Mid ka Mid ah Salaadiinta Bariga Hargaysa oo Difaacay Xuquuqda Lahaanshaha ee Ganacsade Cumar Caydiid ee Tiyaatarka Hargaysa, Jawaabna ka Bixiyey Hadalo ka soo Yeedhay qaar ka Mid ah Madax dhaqameedka DAAWO

Hargeysa 7. February,2016(SDN/QJ):– Suldaanka Suldaan.Cabdirixiin Saxariid Kaahin oo ka Mid ah Madax dhaqameedka Beesha Bariga magaalada Hargeysa ayaa markii ugu horeysay ka Hadley Arimo ay ka mid yihiin muranka ka taagan Baraxada hore ee Tiyaatarka magaalada Hargeysa,Hadalo isdaba jooga oo ka soo yeedhay Madaxdhaqmeed ay ka mid yihiin,Boqor Buurmadow iyo Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Suldaan.Cabdirixiin…

Read More

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ka Hadashay Muranka ka Taagan Dhismaha Tiyaatarka Soona Bandhigay Qoraalo Sharci DAAWO

Hargaysa 7. February,2016(SDN/QJ):–Xukuumada somaliland ayaa maanta ka hadashay arintii ka taagnayd tiyaatarka magaalada hargaysa. Wasiirada wasaaradaha warfaafinta iyo hawlaha guud oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada hargaysa ayaa sharaxaad iyo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qaabkii lagu bixiyey dhulkaasi iyo noovcyada kala duwan ee dhulku ka kooban yahay. Ugu horayn wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Dawladda Somalia ku eedeeyay inaanay Daacad ka ahayn Wada hadaladda labada dal

Hargaysa 7. February,2016(SDN/QJ):– Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa dawladda Somaliya ku eedeeyay inaanay daacad ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, taas oo sabab u ah faashilka ku yimid wada hadaladii u dhexeeyay labada dawladood. Wasiir Sacad, oo waraysi siiyay jariirada Ethiopian reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee…

Read More

“Madaxweyne Waxaa Dalka Jahawareerinaya Xamas kaa Sokaysa ee ka hadal arrimaha dalka ka taagan oo Aamusnida iska daa’aa” Xildhibaan Cali Aareeye

Hargaysa 7. February,2016(SDN/QJ):-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye  oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in aanu ka aamusin khilaafka ka taagan Tiyaatarka, ee uu ka hadalo, waxaanu sheegay inuu sharci daro lagu xidhay Ganacsade Cumar Caydiid oo uu tilmamay in aan xadhigiisa loo marin nidaamkii sharciga ahaa. Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye…

Read More

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay Maalinta ay Gobolka Awdal ka Bilaabmi doonto Hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Iyo Diyaar garawgoodu halka uu Marayo

Boorama  7. February,2016(SDN/QJ):–Gudida komishanka doorashooyinka qaranka ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in gobolka Awdal maalinta Sabtida ah ay ka bilaabi doonto hawshii diiwaan galinta codbixiyaasha.   Afhayeenka kominshinka doorashooyinka qaranka Siciid Cali Muuse ayaa daboolka ka qaaday in ay diyaariyeen shaqaalihii iyo agabkii ka hawl gali lahaa gobolkaasi, waxana uu si gaara u tilmaamay…

Read More

Xukuumadda Federaalka Somalia oo Soo Daboolka ka qaaday in Diyaaradii Daallo ee Qaraxu ka dhex dhashay ay Sabab u ahaayeen Walxo Qarxa oo lagu Rakibay DAAWO

Muqdisho 7. February,2016(SDN/QJ):– Dawladda Federaalka Somalia ayaa shaacisay in Qaraxii ka dhashay Diyaaradii Daallo Airline aanu ahayn Mid ka dhashay Cilad farsamo balse uu ahaa Sida uu Shaaciyey Wasiirka Wasaaradda Duulista hawadda iyo Gaadiidka Cirku Mr Jangali Mid lagu rakibay Walxaha qarxa diyaaradaas.

Read More

Nin Alshabaab ka Tirsan oo Qirtay inuu Yahay Shakhsiga ay u adeegsan Jireen Shirqooladda Suxufiyiinta DAAW0

Muqdisho 07.Feb 2016 (SDN/QJ):- Daawo barnaamij xiiso leh oo laga diyaariyay weriyayaal badan oo xamar lagu laayay waxaana waraysiga bixinaya ninkii ururka alshabaab u qaabilsanaa laynta wariyayaasha ninkaas oo lagu magacaabo Xasan Xanafi . Wuxuu Ninkani Qirtay inuu ahaa Maskaxdii ka danbaysay in Alshabaab ay Khaarajiso Suxufi kasta oo ay u arkaan Mid ka soo…

Read More

Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland oo Indhihiisa ku Soo arkay Haan ka Soo Caariday Badda Baaqna u diray Hay’adaha Dawlada DAAWO

Ceerigaabo 7. February,2016(SDN/QJ):– Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Iyo Difaaca Xeebaha ee Somaliland Admiral Maxamed Xuseen Faarax “Xiirane” oo ay Weheliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaaladda Xeebaha ayaa Kormeer ku soo maray Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag. Hargaysa SDN/QJ contact@qurbejoog.com

Read More

C.kariin Axmed Mooge oo ka hadlay sii daynta Ganacsade Cumar Caydiid iyo Qaabka loo Gelayo Soo af xidhka qadiyadda Muranka Tiyaatarka DHAGAYSO

Hargaysa 7. February,2016(SDN/QJ):– Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Qorsheenta C/kariin Axmed Mooge oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargaysa ayaa xaqiijiyay In xabsiga laga sii Daayay Ganacsade Cumar Caydiid oo maalmihii u danbeeyay ku xidhnaa xabsiga koodbuur ee Magaalada Hargaysa . c/kariin Axmed Mooge mar uu ka hadlayay sida…

Read More

Duulimaadyadii Shirkadda Caalamiga ah ee Turkish Airways ee Muqdisho oo Qaraxii Daallo Kadib Loo soo Wareejinayo Dhanka Magaaladda Hargaysa.

Hargaysa 7. February,2016(SDN/QJ):–Shirkadda Caalamiga ah ee Diyaaradaha Turksih Airline ayaa la filayaa in ay duulimaad cusub markii ugu horaysay ka bilawdo somaliland. Diyaaradda Turkish Airline ayaa badelaysa duulimaadkeedii Muqdisho ay ku tagi jirtay kadib Qaraxii Diyaaradda Daallo lagu Qarxiyay Garoonka muqdisho markay ka duushay . Saraakiil ka Tirsan Qunsuliyada Turkiga ee magalada Hargeysa oo warbaahintu…

Read More

“Somaliland cidna khasab  kuma saarayso, balse Qof kastoo Ajaanib ah, Soomaliya ama Waddan kale waxa waajib ah…” Taliyaha Laanta Socdaalka

Hargaysa  7. February,2016(SDN/QJ):– Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland G/S Maxamed Cali Yuusuf (Ina-Cambaro)  ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin ajaanib khasab dalka lagaga saararyo haduu leeyahay sharci degenaansho, marka wakhtigii digniintu dhamaado.   Taliye Mr. Maxamed Cali Yuusuf oo xalay wargeyska Himilo u waramay ayaa shaaciyey inay ku amrayaan dhamaan mulkiilayaasha hudheelada hurdada, guryaha kirada…

Read More

Kuuriyadda Waqooyi oo Maanta ay u Qorshaysan Tahay Dayax Gacmeed ay Hawada u dirto Iyo Tijaabadda Gantaal Cusub iyo Weliba Dareenadda Shakiga leh ee Laga qabo

London 7. February,2016(SDN/QJ):–Caddaymaha laga helayo Dalka Kuuriyada waqooyi ayaa muujinaya inuu jiro diyaargarow ay dalkaasi u samaynayaan tijaabo ay ku samaynayaan gantaal cusub, Xogahan ayaa soo baxaya iyadoo Axadnimadda Maanta la filayo inay Kuuriyada Waqooyi hawada u dirto wax ay ugu yeedhay dayax gacmeed korka kala socon doona dhulkeeda, xilli  gantaalka kalena la qorsheeyey in…

Read More

Turkiga oo Xidhay Xudduuda uu la Wadaago Dalka Suuriya iyo Qaxoonti tiro badan oo Meel ay u Ciirsadaan garan la’a

Xalab 7. February,2016(SDN/QJ):–Qaxootiga suuriya ee ka cararaya magaalada xalab ayaa weli ku go’doonsan xuduuda dalka Turkiga ka dib markii ay Ankara xidhatay xuduudeeda maalintii shalay. Qiyaastii 35.000 oo suuriyaan ah oo ku barokacay duulaanka adag ee ay ciidamada bashaar Al-Asad oo taageero ka helaya Duqaynta diyaaradaha ruushku ku hayaan magaalada Xalab kuwaas oo tuban xuduuda…

Read More

Talliye Fooxle oo beeniyay in shaqadii laga caydhiyey Taliyihii Saldhiga Ibraahim Koodbuur

Hargaysa 6. February,2016(SDN/QJ):– Taliye kuxigeenka Ciidanka   booliiska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdirahmaan Liibaan  (Fooxle) ayaa ka jawaabay warar sheegaya in la xidhay taliyihii Saldhiga Degmada  Ibraahim Koodbuur Beddel Xasan Qayl. Taliye Fooxle Oo Khadka Taleefanka ugu waramay warbaahinta ayaa u xaqiijiyay in aanay jirin xadhig lagula kacay taliyaha Saldhiga  Booliska degmada  Ibraahim Kood buur, taliyaha oo…

Read More

Ganacsade Cumar Caydiid oo Dhawr Cisho kadib Galabta Dib u Helay Xoriyadiisii Iyo Qadiyadii Muranka Tiyaatarka oo Gudi Ganacsato ahi Xalkeeda Galayaan DAAWO

Hargaysa 6. February,2016(SDN/QJ):– Ganacsade Cumar Caydiid Axmed oo ah Hantiilaha Maalgashanaya Tiyaatarka Magaaladda Hargaysa oo dhawrkii Maalmood ee u danbeeyay Ku Xidhnaa Saldhiga Ibraahin Koodbuur ee Magaaladda Hargaysa ayaa Maanta Dib u helay Xoriyadiisii. https://www.youtube.com/watch?v=zYPWTYIYWDk

Read More

“Haddii uu yahay maalgashade aniguna waxa aan ahay dhiig gashade, Tiyaatarka waxa ku daatay dhiigaygii+Gudoomiye Cirro ma aha kii dalkan Hogaamin lahaa” Suldaan Habaar DAAWO

Hargaysa 6. February,2016(SDN/QJ):– Suldaan Saleban Boqor Cismaan Xasan “Suldaan Habaar” ayaa si adag u soo bandhigay dood sharci oo uu ka leeyahay muranka ka taagan tiyaatarka Hargeysa. Suldaan Saleban oo xalay nagu soo booqday Geeska Afrika, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan, “Waxa ayaamahan socotay hadalo hanjaabado xanbarsan oo ay ku hadlayeen Rag waaweyn oo odayaal…

Read More