Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Somaliland ka Socday oo Saaka la soo Gabo Gabayn doono Iyo Hal dugsi oo Maalin dib u dhacay Waa Maxay Sababtu? DAAWO

Hargaysa 01.June 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Mudane C.laahi Ibraahin Habane oo uu Weheliyo Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax ayaa Kormeer Shaqo ku Tegay Dugsiyada Gobolka Gebilay ee uu ka socdo Imtixaanaadka Shahaadiga ah iyadoo Shalay uu soo dhamaaday Imtixaanaadkii Fasalada 8aad ee Dugsiyada dhexe,Halka Maanta oo Arbaca ahna uu…

Read More

SOMALIA: Kulankii Madasha Wadatashiga Qaran oo Galay Maalintii Afaraad iyo Qodobbo weli la isku hayo

Muqdisho,1,6,2016 (QJ/SDN) – Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa galay maalintii afaraad, waxaaana shirkan lagu waday in lagu soo gaba-gabeeyo saddex casho, balse dib u dhac ayaa ku yimid, kaddib markii la sheegay inay jiraan qodobbo weli la isku hayo. Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee Kulankan ka qaybgalaya ayaa wali isku mari la’ qaabka Muqdisho ay xubno uga…

Read More

Madaxweynaha DDSI Oo Mamnuucay Dhulka Seeraha ah iyo Dhul Daaqsimeedka La Iska Ooto

Jigjiga,1,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta soo xidhay kulanwaynihii 7aad ee wadatashiga xukuumada iyo shacabka DDSI oo socday mudo 5 maalmood ah. kulanwaynahan oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan 2kun oo shaqsi ayaa xidhitaankii kahor lagu soo bandhigay tartan faneed heesaha ah ee kaladuwan oo si live ah ay ugu…

Read More

Boobe Yuusuf Ducaale oo Madhalays Ku Tilmaamay Wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia,Dhaliilna u Soo Jeediyey Xukuumada Siilaanyo DAAWO

Hargaysa 01.June 2016 (SDN/QJ):- Aqoon yahan Boobe Yuusuf ayaa Sheegay in Wada hadalka ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la furtay dalka Somalia uu Noqday Mid Madhalays ah. Waxa uu Boobe Yuusuf Ducaale ku adkaystay inaan la ilaawi Karin Maalmihii Halganka Hubaysan ee SNM . Boobe Yuusuf Ducaale waxaa madaxwayne Siilaanyo ku dhaliilay magacaabista xubnaha dawladiisa ka…

Read More

Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiiladda oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Inay Ka Gaabisay Horumarinta Goboladda Bari DAAWO

Hargaysa 01.June 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mida xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ayaa cadeeyay in xukuumada Somaliland ay ka gaabisay horumarka, wax u qabashada gobolada beriga Somaliland. Xildhibaanadu waxay sheegeen in markii xukuumada Somaliland goboladaasi waxba u qaban wayday, qaar ka mid ah laga dhex taagay calanka Somaliya. Xildhibaan Baar oo arrimaha ka hadlaya waxay tidhi…

Read More

Maayarka Magaalada Berbera oo Ka hadlay Sababta uu Weriyeyaasha ugu Xidhay Magaalada Berbera DAAWO

Hargaysa 01.June 2016 (SDN/QJ):- Maayarka Magaalada Berbera Cabdi-Shakuur Maxamud Xasan Cidin ayaa ka hadlay ahmiyada dhaqaale ee uu Somaliland ugu fadhiyo Heshiiskii Xukuumada Somaliland la Gashay Shirkada Imaaraadka ee DPW,Waxaanu Maayarku Sidoo kale ka hadlay Ismaandhaaf soo Kala dhex galay Isaga iyo Qaybo ka mid ah Warbaahinta Gobolka Saaxil.

Read More

Markii Sadexaad oo Madaxweynaha Turkiga Ordogen Booqasho ku Tegayo Magaalada Muqdisho

Muqdisho 01.June 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha dalka Turkiga Raceb Tayeb Ordogen ayaa la filayaa inuu maalinta jimcaha booqashadiisii saddexaad  ku yimaado caasimada dalka somaliya ee Muqdisho. Madaxwayne Ordogan waxaa kale oo uu safarkiisa ku tagayaa wadamada Kenya iyo Uganda kuwaasi oo u kala hadlayo xidhiidhka dawlada Turkiga iyo wadamadaasi. Wararka aanu ka helayno magaalada Muqdisho ayaa…

Read More

Somaliland: Todobaad Gudihii oo Xukuumadu Xabsiga u Taxaabtay 5 Wariye Iyo Walaaca Ururka Solja

Hargaysa 01.June 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku cambaareynayo xadhig sharci darro ah oo aanay maxkamadi amrin oo ciidanka boolisku magaalada Laascaanood xabsiga ugu taxaabeen wariye Maxamed Axmed Maxamed oo ka tirsan telefishanka Kalsan. War-saxaafadeedkaasi oo dhameystirani waxa uu u dhignaa sidan “Ururka…

Read More

DAAWO: Madaxweynaha Ciraaq oo Warqadihii Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Somalia ee Dalkaasi

Baqdaad,31,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Fu’aad Macsuum, ayaa ka Guddoomay Isniin shalay warqadihii aqoonsiga darjirenimo, Safiirka cusub ee Somalia uga Wakiilka noqon doona Dalka Ciraaq, Danjire Cllaahi Sheekh Maxamed Suufi oo Dhawaan loo magacaabay xilka Safiirnimo. Danjire C/llaahi Sh. Maxamed Suufi, ayaa horey u soo noqday Safiirka Somalia u fadhiyay Rwanda, ka hor intii…

Read More

Wasiirka Qorshaynta Oo Difaacay Heshiiska Dekedda

Hargeysa,31,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Cali Salaan Jirde (Cali Shoonbe), ayaa wuxuu ka hadlay heshiiskii Dekadda Berbera ee ay Xukuumadda Dawladda Imaraadka la soo gashay, waxaanu sheegay in heshiiskani aanu Dekadda oo qudha ku koobnayn ee uu siddeed qodob ka koobnaa, waxaanu jawaab kooban ka bixiyey xogaha ku saabsan heshiiska dekadda Berbera ee…

Read More

Dacwada Wargeyska Hubsad Oo Furantay Iyo Cambaaraynta Xadhiga Guddoomiyaha Foore

Hargeysa ,31,5,2016(QJ/SDN) – Waxa shalay maxkamadda gobalka Hargeysa ka bilaabantay dhagaysiga dacwadda guddoomiyaha iyo tifaftiraha wargeyska Hubsad Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar. Labadan saxafi ayay dawladda Somaliland ku eedaysay faafin war been abuur ah iyo daabicid wargeys aanay sharci u haysan, eedahaas oo ay labada saxafi gebi ahaanba beeniyeen. Garsooraha dacwada dhagaysanayay ayaa dacwadan…

Read More

Qaramadda Midoobay Oo Markii Ugu Horraysay Ka Marag Kacday Qabsoomida Lix Doorasho Oo Ka Hirgelay Somaliland

Hargaysa 31.May 2016 (SDN/QJ):- Qarmadda Middoobay, ayaa markii u horaysay ka marag kacday horumarka ay Somaliland intii ay xoriyaddeeda kala soo noqotay wixii Somalia laysku odhan jiray Somalia, Islamarkaana waxay sheegtay in mudo 25 sanno Somaliland ka qabsoomeen lix doorasho oo kala duwan., Uqaabilsannaha Qaramadd Midoobay ee dalalka Somaliland iyo Somalia Mr  Michael Keating, ayaa warbixintiisa…

Read More

Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Oo Dib U Dhacay Iyo Wakhtiga Cusub Ee Loo Muddeeyay Inay Dib U Furmaan

Hargeysa,31,5,2016 (QJ/SDN) – Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo mudaysnaa inay Turkiga ka qabsoomaan 30 iyo 31 May ayaa dib uga dhacay wakhtigaas loo qorsheeyay. Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in wada hadaladu dib uga dhacaan wakhtigii lagu heshiiyay inay qabsoomaan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in dib u dhaca…

Read More

Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Qorshe Soomaaliya Ku Doonayso In Mustaqbalka Lagu Mideeyo Imtixaannaadka Shahaadiga Ah Iyo Sababta Isku Beegtay Sannadkan

Hargeysa 31.May 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Somaliland, ayaa si adag uga jawaatay Hadal ka soo yeedhay Dawladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahaa in Sannadka Dambe ee 2017-ka la mideynayo Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa Maalintii Sabtidii Gobollada Soomaaliya laga bilaabay Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe, kaasi oo xilliga loo dareeray…

Read More

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Hargaysa ka Furay Kulan Lagu Gorfaynayo Xeerka Qabyo Qoraalka Siyaasada Dhulka DAAWO

Hargeysa 31.May 2016 (SDN/QJ):-Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Furay Kulan lagaga Hadlayo Xeerka qabyo qoraalka Siyaasada Guud ee Dhulka. Kulankan Waxaa ka Qayb galay Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda,Qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha Gobolada dalka, Maayaro,Iyo Xubno kale oo lagu Casuumay

Read More

Shir lagaga Hadlayo Kor u qaadida Awooda Baarlamaanka Somaliland oo ka Socda Nairobi DAAWO

Nairobi 31.May 2016 (SDN/QJ):- Wefti balaadhan oo ka Socda Labada Golle ee Guurtida iyo Wakiiladda Isla markaana uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Socdaal Shaqo ku tegay Xarunta Waddanka Kenya ee Magaalada Nairobi. Xubnahan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa ka qayb galay shir lagaga hadlayo sidii kor loogu qaadi lahaa…

Read More