Golaha Wakiilada Somaliland oo loo qaybiyay Xisaab Xidhada Miisaaniyadihii 2008 iyo 2009

    Hargaysa 06.Feb.(SDN)  Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa  loogu qaybiyay Xisaab Xidhka Miisaaniyadaha Qaranka ee Sannadihii 2008 iyo 2009. Fadhigan waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax Xisaab xidhadan oo uu soo gudbiyay hanta dhawraha guud ee qaranku ayaa markii  xildhibaanada loo qaybiyay waxa uu Gudoomiyuhu ka dalbaday in…

    Read More

      Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xoolaha oo Hargaysa ku soo gabo gabeeyay kulan lagaga hadlayay Ilaalinta Fayadhawrka Saribadaha.

      Hargaysa 06.Feb.(SDN) Shir Hawleed socday muddo  labo cisho oo lagaga hadlayey kor u qaadista fayo dhowrka sariibadaha hilibka ee caasimadda ayaa maanta lagu soo gebagebeeyey hotel Maansoor ee magaalada hargaysa. Agaasimaha guud ee wasaaradda xanaananada xoolaha Md Maxamuud axmed Cagaweyne oo soo xidhay kulankaasi oo ay ka qayb qaadanayeen hawlwadeeno ka kala socday Wasaaradda xanaanada…

      Read More

        Dalad Cusub oo la magac Baxday (Somaliland United Forum) oo laga dhawaqay wadanka Ingriiska Casimadiisa London

        London 06Feb13(qurbejoog)waxa habeenkii xalay ka dhacay caasimada wadankan london shir balaaran oo ay isku yimadeen aqoon yahano somaliland oo isagu jira siyaasiyiin iyo xisbiyada qaranka somaliland oo ay uga hadleen danta guud ee wadanka ay marayso iyo sidii loo heli lahaa badbaado qaran  shirkan oo ay ka soo qayb galeen sadexda xisbi qaran iyo ururadii…

        Read More

          Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka dalbaday Oradyahan Mo Farax in uu ka qeybqaato dib u dhiska dalka

          London Feb 06 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waraysi uu siiyay Wargeyska Daily Telegraph ee dalka UK kasoo baxa kaga hadlay xaalada dalka Soomaaliya. Madaxweynaha oo ka hadlayay Soomaalida ku nool dalka ingiriiska ayaa sheegay in qurbajoogta Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya. Wuxuu…

          Read More

            Xoghayaha Guud ee Q/M oo walaac ka muujiyay Xukunkii Wariye C/casiisk Koronto

            New York Feb 06 2013 (SDN)– Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku biiriyay codkiisa walaaca iyo niyad jabka xukunkii maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay hal sanno oo xariga ah Wariye C/casiis Koronto iyo Haweenay sheegtay inay kufsadeen ciidanka Dowladda Somalia. “Waxaa ugu baaqayaa dowladda inay ilaaliso kufsiga loo gaysto haweenka islamarkaasna…

            Read More

              Ra’iisul wasaare Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baladweyne

              Baladweyne Feb 06 2013 (SDN)– Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo siweyn ay ugu soo dhaweeyeen Ciidamada Jabuuti iyo maamulka dowladda ee gobolkaasi. Wafdiga Ra’isulwasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda…

              Read More

                Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeeray dowladda Maraykanka

                Hargeysa Feb 06 2013 (SDN)– Dowladda Soomaaliland ayaa ka hadlay hadal kasoo baxay Dowladda USA kaasi oo ahaa inuu digniin ujeedinayo muwaadiniinta udhashay dalkaasi inay usafri karin deeganada maamulkaasi. Wasiirka arimaha dibada ee maamulka Soomaaliland Maxamed C/laahi Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in hadalka kasoo baxay Dowladda USA aysan waxba udhimeyn ammaanka…

                Read More

                  Axmedi Najad oo markii ugu horeeyay tagay Masar iyo soo dhaweyn uu ka carooday oo uu kala kulamay dadka Masaarida

                  Qaahira Feb 06 2013 (SDN)– Maxamuud Axmedi Najaad ayaa noqday Madaxweynihii uhoreeyay eeIranah oo booqda dalka Masar tan iyo markii kacdoonka Islaamiga ah uu la wareegay Iraan sanadkii 1979kii. Mr. Axmedi Najaad ayaa u tagay Magaalada Qaahira in uu ka qeybgalo Shirka wadamada Islaamka ee OIC kaasi oo maanta ka furmaya Magaalada Qaahira ee Caasimada…

                  Read More

                    Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Qaahira

                    Qaahira Feb 06 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay waxa ay gaareen Magaalada Qaahira ee Caasimada dalka Masar. Ujeedka safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku tageen Magaalada Qaahira ayaa ah ka qeybgalka Shirka Wadamada Islmaamka ee OIC kaasi oo ka dhici doona Magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar….

                    Read More

                      Al Shabaab oo Twitter dib ugu soo noqotay

                      Nairobi Feb 06,2013(SDN)-Kooxda Al Shabaab ayaa dib uga hawlgashay barta Internetka ee Twitter ka dib kolkiii dhawaan laga xiray bar ay halkaa ku lahaayeen. Shabaabka ayaa Twitter u isticmaasha in ay ku baahiso dilalka,afduubka iyo hanjebaadaha ay fuliso,kuwaas oo gebi lidi ku ah shuruucda Twitter. Shabaabka ayaa bogooda cusub ee Twitter la yidhaahdaa @HSMPRESS1,waxaana mudo…

                      Read More

                        Maayarka cusub ee Hargeysa oo sababo Caafimaad isaga gudbay Jabuuti iyo Dubai, wararkii u dambeeyay ee xaaladdiisa iyo guux ka bilaabmay golaha Deegaanka

                        Hargeysa 5, Feb.2013 (SDN)- Maayarka cusub ee Hargeysa oo tan iyo todobaadkii hore daawayn caafimaad u jiifay cusbatal ku yaala Jabuuti, ayaa la sheegay in loo gudbiyay dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta. Inkastoo aanu jirin war ka soo baxay dawladda Hoose ee Hargeysa oo arrintaa ku saabsani, haddana siday ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com,…

                        Read More

                        Maxaa Kala Haysta Mali vs Nigeria Iyo Ghana vs Borkina Faso (Cup Of Nations 2013-Semi Finals) By Jaahuur.

                        (South Africa-Cup Of Nations-2013)-Feb-05-2013-qurbejoognews.com. Saaxiibayaal barnaamikeena ciyaaraha waxaynu maanta ku qaadadhigeynaa maxaa kala haysta afrta xul ee iskugu soo hadhey (Semi Final-ka) ee ka dhici doona berito oo Arbaco ah(Wenesday) Feb-06-2013? Haddaba afartan xul oo kala ah Mali vs Nigeria iyo Ghana vs Borkina Faso. Koobkan horyaalka ee qaraamada Afrika ayaa jawi kale yeeshey,markii xulalka…

                        Read More

                          Hablaha Somaliland ee Jaamacadaha ka baxay oo Samaystay Urur ay ku bahoobeen.

                          Hargaysa Febr 5,2013 (SDN)  hablaha aqoonyahanada Somaliland ee ka qalin jebiyey jaamacadaha Dalka ayaa maanta aasaasay urur ay ku midaysnaan doonaan kaasoo ka hawlgeli doona waxbarashada iyo wacyigelinta haweenka somaliland. Kulan ay maanta isugu yimaadeen 70 xubnood oo ah hablaha jaamacadaha dalka ka qalin jebiyey ayaa lagu aasaasay ururkaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyey SOWGA…

                          Read More

                            Weftigii Madaxweyne Siilaanyo oo ka ambo baxay Madaarka Cigaal International Airport,kana Hadlay Nuxurka Socdaalkooda & Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka baaqsaday sii Sagootinta Madaxweynaha.

                            Hargaysa Febr 5,2013 (SDN)  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa galabta Socdaal ugu  kicitimay Wadanka Ingiriiska,iyadoo Madaxweynaha iyo Weftigiisuna ay ka ambo baxeen Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimada Hargaysa. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxaa uu Sheegay in Socdaalka ay ku tagayaan Wadanka Ingiriiska…

                            Read More

                              Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Magacaabay guddi ka baara Xadgudubyada Adminimo ee Somaliya

                              Muqdish Feb, 5, 2013 (SDN)– (Warsaxaafadeed) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ku dhawaaqay dhismaha Guddi madax banaan oo ka shaqeeya ka soo talabixinta xadugudbyada ka dhanka ah xuquuqda Bani’aadamka, gaar ahaana falalka kufsiga iyo dilalka loo gaysto Wariyeyaasha. Munaasabad ka dhacday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa maanta looga dhawaaqay…

                              Read More

                                War deg deg ah.Tageerayasha Ururka Xaqsoor oo Mudaaharaad ka dhan ah Madaxweyne Siilanyo ka Abaabulayaa Magaalada London ee dalka Britain.

                                london5 Feb13 (qurbejoog)Waxaa Magalada London ee dalka Britain kasocda  abaabul wayn  oo lagu samaynayo Mudaharaad lagaga hortagayo Madaxweyne Siilaanyo oo kusoo fool leh Magalada London ee dalkan Britain.Mudaharadkan oo ay qaban qaabinayaan kamid ah Tageerayasha ururka Xaqsoor  kuwaas oo Siilaanyo ku eedaynayaan inuu Caruurtoodii ka laayay si arxan daro ah waxaana sidaa nooxaqiijiyay Gudoomiyaha Garabka…

                                Read More

                                  Munaasabad Soo dhawayn ah loo Sameeyay Musharaxa Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen Iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Axmed Adan ismaciil Kayse Gurey oo ka dhacday ottawa Dalka Canada Dawasho Wacan

                                  London5 Feb13(SDN)Habeenkii Sabtidii ay ahayd bisha Januray 27, 2013 ayaa waxaa lagu qabtay xaflad aad u balaadhan oon loo kala hadhin magaalada Ottawa ee dalka Canada. Xafladaasi oo lagu soo dhaweynayey waftiga ka socday Xisbiga UCID, oo uu hogaaminayay Musharaha jagada Madaxweynaha ee Jamuriyada Somaliland Dr. Jamal Ali Husein iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID…

                                  Read More

                                    Taliye ku Xigeenka 1aad ee Booliska Somaliland oo Socdaal Shaqo ku tagay Magaalada Boorama.

                                    Boorama 05.Feb.(SDN) Taliye ku xigeenka  Ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdiraxmaan Axmed Liibaan ayaa maanta kormeer hawleed ku tegay xarunta Gobolka Awdal ee Boorame. Taliye xigeenka oo socdaalkiisa uu ku weheliyey ku  xigeenka hogaanka ciidanka Booliska somaliland Saleebaan Cismaan Shide ayaa waxuu u kuurgalay hawlaha ciidanka Booliska ee gobolka gaar ahaan baahiyaha ku saabsan xubnaha…

                                    Read More