Gobolka M.Jeex: Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Oo Gashay Maalintii Afaraad, Goobaha & Tirada Dadka La Doonayo Inay Is-diwaangeliyaan

Hargeysa, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Guud ahaan Degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxa si Gaabis ah uga Socota Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland, taasi oo socota Maalintii afaraad oo Maantoo Salaasa ah. Dadweynaha Gobolka Maroodi-jeex, ayaa iska Diwaangelinaya 156 Goobood, kuwaasi oo 79 ka mid ahi yihiin Gudaha Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana sida Komiishanka Doorashooyinka Qaranku…

Read More

Garaad Saleebaan Buraalle Oo Hadlay Xiisad Nin Ku Dhintay Mid Kalena Ku Dhaawacmay Oo Ka Taagan Buuhoodle

Buuhoodle , 3 May 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Buuhoodle ayaa la sheegay in maalmihii u dambeeyay ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, xiisadaasi oo la xidhiidha ismaan dhaaf ka dhashay ka ganacsiga iyo gacan ku haynta Jaadka loo yaqaano Miirooga oo deegaanka ka soo gala dhinaca magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Hal qof ayaa la…

Read More

“Lama Dhicin Gaadhiga Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland,balse Ninkii Dhacay Gaadhiga Waxaanu Rajaynaynaa In Somaliland Nagu Soo Wareejin Doonto.”  Taliyaha Booliska Punt land

Garoowe, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland Jen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Af-gaduud), ayaa beeniyay in la dhacay baabuur uu lahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Islamarkaanna wuxuu sheegay in soo celinta baabuurkani barbilow u yahay xidhiidh fiican oo ka dhexeya Somaliland iyo Puntland Taliyaha oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waa been gaadhi uu…

Read More

Tartan Dhaqameed U Gaar Ahaa Dhallinyarada Oo Lagu Soo Gebogebeeyey Laascaanood DAAWO

Laascaanood, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Tartan suugaaneed lagu dhiirrigelinayo Mawhibada (talents) Ilaahay (SWT) siiyey dhallinyarada ee Aqoonta dhinaca dhaqanka iyo hal-abuurnimada, ayaa lagu soo gunnaanaday hudheelka Xamdi ee magaalada Laascaanood. Xaflad si weyn loo agaasimay oo Xarunta Hidhaha iyo Dhaqanka ee Cakaara qayb ka qaadatay, isla markaana dadka ka qaybgalay badankoodu ku lebisnaayeen dharka hiddaha…

Read More

Wasaaradda Caddaaladda oo Tababar u soo Xidhay Garyaqaanno loo Tababaray Hay’adaha Caddaaladda

Hargeysa, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tababar u xidhay 25 garyaqaan oo loo tababaray hay’adaha caddaaladda, kuwaasoo muddo toddoba bilood ah lagu tababaray xarunta Wasaaradda. Xafladda xadhitaanka Tababarka garyaqaannadan oo ka qabsoontay  xarunta Wasaaradda Caddaaladda waxa ka qaygalay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, Wasiirka Wasaaradda…

Read More

Ciidamo ka socda Ingiriiska oo Imaanaya Magaalada Muqdisho iyo Nooca Hawlqabadkooda

Muqdisho, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya waxaa soo gaaray ciidamo cusub oo ka socda wadanka Britain kuwaas oo gacan siindoona ciidamada midowga Africa ee Amisom.   10 Askari oo kamid ah ciidamadaasi ayaa kasoo degey Muqdisho waxaana ay hordhac u yihiin 70 askari oo ladoonayo inay AMISOM ka saacidaan dhanka Caafimaadka…

Read More

Siyaasi Cabdi Casiis Maxamed Samaalle Oo Ka Bilaabaya Maraykanka Olole Uu Ku Taageerayo Muuse Biixi

Washington 02.May 2016 (SDN/QJ):- War-saxaafadeed ka soo baxay xalay niskii dambe xafiiska xisbiga KULMIYE ee dalka maraykanka, ayaa lagu sheegay in shalay uu Magaaladda Washington soo gaadhay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaalle oo la soo weriyay inuu kaga qeyb galayo shir  ay qabsanayaan xisbul xaakimka ee Maraykanka iyo inuu  hordhac u yahay wefti…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Weriyeyaal ka Socda Telefishanka CBS ee Maraykanka DAAWO

Hargeysa 02.May 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Mr Jonathan Starr oo ah aas-aasaha Iskuulka Abaarso Tech ee dhinaca galbeed ee Caasimada Hargeysa, oo ay weheliyaan koox warfidiyeeno ah oo ah kuwa soo saara barmaamidka lamagac baxay 60 daqiiqo (60Minutes) ee Telefeeshinka caalamiga ah ee CBS oo xaruntiisu…

Read More

“ Xadhiga Sheekh Aadan Sunne Waxaanu U Marnay Dariiqa Sharciga Ah,Waxaa Kale oo aanu soo Qabanay Mukhalasiin iyo Kooxo Budhcad Dhallinyaro ah..” DHAGAYSO

Hargaysa 02.May 2016 (SDN/QJ):- Taliyaha Ciidanka Police-ka Somaliland Sarreeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan oo ay wehelinayay Afhayeenka Guud Ee Ciidamada Police-ka ahna Taliyaha Ciidamada Nabad galyada Wadooyinka Gaashaanle Sare Faysal XIis ayaa maanta si wada jir ah Shir jaraa’id ugu qabtay Magaalada Hargaysa . Waxaanay saraakiishani kaga hadleen shirkan Jaraa’id, Mukhallsiin ay soo qabqabteen, Xadhiga…

Read More

Taliyihii Hore Ee Ciidanka Badda Somaliland Oo Ka Hadlay Sababta Ka Danbaysay Xilka Qaadistiisa

Hargeysa, 2,5,2016 (QJ/SDN) – Taliyihii hore ee ciidanka Badda Somaliland Sareeyo Guuto Maxamed Xuseen Xiirane waxa uu ka hadly sababtii ka danbaysay xilka qaadistii uu dhawaan ku sameeyey madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, Maxamed Xuseen Xiirane waxa uu sheegay in sababta keentay xilka qaadistiisa ay ahayd markab soo gaadhay magaalo xeebeedka Berbera kaasi oo waday…

Read More

MADAXWEYNE XASAN: Wasiirradu Ha Dhisaan Wasaaradahooda intii ay Gawaadhi Qaali ah ku…

Muqdisho, 2,5,2016 (QJ/SDN) – Markii ay meesha ka baxday Dowladdii dhexe ee Ciidanka Waxaa guud ahaan burburay hey’adihii Dowladda sida Wasaaradihii uu waddanka lahaa ee Soomaaliya, ma aysan suurta galin in ay dhismaan mudadii dowlad la’aanta la ahaa, laakiinse markii uu dalka helay dowladdo kumeel gaadh ah iyo dowladan federaalka Somalia ay lagu dhiiraday in…

Read More

Hargeysa: Ciidamada RRU-da Oo Xalay Saqdii dhexe Gurigiisa kala baxay Sheekh Aadan Sunne

Hargeysa, 2,5,2016 (QJ/SDN) – Ciidamo afka soo duubtay ayaa habeenkii xalay ahaa gurigiisa kala baxay sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne). Sida ay dabolka ka qaadeen Saraakiisha Ciidanka Bileyska Somaliland, Ciidamadan  ayaa guriga ku jabiyay qoyska sheekha abaara 12:30 xalay, waxaanay kala soo baxeen Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame, waxaana sidaasi lagu geeyay mid ka mid…

Read More

Dhaqdhaqaaqyadii Siyaasadeed Ee Ugu Dambeeyey Is-Bahaysiga Kulmiye Iyo Safarka Waabeeye Ee Kenya Ee Soo Dabbaalista Cabdicasiis Samaale

Nairobi  02.May 2016 (SDN/QJ):- Garabka Isbahaysiga Dimuqraadiyad-doonka Xisbiga Kulmiye oo labadii Toddobaad ee ugu dambeeyey kulamo xidhiidh ah oo siyaasadeed lahaa kana arrinsanayay halkii ay geeddigooda siyaasadeed furi lahaa ayaa la sheegay in ay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee xisbiga KULMIYE kana mid ahaa garabkan Is-bahaysiga Md. Xildhibaan Maxamed Sheekh Yuusuf Waabeeye la sheegay in…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Magaalada Nairobi Xadhiga kaga Jaray Xaruntii ugu Weynayd ee Somaliland ka Furato DAAWO

Nairobi 02.May 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Dr Sacad Cali Shire oo uu Weheliyo Safiirka Somaliland ee Dalka Kenya C.laahi Cabdi ayaa si wada jir ah Xadhiga uga Jaray Xaruntii ugu Balaadhnayd ee Somaliland ku Yeelan doonto Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Read More