ayaa intaas ku daray in Al-shabaab ay isku ekeysiiyaan inta badan…

Read More

DAAWO: Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Sheekh iyo Fanaan Ku Xidhan Hargeysa

Hargeysa,10,7,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka hadlay Xadhiga ay xukuumaddu u gaysatay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame [Aadan Sunne] iyo fanaan Farxaan-Xidig oo maalmahanba ku xidhnaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde oo saxaafadu wax ka waydiisay sababta loo xidhay labadaas nin ayaan si cad u sheegin…

Read More

Maamulka Gobolka Togdheer oo Mar kale ka hadlay Xadgudub ay Ciidamada Liyuu Boolis ku soo sameeyeen Gudaha Somaliland DAAWO

Burco 10.July 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer ayaa sheegay in Ciidamada Liyuu Boolis ay Mar kale Xadgudub ku soo sameeyeen Deegaanka ku dhereran Xadka ay Wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya Isla markaana ay Gudaha u soo Galeen Xadka Somaliland 18Km. https://www.youtube.com/watch?v=n6Qyxz2wVyc

Read More

SOUTH AFRICA: Ganacsato Somali ah oo siyaabo kala duwan Maalmihii lasoo dhaafay loo Dilay

Cape-town,10,7,2016 (QJ/SDN) – Toddobadii maalmood ee lasoo dhaafay ugu yaraan toddoba muwaadiniin Soomaaliyeed ah, ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay Deegaanno hoos-taga Magaalooyinka Cape-town & Port Elizabeth oo ka kala Tirsan Gobollada Eastern-cape iyo Western-cape ee Dalka Koonfur Afrika. Dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed loo geeystay ayaa siyaabooyin kala duwan u dhacay, kaddib markii intooda badan lagu…

Read More

DAAWO: Sheekh Mustafe X.Ismaaciil Oo Magaalada Laascaanood Ka Bilaabay Muxaadirooyin kaddib 30-sanno

Laascaanood,10,7,2016 (QJ/SDN) – Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, ayaa soo gaadhay magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool oo ay ka socdaan Muxaadarooyin Diini ah oo ay culummada Gobolku ka wadeen Magaalada. Imaashaha Sh. Mustafe ayaa waxaa warbaahinta hadal kooban ugu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Muxaadarooyinka Sh. Siciid Mustafe X. Nuur oo sheegay inuu ka qayb ka…

Read More

Eng C/Naasir Garaad Abshir Oo Si adag uga Hadlay Cid kasta oo Fadqalalo ula Timaada Aaska Aabihii Garaad Abshir,Somaliland ka Dalbaday inay Ciidanka ka qaado deegaankaas DAAWO

Hargaysa 10.July 2016 (SDN/QJ):- Eng Cabdi-naasir Garaad Abshir oo uu dhalay alle ha u naxariistee Marxuun Garaad Abshir Garaad Saalax ayaa ka hadlay aaska loo samaynayo aabihii. Eng Cabdinaasir Garaad oo dhanka kalena ah La Taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee Gobolada Bari . https://www.youtube.com/watch?v=KUaybwzJfNQ Geesta kale Xukuumada Somaliland ayaa si rasmi ah uga hadashay qaabka…

Read More