Madaxweyne Siilaanyo Iyo Cabdiraxmaan-Cirro Oo Xalay Kulan Yeeshay

Hargeysa (QJ/SDN) – Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay kulan madaxtooyada kula yeeshay guddoomiyaha golaha wakiilada ahna hoggaamiyaha mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Kulankaas oo aanay wax war ahi ka soo bixin, ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Silaanyo dalbaday, waxaana la sheegay inuu Madaxweynuhu;  guddoomiye Cirro ka codsaday inuu aqbalo dib u dhigista diiwaangelinta…

Read More

Nuxurka Warqad Uu Madaxweyne Siilaanyo Shalay U Qoray Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hargeysa (GM) – Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay warqad qoraal ah u gudbiyay guddiga doorashooyinka qaranka, taas oo uu kaga dalbaday inay hirgeliyeen dib u dhigista diiwaangelinta cod bixiyayaasha ee bisha ah. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, Madaxweyne Silaanyo wuxuu guddiga doorashooyinka ugu horayn uga mahadceliyay sida ay uga…

Read More

Baadiri Nebi Sheegtay Oo Baastoolad Ciyaal Ku Qarxiyey Kongareeska Maraykanka

Washington (QJ/SDN) – Gelinkii hore ee Isniintii toddobaadkan ayaa mar keliya lagu war helay dhawaq rasaas ka baxaya gudaha xerada uu ku jiro golaha odayaasha Maraykanka ee Kongareeska loo yaqaanno, in kasta oo labada gole ee odayaasha iyo wakiilladu ay fasax ku jireen, dadka saacaddan joogayna ay tiro ahaan koobnaayeen, haddana cabbaar yar kadib dhawaqa…

Read More

G/Kuxigeenkii kowaad ee xisbiga UCID UK, Xuseen Aadan Cige(Maka) iyo tageerayaal badan oo kusoo biiray xisbiga Waddani xaflad ka dhacday Bariga London.

london 31March16(SD/QJ)waxa Bariga magaalada London lagu qabtay xaflad balaadhan Oo lagu Soo dhaweynaayey tageerayaal kasoo diga-rogtay Xisbiga Ucid  Oo uu hormuud Ka ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Xisbiga UCID ee dalka UK Xuseen Aadan Cige(Maka) Oo ay ku weheliyeen Dhalinyaro iyo haween ayaa Waxa xaflada Oo ay goob-Joog Ka ahaayeen madaxda Xisbiga Waddani ee qaarada Yurub…

Read More

Xasan Xanafi oo Siro badan Shaaca ka qaaday Isla Markaana Sheegay in Jidh Dil loogu Gaystay Xabsiga Looguna Hanjabay in La Fara-Xumayn doono DAAWO

Muqdisho, 31 March, 2016-(SDN/QJ):–Waxaan halkan idiin ku soo gudbinaynaa muuqaal uu Wariye Jamaal Cusmaan oo ka tirsan Channel4News, uu ugu kuur galay xabsiyada Magaalada muqdisho iyo cida ka shaqaysa. Muuqaalka waxaa kale oo waraysiga badankiisa lagu waraystay Xassan xanafi oo dhawaan maxkamada ciidamada qalabka sida ku riday xukun dil toogasho ah. Xasan xanafi wuxuu sheegay…

Read More

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Aragtidiisa Khilaafkii Xisbigaas u kala Jebiyay Labada Garab Sannadkii 2012kii Iyo Ifafaalaha Maanta DAAWO

Hargeysa, 31 March, 2016-(SDN/QJ):– Waa Waraysi Dhawr Sanno ka hor laga qaaday Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe kaas oo uu kaga hadlay Khilaafkii Xisbiga Ucid u kala Jebiyey laba garab Sannadkii 2012kii oo uu Wakhtigaas Xisbigu ku noqday Marxaladii Urur Siyaasadeedyada.

Read More

“Rag baa yidhi reerku isagaa dhexdiisa is haysta reer dhexdiisa is haystaa ma jiro, waayo boqortooyadani waxay soo socotay ilaa 1770, Garaad Boon ayaanu ahaa.” Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Axmed Jaanbiir DAAWO

Hargeysa, 31 March, 2016-(SDN/QJ):– Axmed Jaanbiir Suldaan oo ka soo jeeda Qoyska leh Saldanada Subeer Awal oo la aas aasay 1770-kii, wakhtigaas oo lagu Caleemo saaray Garaadkii ugu horeeyey magaalo xeebeeda Berbera, ayaa markii u horaysay ka hadlay dhacdadii dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa ee lagu caleemo saaray Suldaan labaad. Axmed Jaanbiir Suldaan iyo Cuqaasha…

Read More

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Sheegay in Xukuumadu u diiday Murashax Jamaal Askari Boodhigaadh ah kana hadlay Weerar lagu qaaday Saldanada Guud ee Beesha uu ku abtirsado.

Hargeysa, 31 March, 2016-(SDN/QJ):– Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in kooxo maleeshiyaad ah ay weerareen Suldaankii guud ee Subeer Awal Sudlan Xasan. Sidaa wuxuu Ku sheegay mar uu warbaahinta ugu waramayay magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi,“Waxayaabaha aan doonayo in aan u caddeeyo umadda Jamaal Cali Xuseen , Waa nin…

Read More

Dawladda Sweden Oo Sheegtay Inay 7 Milyan Oo Euro Oo  Ugu Tallo-gashay Gurmadka Abaaraha Somaliland  Iyo Magacyadda Ha’yadaha La Soo Mariyay

Stockholm 31 March, 2016-(SDN/QJ):– Dawladda  Sweden, ayaa shaaca ka qaaday inay taageero balaadhan ka geysteen wax-ka-qabashada abaaraha ba’an ee ka taagan Somaliland iyo wadanka Soomaaliya, isla markaana dhaqaale kala duwan u soo mariyeen hay’adaha gargaarka. Wasiirka horumarinta iyo Iskaashiga caalamka ee Sweden Miss Issabella Lovin, ayaa sheegtay in taageerada ay ka geysteen abaaraha Somaliland qeyb…

Read More

AWDAL: Dad Mar Kale Gaajo iyo Harraad Ugu Dhintay Deegaanka KAXDA & Hooyooyin Dhabarka Ku Sida Carruur Gaajo La Ooyaya Oo Farriin Dhiilleysan Soo Diray

Kaxda, 31 March, 2016-(SDN/QJ):– Abaarta ka jirta Deegaannada Galbeedka Somaliland ayaa ka sii dareysa, Maaddaama oo ay dhaaftay Wakhtigii Eebbe looga bartay inuu Da’o Raxmaadkiisu, taasina waxay keentay in meelaha qaarkood Dadku ugu Geeriyoodaan Gaajo iyo Harraad ka dhashay Abaarta muddo dhaaftay. Deegaannada ay saamayn xun ku yeelatay Abaartu, ayaa waxa ka mid ah Deegaanka…

Read More

Sayladda Xoolaha ee Magaalada Hargeysa Oo Haawanaysa Iyo Xarakaadka Iibka Xoolaha Oo  Gaadhay Heerkii  Ugu Hooseeyay

Hargeysa, 31 March, 2016-(SDN/QJ):– Hoos dhac ballaadhan ayaa soo food saaray dhaq-dhaqaaqa kala iibsiga xoolaha nool ee Saylada magaalada Hargeysa, taas oo ay sababtay abaaraha baahsan ee ka jira dalka, isla markaana saamaysay guud ahaan dadka iyo duunyada ba. Saylada xoolaha ee magaalada Hargeysa oo uu shalay booqday wariye ka tirsan wargeyska Dawan,  ayaa aheyd…

Read More

Mudanayaasha Golaha Guurtida Oo Dalbaday In la Soo Gole Joojiyo Masuuliyiin Wasiiradda Maaliyaddu ka Mid Tahay

Hargeysa, 31 March, 2016-(SDN/QJ):– Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Shalay Meel-mariyey Ajandaha Kal-fadhigoodii 59-aad ee Golahaasi ku shaqeynayo inta Kalfadhigani socdo. Fadhigii Shalay ee Golaha Guurtida oo uu Shir-Guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan isla-markaana ay ka soo xaadireen 57 Mudane oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee Golahaasi ka kooban yahay, ayaa Cod gacan…

Read More

Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Afka ka Xidhay in ay ka Hadlaan Go’aanka lagu Joojiyey Diwaangalinta Codbixiyaasha

Hargeysa, 31 March, 2016-(SDN/QJ):–Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa laga sugayaa in ay si cad uga hadlaan Mawqifka ay ka taagan yihiin Dib u dhigida Diwaangalinta Codbixiyasha Doorashoyinka Somaliland, inkasta Komishanka Doorashooyinka Somaliland ay goob joog ka ahaayen Meeshi lagu gaadhay go’aanka ah in dib loo dhigo diwaangalinta basle kamay hadal Warbaahinta taasi oo keentay shaki ah…

Read More

Xisbiga WADDANI Oo Shaki Geliyey Ujeeddada Loo Hakiyey Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha & Deegaanno Ka Mid Ah Gobollada HAWD Iyo Gabiley Oo Ay Ka Sii Socoto

Hargeysa, 31 March, 2016-(SDN/QJ):– Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku celiyey Go’aanka uu kaga soo horjeedo Go’aan Wada jir ah oo Komiishanka Doorashooyinka, Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo Xukuumaddu ku wada gaadheen in Muddo bil ah dib loo dhigo Diwaangelinta Cod-bixiyeyayaasha, maaddaama oo ay dalka ka jirto abaar baahsan. Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed…

Read More

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Booqasho ku Jooga Dalka Masar Iyo Kulan uu la Yeeshay Dhigiisa Masaarida iyo Amuuraha laga wada hadlay SAWIRO

Qaahir, 31 March, 2016-(SDN/QJ):–Wasiirka cafimaadka dalka masar ayaa xarunta wasaarada caafimadka ee Magaalada Qaahira Ku qaabilay kuna soo dhaweeyay Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Xaglo toosiye Waxaana Wasiir Xaglo toosiye Kulankaasi ku wehelinayay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland. Mudada uu Kulanku socoday waxaa sii xoog ah labada dhinac uga wada…

Read More

Siyaasi Khadar Budle Oo Gudoomiyayaasha Kulmiye Iyo Ucid Ku Eedeeyey Joojinta Diwaan Gelinta Codbixiyayaasha

Hargeysa, 31 March, 2016-(SDN/QJ):– Siyaasi Khadar Cismaan Cilmi (Khadar Budle)  oo ka mid ah siyaasiyiinta somaliland ayaa ka hadlay go’aanka dib loogu dhigay diwaan gelinta codbixiyayaasha somaliland. Khadar Budle oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu dhaliil xoogan u jeediyey gudoomiyayaasha xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay…

Read More

Xukuumada Muqdisho Oo Ku Dhawaaqday In Gobolo Ka Tirsan Somaliland Ka Furayso Xafiisyo Lagu Bixiyo Baasaboorkooda Iyo Aamusnaanta Xukuumada Siilaanyo

Muqdisho 31 March, 2016-(SDN/QJ):–Taliyaha laanta socdaalka dawladda Soomaaliya Generaal Gaafaw, ayaa shaaca ka qaatay inay gobolo ka tirsan Somaliland ka furi doonan xafiisyo lagu bixiyo baasboorka Soomaaliya, Isla markaana wuxuu sheegay in qaarkood hore looga furay. Gaafoow oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi“Horta meel kasta oo nabad ah ama maamul goboladeed leh ama intay dadku…

Read More

WAJAALE: Mulkiillaha Dhaam-biyood Guddoomiyaha Degmada Wajaale Aasay Oo Mar Kale Baaq U Diray Xukuumadda

Wajaale, 31 March, 2016-(SDN/QJ):– Muwaadin Abokor Axmed Xuseen Kooshin oo ah mulkiillaha mid ka mid ah Balli-biyoodyada bulshadu ka cabto ee ku yaalla degmada Tog-Wajaale ee Gobolka Gabiley, ayaa mar kale qaylo-dhaan ka muujiyey hawl-gal uu maamulka degmada Wajaalle ku aasay balli-biyoodkaasi, kaasi oo sabab looga dhigay waddo-bannayn, dhaamkaasi oo waqtigan abaaruhu jiraan kamid ahaa…

Read More