Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Wasiirro Nairobi Kula Kulmay Danjireyaasha Midowga Yurub

Nairobi, 27,4,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo madaxtooyadda ayaa shalay kulan kula yeeshay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulamo la yeeshay safiirrada qaar ka mid ah wadamadda yurub. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xisbiga KULMIYE, Xasan…

Read More

SAWIRRO: Daacish oo sheegtay inay xero Tababar ka Furatay Soomaaliya

Muqdisho, 27,4,2016 (QJ/SDN) – Kooxda Islaamiga ah ee ISIS/Daacish ee ka dagaallama Waddamada Suuriya iyo Ciraaq ayaa muuqaalkii u horreeyay oo ay uga hadlayaan Somalia soo bandhigay, kaasoo ay ku xuseen inay saldhig ay ku tababaraan dagaal-yahanada kusoo biira ka furteen Soomaaliya. Waxaa muuqaalka ay soo bandhigtay kooxda ISIS/Daacish kasoo muuqday, Sh. C/qaadir Muumin oo…

Read More

Gudidda Anshaxa Nidaamka Diiwaangelinta oo Xisbiyada Qaranka u soo Jeediyay inaanay Siyaasadayn Hawlgalka Diiwaangelinta DAAWO

Hargaysa 27.April 2016 (SDN/QJ):- Gudida Ilaalinta Anshaxa Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka S/land  ayaa Asxaabta  Qaranka  uga digay inaanay Olole Siyaasadeed uga faa’iidaysan Hawlgalka Qaran ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo malinta  sabtida  ah ee todobaadka danbe laga bilaabi doono  gobolka Maroodi-jeex.

Read More

Dadweyne Cadheysan oo Hoteel uu Buuhoodle ka degenaa ku weeraray Madaxweynaha Khaatumo

Buuhoodle 27,4,2016 (QJ/SDN – Dadweyne cadheysan ayaa saaka hoteel uu Buuhoodle ka Deggenaa Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeydh ku Weeraray, inkastoo aanay jirin wax khasaare ah oo weerarkaas ka dhashay. Wariyayaasha ku sugan Buuhoodle ayaa kusoo warramaya in hotelkii uu daganaa Prof.Cali Khaliif Galleydh ay weerareen dad cadheysani isla markaana ay rasaas ku…

Read More

Waraysi Qiiro Leh Oo Meel Xeeb Ah Lagaga Qaaday Qaar Ka Mid Ah Dhalinyaradii Ka Bad Baaday Doontii Dhawaan Qaraqantey Iyo Xusuusta Ay Ku Reebtey Dhacdadaasi DAAWO

Hargaysa 27.April 2016 (SDN/QJ):- Jamaal Osmaan oo ka mid ah wariyayaasha Somalida ah ee ka hawl gala Tvga loo yaqaan Chanell4 ee dalka uk ayaa warbixin qiiro badan  kasoo diyaariyey qaar ka mid ah dhalinyaradii somalida ahaa ee ka bad baaday doontii ay ku dhinteen in kabadan 400 oo qof. Waraysigan ayaa wariye Jamaal uu…

Read More

Somaliland: Halista Caafimaad Ee Taawarrada Shirkadaha Isgaadhsiintu Ku Hayaan Shacabka Iyo Guryo Looga Qaxay Hargeysa

HargeyTsa, 27,4,2016 (QJ/SDN) – Dadka ku Geeriyooday Guryaha ku yaalla Degmada Ibraahim Kood-buur ee Magaalada Hargeysa, ayaa Geeriyadooda loo nisbeeyay Xanuuno ay ka qaadeen  Shoocaaca ka soo baxa Taawarrada Guryahooda ku dhow, sida ay sheegeen Dad wax ka ogaa Xanuunnada ay u geeriyoodeen Dadkaasi. Guryaha Taawarradu ku dhow yihiin ee Qaarkood Dadku ku dhinteen, ayaa…

Read More

Wasiirka Madaxtooyada Oo Sharaxaad ka Bixiyey Kulan Ay Nairob ku yeesheen Wafti ka Socday Somaliland iyo Safiiro ka Tirsan Midowga Yurub oo ay ka wada xaajoodeen Mashruuca Banka Qoolcaday

Nairobi 26.April 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sharaxaad ka bixyey kulan ay magaalada Nairobi kula yeesheen isaga iyo masuuliyiin ka tirsan Dawladda Somaliland Wakiilo ka socday Midowga Yurub. Wasiir Xaashi ayaa faahfaahinyey Qodobo afar ah oo ay isla qaadaa dhigeen Waftiga Somaliland iyo safiiradaasi, waxaanu xusay inay Safiiradaasi u cadeeyeen in Somaliland…

Read More

Ururka SOLJA Oo Soo Saaray Baaq Ku Wajahan Madaxweynaha, Xukuumadda, Maxkamada Sare Iyo Suxufiyiinta

Hargaysa 26.April 2016 (SDN/QJ):-Hogaanka sare ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee solja ayaa kulan laba maalmood uga socday xarunta ururka ka soo saaray go’aamo iyo baaqyo kala duwan oo ay u kala direen xukuumadda, maxkamadda sare iyo suxufiyiinta. Natiijada kulankaasi ayaa laga soo saaray war-murtiyeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha ururka Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto)…

Read More

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Guddiga Diiwaangelinta Ururada

Hargeysa, 26,4,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa  ansixiyey  muddo kordhintii uu Madaxweynuhu u sameeyey Guddida Diwaangelinta urrurada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka Somaliland iyo xubno lagu kordhiyey guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa. Fadhiga shalay ee ay Golaha Wakiiladu oo uu shir guddoominaayey Guddoomiyaha Wakiiladu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa iyada oo…

Read More

Madaxtooyada Oo Kulankii Cirro Iyo Wasiirul Khaarajiga Kenya Ka Dib Dirtay Wasiir Sacad Cali Shire

Hargeysa, 26,4,2016 (QJ/SDN) – Madaxtooyada Somaliland ayaa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya u dirtay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, iyadoo madaxtooyadu si aan toos ahayn uga jawaabaysa kulankii uu guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro dhawaan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Marwo Aamina Maxamed. Madaxtooyada Somaliland oo u muuqata inaanay jeclaysan kulankaas oo doodo iyo…

Read More

Maxkamadda Oo Mudaysay Xaraashka Fooqa Xawaaladii Qaran

Hargeysa, 26,4,2016 (QJ/SDN) – Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ayaa mudaysay wakhtiga la bilaabayo xaraashka dhismaha xawaaladii Qaran Express oo ah dhisme fooq ah oo ku yaala badhtamah amagaalada Hargeysa. Qoraal Naadin Xaaraash ah oo uu soo saaray guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Maroodi Jeex Md. Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa wuxuu u qornaa sidan “Maxakamada gobolka M/jeex Hargeysa  waxay…

Read More

Dawladaha Somaliland, Somaliya Iyo Turkiga Oo Isla Qaatay Wakhtiga La Bilaabayo Wada Hadalada

Haregysa, 26,4,2016 (QJ/SDN) – Dawladaha Somaliland, Somaliya iyo Turkiga, ayaa isla qaatay in bisha dambe ee bay si rasmi ah loo bilaabo wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya oo muddo hakad galay. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, dawladda Turkiga oo ku  dedaalaysa inay wada hadaladu dib u furmaan, ayaa wasiirka khaarajiga…

Read More

“ Xisbiga Ucid Waa Lagu Soo Biirayaa , Dad Badan Ayaa Imanayaa , Khilaaf Kama Jiro Xisbiga Ee Waxaan U Arkaa In Ay Tahay Mashruuc Ku Socda Xisbiga Oo La Doonayo In La Yidhaa Waa La Isku Haystaa” Gudoomiye Faysal DAAWO

Hargaysa 26.April 2016 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Dalka , ka dib safarro dibadda ah oo uu kaga maqnaa dalka . Waxaana Gudoomiyaha Madaarka kaga hor tagay kuna soo dhaweeyay , masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga Ucid , Madax Dhaqameed iyo Masuuliyiin kale . Gudoomiyaha oo qolka nasashada…

Read More

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda oo Kulamo Nairobi kula Qaatay Xubno Dublamaasiyiin ah

Nairobi 26.April 2016 (SDN/QJ):-Wefti ka socda dawladda Somaliland iyo xisbal-xaakimka KULMIYE oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo safar hawlo shaqo ah ku maraya dalal ay ka mid yihiin kuwa gobolka, ayaa…

Read More

Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabiley, Agaasimaha fulinta ee shirkada sahaminta iyo soo saarista shidaalka ee RAK-Gas, Mr. Nishant Dighe SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 26.April 2016 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane,  Axmed Maxamed  Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley, Agaasimaha fulinta ee shirkada sahaminta iyo soo saarista shidaalka ee RAK-Gas, Mr. Nishant Dighe oo uu wehelinaayey Mr. Tom Bidwell oo ah agaasimaha dhinaca sharciga ee shirkadaasi. Masuuliyiinta shirkadan oo socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay wax uga ogaan lahaayeen, una…

Read More