Somaliland Oo Ka Hadashay Muwaadiniin  u Dhashay Turkiga  Oo Lagu  Dilay  Soomaaliya

Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Koox hubeysan ayaa doraad galab laba qof oo Turki ah ku dilay magaaladda Muqdisho, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday  dadkan Turkiga ah  oo ka shaqeynayay xarun caafimaad oo dawladda Turkigu ka hirgelisay magaaladda Muqdisho ee  dalka  Soomaaliya ee qalalaasaha iyo colaaduhu ragaadiyeen. Sidoo kale falkan oo ay…

Read More

Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Taageeray Hakinta Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha

Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Maayarka caasimadda Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa soo dhaweeyay go’aankii dib loogu dhigay diwaan-gelinta codbixiyeyaasha, si fursad loo siiyo dedaaladda loogu gurmanayo dadka abaaruhu dhibaateeyeen ee gobollada dalka.   Maayarka Hargeysa  oo shalay u waramayay Telefishanka bulsho TV, ayaa waxa uu sheegay in dadkii la diwaan-gelin lahaa ay abaari hayso,…

Read More

Somaliland: Wasaaradda Degaanka Oo Qabatay Shixnad Kootarabaan Ah Oo Laga Soo Dejiyay Dekada Berbera

Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Jamhuuriyadda  Somaliland oo adeegsanaya ciidamada amnaanka ayaa gacanta ku soo dhigtay gaadhi nooca xamuulka qaada ah, kaasi oo siday bacaha isticmaalkooda dalka laga mamnuucay ee madaxweyne Axmed Siilaanyo Digreeto wadanka kaga mamnuucay bishii April ee sannadkii hore. Kootarabaankan ayaa ka soo degay marsadda Berbera. Agaasimaha…

Read More

MW CMC Iyo Munaasabada Soo Dhawaynta Xubnaha Maamulka Cusub Ee Dib U curashada X.D.SH.S.I. Adhisababa

JigJiga, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo Mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee X.D.SH.S.I  mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi ayaa shalay galab kaqaybgalay munaasabad lagu soo dhawaynayay xubnaha maamulka cusub ee dib u curashada X.D.SH.S.I uu umagacaabay fadhigiisa xarunta dalka ee Adhisababa. Munaasabadan oo ay ujeedadeedu ahayd mid lagu…

Read More

Agaasimahii Hore ee Cashuuraha Berriga Oo Sheegay in Is-bedel Fiican ay Gaadhay Wasaarada Maaliyadu Waqtigan

Hargeysa, 01.April 2016-(SDN/QJ): – Agaasimihii hore ee Cashuuraha Bariga Mr. Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye, ayaa sheegay in isbeddel fiican lagu sameeyey Wasaaradda Maaliyada, gaar ahaan dhinaca cashuuraha bariga iyo kastamada dalka. Mr. Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye, ayaa sheegay in nidaamka cashuuraha beriga iyo kastamada wax weyn laga beddelin markay xilka Wasiirka Maaliyada qabsatay Marwo Samsam Cabdi Aadan…

Read More

Daawo:- Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Oo Madaxweyne Siilaanyo U Jeediyay Shacabka

Hargeysa (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somaliland ayaa  khudbad muuqaal ah kasoo dhex diray madaxtooyada, isagoona khudbaddiisaas kaga hadlay arrimo badan, oo ay ka mid yihiin, abaaraha baahsan ee dalka ka jira iyo Hakinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Madaxweynuhu waxa kale oo uu shacabka Somaliland usoo jeediyay in Alle ay baryaan, si uu nicmadiisa innoogu shubo oo uu abaaraha…

Read More

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya: Abaaraha ka jira Gobollada dalka oo Lacag dheeraad ah loogu deeqay

Muqdisho, March 31, 2016 (SDN/QJ)- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo kamid yihiin abaaraha ka jira qeybo kamid ah gobollada dalka, Amniga iyo qodobo kale. Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin la…

Read More

Madaxwaynaha Somaliland Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlay Xaallada Dalku Xilligan Ku Sugan Yahay

Hargeysa (QJ/SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shacbiga u jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, taas oo uu kusoo beegay, kagana hadlay Abaarta ba’an ee reebtay riiqda badan iyo Arrimaha la xidhiidha doorashooyinka horaanta 2017. Madaxweynuhu wuxu hadalkiisan ku sheegay inuu go’aamiyey in muddo bil ah diiwaangelinta codbixiyeyaasha la hakiyo…

Read More

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Oo Ka Hadlay Hakinta Diiwaan-gelinta iyo Khilaafka Xisbiga UCID

Hargeysa (QJ/SDN) – Suldaanka guud ee Beellaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi ayaa habeenkii xalay waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo wax lagaga waydiiyay xaalladda guud ee dalku ku jiro, gaar ahaanna arrimo ay ka mid yihiin dib u dhigista diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, khilaafka siyaasadeed ee ka dhex qarxay mar kale xisbiga UCID…

Read More

AKHRISO: Warqadda Uu Madaxweyne Siilaanyo Usoo Diray Golaha Wakiilada, Xisbiyada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka

Hargeysa (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somaliland MD.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa warqad usoo diray Guddida Doorashooyinka, Golaha Wakiilada iyo xisbiyada qaranka, warqaddaasi oo ku aadaneed Hakinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Haddaba Halkan hoose ka akhriso Nuqul ka mid ah warqaddaasi oo ay heshay shabakadda Qurbejoog.Com

Read More

DHAGEYSO: Soomaaliya Oo Hubaynaysa Kalluumeysatadeeda Si Looga Hor-tago Kalluumeysiga Sharci Darrada Ah

Muqdisho (QJ/SDN) – Waxaa soo kordhaya qeyla dhaanta ku aadan maraakiib shisheeye oo kaluumeysi oo booba Kheyraadka badda ee Somalia. Guddoomiyaha hey’adda Cilmi baadhista badda Somalia Admiral Faarax Qare ayaa ka hadlay xaaladda badaha Somalia isagoo soo jeediyay talooyin uu sheegay in looga hortagi karo kalluumeysiga sharci darada. Faarax Qare oo shir jaraa’id ku qabtay…

Read More