Kooxo ka Tirsan Hay’ada Shaqaalaha Dawlada oo Hawl gal Madax taabasho ah ka wada Gobolka Sanaag

      Hargaysa 29 Dec.(SDN) Hay’ada Shaqaalaha Dawlada ayaa kormeer ay ku darsayaan shaqada iyo shaqaalaha dawlada waxa ay ku tageen Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Waxay Kooxdan ka socota Hay’ada Shaqaalaha Dawladu hawl gal Madax taabasho ah ku sameeyeen Shaqaalaha dawlada,marka laga reebo Ciidamada iyo Shaqaalaha Dawlada Hoose ee Magaalada Ceerigaabo. Kooxdan ka socota…

    Read More

      Kulan lagu Gorfaynayo Galdooladii Doorashada Deegaanka oo Hargaysa ka qabsoomay

        Hargaysa 29 Dec.(SDN) Kulan hawleed lagu darsayo waxyaabihii ka soo baxay Doorashadii golahan deegaanka ee dhawaan ka qabsoontay, ayaa maanta lagu qabtay Hotelka maansoor ee magaaladda hargeysa. kulankan oo ay iska kaashadeen daladda Nagaad, iyo Hay’addaha Hafayooko iyo Oxform kana qayb qaadanayaan hawlwadeenadii ka qayb galay hawlihii Doorashada, ayaa waxa lagu falanqaynayaa isla markaana…

      Read More

      Tababarihii Brooklyn Nets(NBA) oo Daaqadda Laga Tuurey Muxuuse Galabsadey?

      New York-Dec-29-2012-qurbejoog.com-Akhyaartay qubanaheena ciyaaraha waxaynu maanta jaleeceynaa Tababarihii kooxda kubadda koleyga ee Brooklyn Nets (NBA) Avery Johnson oo shaqadii laga eryey muxuuse galabsadey? Haddaba tababarahan oo runtii ahaa xiddigihii barasamaadkii ee reer Mareykan Avery Johnson ayaa kooxo kala gaddisan soo tababarey,sannadii 2006-na waxaa loo magacaabey Tababarihii sannadka wuxuuna macalin u ahaa Dallas Mavericks. Akhyaartay runtii…

      Read More

        Barlamanka Soomaaliya oo ansixiyay wasiirada cusub ee lagu soo daray Xukuumadda Saacid

        Muqdisho Dec 29 2012 (SDN)— Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Wasiir ku xigeenidii uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid. Mudanayaasha baarlamanka ayaa kulankan waxaa ay ku yeesheen Xarunta Golaha shacabka iyadoo uu shir gudoominayay Maxamad Cismaan jawaari oo ah gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya. Muhiimada kulan ayaa waxaa ay ahayd mid kaga doodayeen…

        Read More

          Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Cadeeyay in Xafiiska Garyaqaanka Guud uu la Wareegay dacwadaha Madaniga ah

              Hargaysa 29 Dec.(SDN) Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa maanta tababar uga  furay huteelka Imperial  Sodon Xubnood oo ka kala socday Xeer ilaalinta,Garsoorayaasha, Ciidamada Booliska iyo Asluubta. Ujeedada aqoon isweydaarsigan ayaa ku saabsan sidii dib u eegis loogu samayn lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Xafiiska Xeer ilaalinta Guud iyo Ciidamada…

          Read More

            Golaha Deegaanka Degmada Sallaxley oo doortay Hogaankoodii iyo ka Degmada Bali Gubadle oo Xilkii la Wareegay

              Hargaysa 29 Dec (SDN) Gudoomiyaha  Cusub ee Golaha Deegaanka ee  Degmada balligubadle Md Cabdi iimaan Jaamac ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Duqii hore ee Degmadaasi Md Ibraahin Colaad. Munaasabad lagu qabtay Hotel Al-xayaat ee magaaladaasi ayaa waxaa ka qayb galay Gudooiyaha Gobolka Balligubadle Md Jamaal Xuseen Hurre. Gudoomiyihii  hore ee Degmadaasi…

            Read More

              Golaha Wakiilada oo Wasiirka Maaliyada Su’aalo ka weydiiyay Odoroska Miisaaniyada Qaranka 2013

                Hargaysa 29 Dec (SDN) Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudan C.casiis Maxamed Samaale ayaa maanta Hortagay fadhigii  Golaha Wakiilada ee Somaliland Isla markaana lagu weydiiyay Su’aalo ku wajahan Miisaaniyada Qaranka oo Maalintii Arbacadii la horkeenay Golaha. Fadhigan oo uu Gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa waxaa Wasiirka lagu waydiinayay Su’aalo ku…

              Read More

                Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xadhiga ka jaray Wado isku xidhaysa qaybo ka mid ah Caasimada Hargaysa

                  Hargaysa 29.Dec (SDN) Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray waddo Cusub oo  laami ah oo Xidhiidhinaysa  Xaafadaha Sh,Nuur, Daami,iyo Suuqa Dhexe ee Caasimadda ,Waxaa kale oo Madaxweynuhu  dhagax dhigay saldhig cusub oo Boolis oo laga dhisi  doono Xaafadda Daami. Madaxweynaha Somaliland Waxa uu soo dhawayn xamaasadi ku dheehan…

                Read More

                  Wasiiradii Kismaayo booqday oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

                  Muqdisho Dec 29 2012 (SDN)—Iyadoo maalmahan wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay socdaal ku joogeen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa wasiiradaasi maanta waxa ay kusoo noqdeen magaalada Muqdisho. Wasiirada oo kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay halkaasi kula hadleen saxaafadda iyagoo faah-faahin ka bixiyay socdaalkooda Magaalada Kismaayo. Wasiirka…

                  Read More

                    MSF oo ka deyrineysa qaxootiga Soomaaliyeed ee lagu qasbayo in ay dib ugu laabtaan Dhadhaab

                    Nairobi Dec 29 2012 (SDN)— Hay’adda dhaqaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF ayaa walaac ka muujisay qaxootiga ku sii qulqulaya xeryaha Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya, kaddib markii ay dowladda Kenya ku cadaadisay kumannaan qof oo qaxooti ah oo ku noolaa magaalooyinka inay ku noqdaan xeryaha. Madaxa ergada MSF ee Kenya Dr. Elena Velilla ayaa…

                    Read More

                      Dowladda Kenya oo dhaqaalo ku bixineysa soo qabashada dhaliyara xiriirka leh Shabaab

                      Nairobi Dec 29 2012 (SDN)—Wasaarada amniga qaranka dalka Kenya ayaa lacago malaayiin gaaraya ku bixisay sidii loo xaqiijin lahaa amaanka dalka Kenya guud ahaan,xiliga ku aadan doorashada la filayo inay ka dhacdo sanadka cusub ee dalka Kenya. Lacagtaan loogu talagay sugida ammaanka dalka Kenya ayaa gaareysa 6.5 bilyan oo shiling oo dheeraad ah,taasi oo intooda…

                      Read More

                        R/wasaare ku xigeenka DFS ah wasiirka arimaha dibada ee DFS DRS-Fowsiya yuusuf xaaji aaden oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada london caawa

                        London Dec29(SDN) Waxa caawa soo gaadhay Caasimada Uk R/wasaare ku xigeenka DFS ah wasiirka arimaha dibada ee DFS DRS-Fowsiya yuusuf xaaji aaden halkaas  oo si weyn loogu soo dhaweeyey  wasaarada arimaha dibada ee dalkan britain iyo jaalliyada soomaaliyeed ee reer UK-dhawaana la kulmi doonta walliam hage wasiirka arimaha dibada ee Britain  una amba bixi doonta wadanka  Talyaniga lana…

                        Read More

                          War Deg Dega 120 Arday oo reer Somaliland oo gadhi kula Qalibmay gudaha Libiya iyaga oo Tahribaya dhamashadu waa 28 iyo Dhawac culus

                          Libiya Dec29 (SDN) waxa habeenkii caawa u shil baabuur ku qabsaday caasimda libiiya dhalinyaro reer somaliland oo tahribayaal oo u socday xeebaha si ay uga gudbaan qarada yurub dhalinyaradan oo u badnayd dhalintii ka qayb gashay goobjoogayasha kana qalinjabiyey jamacadaha somaliland  ayaa waxa ay mudado ku jireen sidii ay u gadhi lahayeen xebaha libiya iyaga…

                          Read More

                            Madaxweyne Siilaanyo oo Kulan Casho-sharafeed ah ku qaabilay Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi ee Somaliland

                            Hargaysa 28, Dec.2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa waxa uu caawa kulan kula yeeshay guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee shahaadooyinkooda xisbino ee jiritaankooda toban sannadood ee soo socda sida rasmiga ah loo gudoonsiiyay Arbacaddii doraad. Kulankan oo ahaa martiqaad casho-sharaf ah, waxa ka qaybgalay guddoomiyeyaasha saddexda xisbi…

                            Read More