Kulankii Gudoomiye C.raxmaan Cirro iyo Wasaaradda Arimaha Dibada Maraykanka muxuu daaranaa?

Washington,29 April,2016(SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee ku sugnaa dalka Maraykanka ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debedda ee dalka Maraykanka. Kulan socday in ka badan hal saac ayaa labada dhinac ay kaga wada hadleen qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Ictiraafka…

Read More

Kulan Lagu Daahfurayay Mashruuca Biyo Balaadhinta Magaalada Berbera oo loo Goleeyay DAAWO

Berbera,29 April,2016(SDN/QJ):-Wasiirul dawlaha Wasaaradda Khayraadka Biyaha oo ay Weheliyaan Mas’uuliyiinta Gobolka Saaxil,Kuwa Degmada Berbera,Madax ka Socotay Sanduuqa Horumarka Somaliland, iyo Saraakiil ka Tirsan hay’adaha Caalamiga ah ayaa Magaalada Berbera kaga qayb galay Munaasibad lagu daahfurayay daraasad ku saabsan Mashruuca Biyo Balaadhinta ee Magaaladaasi. https://www.youtube.com/watch?v=xP78OiK_3ek&feature=youtu.be

Read More

Muxaadiro ka hadlaya Guurka Dhallinyaradda Iyo Su’aalo ay Sheekhii soo Jeedinayay Weydiiyeen DAAWO

Hargaysa,29 April,2016(SDN/QJ):-Muxaadaradan uu Sheekh Almis Sh. Yaxye X. Ibraahim kaga hadlay ‘Guurka iyo Dhallinyarada’ ayaa lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Waxa xusid mudan oo ay kaga duwan tahay kuwii hore, waxa su’aalo waydiiyay xubno badan oo ka mid ah dadka aan dhegaha waxba ka maqal ee Hargeysa ku dhaqan.

Read More

Baaqa Wakaaladda Qurbajooggu u jeedinayso Jaalliyadaha Somaliland u  Diyaar-garawga  Xuska 25-Guurada, 18 May 2016

Hargaysa, 29 April, 2016-(SDN/QJ):– Jamhuuriyadda Somaliland waxay oogaysaa xuska 25-Guurada ka soo wareegtay markii shacbiga Somaliland dib ula soo noqdeen madaxbanaanidooda 18 May 1991. Rubuc qarniga aan u dabbaal degayno 18 May 2016 waa mid ka turjumaysa sida loogu guulaystay  go’aankii aaya-ka-tashiga umadda Somaliland ee dib u hanashada qaranimadooda, isla markaana tilmaamaysa isku kalsoonaanta, kartida…

Read More

“Muslinku saw kan i cunaya.” Hadda Walaaluhu saw kuwan ina takooray ee ictiraafka inoo diiday!..”- Prof. Maxamed Siciid Gees

Dharaaro Xusuustood,Dharaarahan Sheekadu…, Berberaay miiskiin koriyaay, wallee Berbera laga maqnaan waa!! Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 46aad Hargaysa 29.April 2016 (SDN/QJ):- Sannadihii lixdamaadkii ee ay dawladihii rayidka ahaa ay ka talinaysay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, intaan askartu afgembiga samayn, ayaa la sheegay in macdanta Uranium (Yuraaniyam) laga helay meel la yidhaahdo Caliyo Geele oo ku taal…

Read More

Somaliland President announces the start of voter registration in Marodijeh region

HARGEISA – President Ahmed M. Silanyo has today officially announced the commencement of Voter Registration Exercise in Marodijeh province. The VR exercise is to begin in Marodijeh region on 30th April2016. A ceremony held at Gulied Hotel saw the attendance of Somaliland government officials, national political parties, and the National Election Commission. Residents living in this region who are all…

Read More

Garyaqaankii Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Xalay Si Rasmi Ah Xilkii Iskaga Casilay

Hargeysa, 28,4,2016 (QJ/SDN) – Garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland Ibraahim Iidle Saleban, ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii Ma jiro war rasmi ahi, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in garyaqaanka guud isagoo dalka ka maqan uu xalay madaxtooyada Somaliland soo gaadhsiiyay warqad istiqaalad ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo ku soo hagaajiyay,taas…

Read More

Dawladda Turkiga Oo Cadaysay In Wasiiradii Somaliland Ay Kulan La Yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya Iyo Nin Ganacsade Ah

Hargeysa, 28,4,2016 (QJ/SDN) – Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka Turkiga ee la yidhaahdo Haberturk, ayaa cadadkiisii 27 April 2016 ee shalay, daabacay warbixin  ka qoray wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,  waxaanu sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay ay dalka Turkiga ku kulmeen wasiirado ka kala socda Somaliland iyo Somaliya. Wargeysku wuxuu warbixintiisa…

Read More

Qaar Ka Mid ah Carruurta Gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari Kenya oo Ka Qeybgalay Shirka Carruurta Kenya

Nairobi, 28,4,2016 (QJ/SDN) – Maanta ayaa waxaa magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay kulan ay lahaayeen carruurta dalka Kenya oo ay ka qeyb galeen carruur ka kala socotay gobolada kala duwan ee Kenya. Kulankaas ayaa waxaa hadaba ka qeybgalay carruur kasocotay gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari Kenya. Shirkaas ayaa waxaa diirada lagu saarayay dhibaatooyinka lasoo darsa carruurta…

Read More

Daahfurka Bilowga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Gobolka Maroodijeex Iyo Khudbadii Madaxweynaha JSL DAAWO

Hargeysa, 28 April, 2016-(SDN/QJ): – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay dib u bilowga diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolada hadhsan, gaar ahaan kan gobolka Maroodi-jeex oo 30-04-2016 ay si rasmi ah uga furmayso dhammaan goobaha loogu talogalay ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Ku dhawaaqidan madaxweynuhu waxa uu ka jeediyey hoolka…

Read More

Ciidammada Qaranka Oo Qabtay Gaadhi Uu Leeyahay Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland & Maleeshiyo-beeleedyo Reer Buuhoodle Ah Oo Isku Hub-urursanaya & Nooca Mudaharaad Ka Dhacay Buuhoodle DAAWO

Widh-Widh, 28 April, 2016-(SDN) – Ciidammada Qaranka ee Fadhiisinka ku leh Deegaanka Widh-Widh ee Gobolka Sool, ayaa Gacanta ku dhigay Gaadhi Xaajiyad ah (P-kaab) oo uu leeyahay Madaxweyne ku-xigeenka Maamul-gobolleedka Puntland iyo Dirawalkii Wadayba. Gaadhigan oo ka yimid dhanka Magaalada Garoowe, ayaa Ciidammada Qaranku qabteen Markii uu gudaha u galay Degmada Widh-Widh, sida uu Wargeyska…

Read More

Kaalin intee le’eg ah buu shisheeyuhu ku leeyahay sharcidarada iyo fowdada Wali ka socota Soomaaliya ?

Inta aanan qormadeyda bilaabin aan bal marka hore canbaareeyo dowladda Kenya oo heshiis la saxiixatay beel Soomaaliyeed xilli ay Dalka ka jirto dowlad la aqoonsan yahay, Waxa ayna talaabadani marqaati u tahay hagardaamada ay dalalka dariska ah ku hayaan Dalkeenna Soomaaliya, Waxa ay sidoo kale talaabadani marqaati u tahay damiir-xumida kuwa sheegta siyaasiyiinta ee aan…

Read More

Taliska AMISOM ee Soomaaliya oo ka hadlay Dhibaatada ay shacabka kala kulmaan Ciidamada Amisom

Muqdisho, 28,4,2016 (QJ/SDN) – Taliska Amisom ee Somalia ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay Ciidamada Amisom ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan goobaha ay ku dagaalamaan Ciidamada Amisom iyo Alshabaab. Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka Amisom Francisco Madeira, aya sheegay in ay diyaar u yihiin dhowrista Xuquuqda Aadanaha sida uu sheegay….

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo laga mamnuucay in ay u safraan dalka dibadiisa

Muqdisho, 28,4,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo khudbad ka jeediyey furitaanka kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa Xildhibaannada ku war geliyey in Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu hor keeni doono Golaha Shacabka. Jawaari waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha wax laga weydiin doono howlaha la xiriira…

Read More