Laba Qodob Oo Lagu Soo Gunaanaday Xiisadii Ka Taagnayd Banka Qoolcaday

Hargeysa, 1,5,2016 (QJ/SDN) – Xukuumadda Somaliland iyo dadka deegaanka Banka Qoolcaday, ayaa heshiis ka gaadhay xiisadii dhawaan ka taagnayd Banka Qoolcaday ee la xidhiidhay seeraha banka. Qoraal uu shalay soo saaray wasiirka xanaanada xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir, oo uu ku socodsiiyay dhinacyada ay khusayso, wuxuu ku sheegay in dadka iyo xukuumadu isla garteen laba…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo la kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Washington SAWIRO

Washington 01.May 2016 (SDN/QJ):- Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Washington, Virginia iyo Maryland ayaa xalay casho sharaf u samaysay weftiga ka yimi Somaliland ee uu horkacayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro. Xafladdan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa isu keentay dadweyne kala duwan oo metelayey qaybaha kala duwan ee…

Read More

Kulan Dhexmaray Weftigii Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibada KENYA

Nairobi 01.May 2016 (SDN/QJ):- Weftigii ka socday Somaliland ee uu hoggaaminayay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali shire ayaa kulan muddo qaatay la yeeshay wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya. Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta kulmiye oo uu ku saxeexan yahay Md Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) Afhayeenka xisbiga KULMIYE ayaa lagu sheegay…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo U Diray Shaqaalaha Somaliland Maalinta Shaqaalaha Awgeed

HAMBALYO MADAXWEYNE : 30/04/2016 Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa shaqalaha Aduunka, gaar ahaan shaqaale waynaha Somaliland, munaasibada 01-May, Maalinat shaqaalaha adduunka awgeed. Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha ku sifeeyey cududda iyo xoogga wax soo saarka iyo horumarinta qaranka, la’aantoodna aanu jiraynin himilo wanaagsan oo ummaddu hiigsataa. Madaxweynuhu wuxu tilmaamay…

Read More

Daawo:- ‘’Doorkan Doorashadu Waa Doorkaygii Muran Kuma Jirto ” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa,30,4,2016 (QJ/SDN) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta iska diwaan geliyey xarunta hay’adda shaqalaaha dawlada ee magaalada Hargeysa. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo markii uu is diwaan geliyey la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka waramay dareenka gaarka ah ee ay maalintani u leedahay iyo xusuusaha maalmihii ku…

Read More

“Anagu In Aanu Somaliya La Hadalno Meel Adag Ayaanu Iska Taagnay, Mawqif Adagna Waanu Ka Lahayn”Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa, 30.4.2016 (QJ/SDN) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay doorka ay ku leeyihiin Deeq bixiyayaashu Doorashooyinka Somaliland, waxaanu sheegay in iyaga la’aantood Doorasho qabsoomaysaa aanay jirin, waxaanu ku taliyey in la isku tashado, oo la qorsheeyo sidii ay Somaliland Doorashooyinkeeda iskeed u qabsan lahayd.  Madaxweyne ku xigeenkii hore…

Read More

Somaliland oo Maamulka Puntland ku Wareejisay Baabuurkii Madaxwayne-Xigeenka oo Lala soo Goostay

Laascaanood, 30,4,2016 (QJ/SDN) – Xukuumadda Somaliland ayaa Maamulka Puntland ku wareejisay gaadhi uu leeyahay Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland oo dirawalkii waday Somaliland ula soo goostay. La Taliyaha wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md Axmed Xasan Cigaal iyo Afhayeenka wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland Md Jamaal Cabdi Muxumed ayaa si rasmi ah maamulka Puntland ugu wareejiyay gaadhgan…

Read More

Xukuumadda Soomaaliya Oo Sheegtay In Doorashadu Ay Dib U Dhacayso

Muqdisho, 30,4,2016 (QJ/SDN) – Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa sheegay in muddo labo bilood ah lagu kordhinaayo waqtigii la filaayay inay dalka ka dhacdo Doorashada. Sharmaake ayaa tilmaamay in Guddoonka Baarlamaanka ay ka wada hadleen in muddo laba bilood ah la siiyo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya si buu yiri ay u sameeyaan olole….

Read More

Ciidamada Itoobiya Oo Nolosha Ku Gubay Shacab Soomaaliyeed Oo Ku Dhaqan Gobollada Dhexe Ee Soomaaliya

Gaalkacyo, 30,4,2016 (QJ/SDN) – Dagaal maalmihii lasoo dhaafay ku dhex maraayay deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya [Liyuu Boolis] iyo dad shacab ah oo halkaasi ku dhaqan ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh. Dagaalkan oo halkaasi muddo ka socday ayaa sidoo kale waxa uu sababay…

Read More

Iran oo Ban Ki-Moon ka dalbatay inuu kala hadlo Mareykanka si loogu Fasaxo Hantida ka Xayiran

Tehran, 30,4,2016 (QJ/SDN)  – Xukuumadda Iiraan, ayaa Weydiisatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon in uu Xukuumadda Washington ku Qanciyo in ay u fasaxdo Iiraan lacag dhan 2-bilyan oo Doollar oo laga xayiray, kaddib markii maxkamadda sare ee Mareykanka ay xukuntay in lacagtaan la siiyo qoysaskii dhibbanaayshii ku dhinteen Weerarkii ka dhacay Mareykanka bishii…

Read More