Gudoomiye Muuse Biixi oo Soo dhaweeyay in La Hakiyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha DAAWO

Hargeysa, 28 March, 2016 (SDNQJ): – Gudoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay Go’aan uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo kaga dalbaday Komiishanka Doorashooyinka Qaranka,Hogaanka Sadexda Xisbi iyo Shirgudoonka Golaha Baarlamanka ee {Guurtida iyo Wakiiladda} in dib loo dhigo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka qaranka.

Read More

Madaxweynaha Somalia oo Safiirka Ruushka ka Guddoomay Warqadihii Aqoonsiga

Muqdisho (QJ/SDN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warqadihii Aqoonsiga kaga guddoomay safiirka cusub ee waddanka Ruushka, ahna wakiilka dalka Ruushka ee Somalia, Mr Sergey Kuznetsov. Xasan Sheekh ayaa kulankaas ka sheegay, in Somalia ay gacmo furan kusoo dhaweyneyso danjire Kuznetsov, isla markaana ay si buuxda ula shaqeyn doonto, inta uu howlaha shaqo…

Read More

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo dib loo dhigay Wakhti aan La Cayimin,Madaxweyne Siilaanyo oo ka Hadlay iyo aragtida Xisbiyada SAWIRO

Hargeysa, 28 March, 2016 (SDNQJ): – Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isugu yeedhay Maanta, Shir Guddoonka Labada Gole Baarlamaan, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi Qaran. kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii loogu damqan lahaa shacbiga Somaliland ee ay soo foodsaartay Abaarta baahsan ee Dad iyo Duunyaba saamaysay, ayaa lagu gorfeeyey sidii…

Read More

Tuug Hubaysan Oo Dhac Iyo Boob La Beegsaday Laamo Xawaaladeed Oo ku Yaalla Hargeysa Iyo Ciidanka Booliska Oo Afka Ka Xidhay

Hargeysa, 28 March, 2016 (SDNQJ): – Laba Xafiis oo ka mid ah Laamaha Xawaaladda Dahab-shiil ee Magaalada Hargeysa, ayaa Nin ku hubeysan Baastoolad uu isku dayey inuu baadho Shalay gallinkii danbe, laakiin labada Xafiis mid ka mid ah ayuu ku guuleystay inuu ka qaato lacag dhan $500, halka Xafiiska kalena uu ku guuldaraystay oo hawl-wadeenkii…

Read More

Dawladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay inay Waddo Qorshe ay Gurmad ka geysanayso Abaaraha ka jira Somaliland

Muqdisho, 28 March, 2016-(SDN/QJ): – Dawladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay diyaar u tahay sii socoshada wada hadalladii u dhexeeyay Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo ka mid ahaa Xubnaha u dhashay Somaliland ee ku jiray Ergadii Soomaaliya uga qayb-gashay Wada hadalladii u dambeeyay ee Somaliland iyo Soomaaliya ee burburay, ayaa…

Read More

Booliiska AWDAL oo Faahfaahiyey Gaadhi Xamuul ah Oo La Afduubay, Cidda ka dambeysay iyo Iskaashi dhex maray Ciidammada Itoobiya Ee Xuduudka Deggan

Borama, 28 March, 2016-(SDN/QJ) : – Taliska Booliiska ee Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay Gaadhi Xamuul ah oo budhcad hubeysan ku afduubeen Meel 6KM u jirta Magaalada Boorama. Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka AWDAL Cabdiraxmaan Nuur Colhaye oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Boorama, ayaa sheegay in Hawl-gal Ciidanka Booliisku sameeyeen ay ku soo furteen…

Read More

“Wax is bahaysiga Kulmiye la yidhaahdaa majiro” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid

Hargeysa, 28 March, 2016 (SDNQJ): – Xassan Siciid xoghayha guud ee xisbiga muxaafidka ah ee  Kulmiye  waxaa uu sheegay in  wax la yidhaahdo isbaheysiga Kulmiye aanay jirin isla markaana ragaasi ay  wakhti xisbiga  ka mid ahaan jireen balse aanay hada ka mid aheyn  oo ay xisbi kale ka mid yahiin . Xoghayaha oo arimahaas ka…

Read More

Madaxwayne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Qodob Distuuriya U Adeegsaday Xaaladu Dalku Ku Jiro

Hargeysa, 28 March, 2016-(SDN/QJ): – Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa xisbiyadda ugu baaqay inay kaanbaynkooda haystaan ilaa la gaadhayo doorashadda. Isla markaana wuxuu sheegay in aan doorasho lagu gali Karin ilaa abaartu inaga jabto Axmed Yuusuf wuxuu sheegay in abaarta ugu wacantahay laba arrimood oo dunida ka dhaca“Abaaro waa aafo, oo…

Read More

Madaxdhaqameed Ku Baaqay In Maxkamad La Soo Taago Gacan Ku Dhiiglayaashii Dilay Taliye Caseyr

Ceerigaabo 28 March, 2016-(SDN/QJ):– Madaxdhaqameedka beesha galbeedka gobolka Sanaag, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay alle ha u naxariistee dilkii taliyaha qaybta gobolka Saaxil Cabdirisaaq Yuusuf (Casayr), si dhaqso ah maxkamad loo soo hortaago, isla markaanna waajibaadkooda sharciga ah la mariyo. Madaxdhaqameedkan waxay walaac wayn ka muujiyeen siday wax u…

Read More

Wasaaradda Beeraha oo Tababbar u soo Gabogabeysay Isku-duwayaal iyo Khuburro la baray Habka Casriga ah ee Cabbirka Beeraha

Hargeysa 28 March, 2016-(SDN/QJ) : – Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, ayaa soo xidhay Tababbar Muddo 20 Maalmood ah u socday Isku-duwayaasha Wasaaradda Beeraha ee Gobollada Dalka iyo Qaar ka mid ah Khuburrada Wasaaradda Beeraha ee kala xaddeynta Beeraha. Tababbarkan oo ay bixinaysay Hay’adda Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF isla-markaana lagu…

Read More

Guddida fulinta Ee Xisbiga UCID oo Ka hadlay Eedaymo uu Jamaal Cali Xuseen u Jeediyay Muuse Biixi iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid

Hargeysa, 28 March, 2016-(SDN/QJ): – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Raali-gelin ka bixiyey eedaymo Musharraxa Xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen u jeediyay Ganacsadaha Maxamed Aw Siciid Geeddi iyo Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi Cabd. War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga UCID, ayaa lagu sheegay in Guddida fulinta ee Xisbiga UCID raali-gelin ka bixinayaan Eedaymaha Musharraxa UCID…

Read More

Hargeysa: Wariye Cabdifataax Carshe Oo Maalintii afaraad Maxkamad La’aan U Xidhan Wasiir Warancadde

Hargeysa, 28 March, 2016-(SDN/QJ): – Wariye Cabdifataax Ismaaciil Carshe oo ka mid ah wariyayaasha ka hawlgala magaaladda Hargeysa, ayaa maalintii afaraad maxkamad la’aan u xidhan Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadda. Wariye Carshe oo ka hadlay qaabkii loo xidhay ayaa sheegay in sabab la’aan ay ciidamadda Warancadde xabsiga u dhigeen “Ma garanayo sababta ciidamadda…

Read More

(DAAWO) Ciyaarta oo dhameystiran Barzil Iyo Uruguay oo Isku Nafbaxay u Soo Bixdda Koobka Aduunka 2018.(Jaahuur)

Pernambuco Stadium-Mar-27-2016(SDN/QJ) Saaxiibayaal qubanaheena ciyaaraha waxaynu ku iftiimineynaa is reeb-reebka koobka kubadda cagta ee aduunka 2018 oo si xasaasi ah ugu socda Waqooyiga Ameerika. Haddaba ciyaar aad loo sugayey ayaa waxa isku hirdiyey xulka Brazil iyo xulka Uruguay daawo waxay kala macaasheen. W/Q Jaahuur SDN/QJ jjaahuur@Hotmail.com

Read More

Guddoomiyaha Guurtida Oo Soo Bandhigay Laba Dawladood Oo Uu Sheegay Inay Yihiin Kuwa Ugu Fog Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland

 Hargeysa (QJ/SDN) – Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ku tilmaamay labada dawladood ee ugu dhego adag qaddiyada madaxbanaanida Somaliland, isagoo sheegay inaanu afka  ka dhawrayn magacaabista labadaas dawladood. Guddoomiyaha guurtida oo hadal ka jeediyay fadhigii shalay ee golaha guurtida, wuxuu kaloo si adag uga digay dilalka saraakiisha iyo…

Read More

“Faysal Cali Waraabe Waxii Rag Iska Yeeli Jiray Ayaanu Iska Yeeli Doona,,“ Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa (QJ/SDN) – Jamaal Cali Xussen  musharaxa  madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa uu ka jawaabay hadalo mar dhaweyd ka soo yeedhay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Waxaana uu sheegay  Jamaal  Cali Xussen in  gudoomiye Faysal Cali Waraabe  aanu afkiisa kaga qaadi karin xilkiisii musharaxnimo isla markaan Faysal uu yahay shaqsiga loo adeegsanaayo burburinta…

Read More