Xulka Wiilasha Canada Xeegada Ayaa Hantiyey Biladda Dahabka Markii 3-0 Ku Aamusiyeen Xulka Sweden(Olympic Winter Games Sochi 2014) By Jaahuur.
Sochi-Russia-23-Feb-2014-(SDN-Ottawa) Asxaabtay qormadeena ciyaaraha waxaynu ku eegeyna ciyaarihii Olombikada wakhtiga qaboobaha (Winter Olympic Games Sochi 2014) oo la soo gabagabeeyey iyo Xulka wiilasha Canada xeegada oo ku guuleystey Biladda dahabka,(Gold Medal) markii 3-0 ku khaarijiyeen xulka Sweden. Haddaba wallow oo maanta la soo afjarey ciyaarihii Olombikada qaboobaha ayaa xulalkii ka soo qeybgaley qaarna farxad guryahoodii…
